Xili ay weli jiraan dagaalo u dhaxeeya ururka Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ee hawlgalka u jooga gudaha dalka ayaa waxaa dagaaladaasi ka hadlay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ururka Al-Shabaab, waxaana uu sheegay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf in weli awood buuxda uu leeyahay ururka Al-Shabaab isla markaasna ay yihiin xarako u taagan la dagaalanka waxa uu ugu yeedhay cadowga islaamka.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa sidoo kale sheegay in dagaal xoogan ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan qaybo kamid gudaha dalka uuna yahay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf mid bilow ah balse ay sii wadi doonaan ilaa ay ka gaadhaan u jeedkooda waxaana uu ugu dambeyntii digniin u diray dowladdaha ay ciidamadu ka jogaan dalka Soomaaliya, isagoona ugu baaqay in ay kala baxaan gudaha dalka Soomaaliya ciidamadooda isla markaasna hadii aysan kala bixin ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo aad u daran. Hadaba Fu’aad Maxamed Khalaf oo arimahaasi ka hadlaya halkan ka dhagayso.
Halkan Ka Dhagayso
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Daldoon Online
Muqdisho Soomaaliya