Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Tiknikada beesha Dhulbahnate ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo sida loogu caagleeyo

$
0
0

Beelaha Ugaadhyahan ee dega Sool iyo Sanaag:

Gobolka Sanaag:

Naaleeye Axmed• Magaalada Fiqi-fuliye Kornayl Madoobe wuxuu ku haystaa 25 tikniko ah, wuxuuna Somaliland kaga mushahar qaataa maleeshiyo gaadhaysa 350, laakiin waxaa xerada u jooga 50 askari. Lacagta waxaa qaybsada isaga iyo caaqiladiisa iyo saraakiisha ka saraysa. Askarigii waxaa la siiyaa $75.

Gobolka Sool:
:::::::::::::::::::::

Beesha Naalleye Axmed• Kornayn Ina Ducaale Cali Dheeg wuxuu magaalada Xudun ku haystaa 20 tikniko ah, waxaana u qaramaysan 250 maleeshiyo ah, dhaqaallaha waxaa la cuna, cuqaasha iyo saraakiisha ka saraysa. Askarigii waxaa la siiyaa $75.

Axmed Karaash oo ah Naaleeye Axmed- Wuxuu joogaa magaalada Garoowe, wuxuu haystaa 12 tikniko ah, wuxuuna kaga bushahar qaataa Puntland, waxaa u qaramaysan 200 oo maleeshiyo ah, waxaa xerada joogaa ciidan ka yar 20, dhaqaallaha ka soo galana waxaa qaybsada isaga iyo saraakiisha la shaqaysa. Dhaqaallaha marna wey helaan marna wey waayaan.

Reer Cilmi Naaleeye, ee Naaleeye Axmed waxay haysataa 10 tikniko ah, waxay u kala qaybsan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Nuur Axmed- Waxay haystaan 22 tikniko ah waxayna kala joogaan Xalin iyo Taleex, waxaana xukuma Ina Siigaale, waxaa u qaramaysan 400 oo ciidan ah, laakiin waxaa xerada ku sugan ciidan ka yar 20. Dhaqaallaha ka soo gala waxaa qaybsada isaga, cuqaasha iyo saraakiisha ka saraysa. Askari walbina wuxuu bishii qaataa $75

Maxamud Ugaadhyahan- oo ah jifida Garaad Saleebaan waxay haysataa 10 tikniko ah, waxayna ka qaramaysan tahay Puntland, waxaana gacanta ku haya Faysal Falaalug, kaas oo dhaqaallaha ku hela hawlgalada uu fuliyo.

Beesha Ugaadhyahan oo ah beesha ugu balaadhan Dhulbahnate ayey isimadeedu la wada shaqeeyaan maleeshiyada iyo saraakiisha hogaamisa, isimadana waxaa ka mid ah Garaad Saleebaan, Garaad Mashqare iyo Garaad Cabdisalaan oo la deegaan ah.

Beesha Jaamac Siyaad:

Tiknikada beesha Jaamac Siyaad waa 60, kuwaas oo ay ku jiraan qori PM ah, 2 kaare, 7 madaafiicda goobta ah. Waxaana dhammaan masuul ka ah Janaral Mahad Cambaashe, wuxuu mushaharka ku qaataa 1500 oo askari laakiin waxaa xeryaha u jooga ciidan ka yar 200. Dhaqaallaha waxaa la qaybsada cuqaasha, saraakiisha ka saraysa iyo garaadka. Askari walibana wuxuu qaataa $75. Tiknikadani waxay kala joogtaa laascaanood, Yagoori, Yeyle, Boocame iyo Tukaraq.

Beesha Bahararsame(Maxamed Garaad):

Beesha Baharsame waxay haysataa 45 tikniko ah, waxaana kala xukuma Faarax Haashim, Gacme-Dheere, Qawdhan iyo Mustafe Dhibays, waxayna ku mushahar qaataan 1100 askari, oo midkiiba qaato $75. Waxayna kala joogaan Qoriley, Karin, Kalabaydh iyo Laascaanood. Ciidanka xeryaha joogaa wuu ka yar yahay 200, dhaqaallahana waxaa la qaybsada cuqaasha iyo saraakiisha ka saraysa. Garaadkiisuna waa ka nasiif xumaantan.

Beesha Qayaad(Cabdi Garaad):

Beesha Qayaad waxay haysataa 30 tikniko ah, waxaana gacanta ku haya Cabdi Dheere kaas oo ku mushahar qaata 400 oo askari, laakiin haysta ciidan ka yar 50, dhaqaallahana la qaybsada cuqaashiisa iyo saraakiisha ka saraysa. Garaadkiisuna waa ka nadiif arintan.

Beesha Xasan Ugaas:

Beesha Xasan Ugaas waxay haysataa 12 tikniko ah, waxayna ka kala qaramaysan yihiin Puntland iyo Somaliland. Somaliland waxaa ka qaramaysan 200 oo askari, waxayna ka amar-qaataan Ugaas Cabdirashiid oo Ugaasnimada ku hasysta Ugaas Maxamud, waxaana taliye u ah kornayl Cabdi Haashi Xirsi Banaf, oo adeer u ah xildhibaanad Ikraan Yuusuf Xirsi Banaf, waxaana ku xigeen u ah Qayoof Xaaji Khaliif, oo ay walaalo yihiin Wasiirka Beeraha Puntland Daahir Xaaji Khaliif. 200 ee kale waxay ka qaramaysan yihiin Puntland, waxayna ka amar-qaataan wasiir Daahir Xaaji Khaliif.

Gobolka Cayn
:::::::::::::::::::::::

Beesha Axmed Garaad:

Beesha Axmed waxay haysataa 75 tikniko ah, kuwaas oo ay dheer yihiin madaafiicda goobta, 3 kaare iyo 2 PM. Waxay u kala qaybsan yihiin Puntland iyo Somaliland. Puntland waxaa ka qaramaysan ciidanka Ina Kiisdiid, oo gaadhanaya 400 oo askari. Somalilandna waxa ka qaramaysan 1000, kuwaas oo ay masuul ka yihiin Abokor Sulub, Xaglotoosiye iyo Raaf Ducaale Qambi. Waxay qaataan $75, laakiin ciidan xeryaha kuma sugna, dhaqaallaha waxaa qaybsada cuqaasha iyo saraakiisha ka saraysa. Garaadkooduna arintan wuu kula socdaa.

Beesha Barkad)Guuleed Garaad):

Beesha Barkad waxay haysataa 25 tikniko ah waxaana kala xukuma Dhega-weyne iyo Sagaar, kuwaas oo kala jooga Widhwidh iyo Balicad. Sagaar waxaa u qaramaysan 400, Dhega-weyna 600. Askari walibana wuxuu qaataa $75, laakiin waxaa xeryaha jooga askar ka yar 100, dhaqaallahana waxaa la qaybsada, cuqaasha, Ina Waraabe Dheere iyo saraakiisha ka saraysa. Garaadkiisuna waa ka nadiif xumaantan.

Beesha Khaalid Habarwaa:

Beesha Khaalid waxay haysataa 14 tikniko ah waxayna kaga kala mushar qaadataa Somaliland iyo Puntland, waxaana u qaramaysan 200 oo ciidan ah, uuna la ogyahay suldaankoodu, Suldan Siciid.

Beesha Yaxye Cabdalle:

Beesha Yaxye waxay haysataa 5 tikniko ah, waxayna ku haysataan degmada Goljano, waxayna ka qaramaysan yihiin Somaliland, iyagoo mararka qaarkoodna ku daraasada Ina Cambaashe, waxaana la og oo dhaqaallaha la qaybsada garaadkooda Garaad Saleebaan Buraale.

Beesha Hayaag:

Beesha waxay haysataa 9 tikniko ah,l waxayna ku sugan yihiin magaalada Ceegaag, sarkaalka xukumaana wuxuu ka qarameeyey Somaliland, wuxuu ku mushahar qaataa 300 oo askari, laakiin wuxuu haystaa wax ka yar 30 askari, dhaqaallaha soo galana waxaa qaybsada isaga, cuqaasha iyo saraakiisha ka saraysa. Sarkaalkan iyo isimkiisa Boqor Cabdillaahi iskuma xidhna, maadaaba ay u kala shaqeeyaan Somaliland iyo Puntland.

Beesha Maxamed Muuse:

Beesha Maxamed Muuse waxay haysataa 3 tikniko ah, laakiin ma ogi meesha ay ka qaramaysan yihiin.

Gabogabo: Tirada tiknikada beelaha Dhulbahnate waa 377, waxaana intaa dheer tiknikada ay goonida u leeyihiin ganacsatadu. Kuwa Somaliland ka qaramaysani waxay bil walba qaataan $75, halka kuwa Puntland aanay qaadan wax mushahar ah. Bal ila eega! Tiknikada Somaliland ka joogtaa gobolada SSC waa 70 iyo 800 boqol oo ciidan.

Markaa, siday ku dhacday inuu ciidan iyo tikniko yari ay Laascaanood haysato, oo ku tacadido xuquuqda shacabka?Waxaan qabaa inay jawaabtu tahay 3 arrimood.

• Xifaaltan iyo isu muuqaasho beelaha Dhulbahnate dhexdooda.

• Isimada oo gabay doorkoodii, una fasaxay siyaasiyiinta iyo saraakiishu inay waxay doonaan sameeyaan, kuwaas oo la qaybsada dhaqaallaha soo gala.

• Beelaha Dhulbahnate oo aan aaminsanayn ama fahansanayn waxa loogu yeedho danta guud, ama wadaniyada.

Gobolada SSC ma haysto maamulka Somaliland laakiin iyaga ayaa is-haysta, kuwaas oo wada-noqday iimaan-laaweyaal, aan lahayn wadaniyad, sumcad iyo qabiilinimo. Waxaan hubaa haday iska eryaan maleeshiyada Somaliland inay ka badnaan lahayd cashuurta keliya ee kastamka Tukaraq. Laakiin waa kuwo ku qanacsan dulinimada iyo sharaf la’aanta.

Faarax Jibaar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Latest Images

Trending Articles