Munaasabadani Lagu Maamuusayay Sanad Guuradii Labaad Ee ka Soo wareegtay aas Aaska Maamulka Khaatumo State Somalia Ayaa Xallay lagu Qabtay Caasimda Sudan Ee Khartoum.
Musanabda Waxaa Soo Agaasimay Golaha Ardayda Daraawiiish Ee sudan Kuwaa Oo Sand Kastaba Khartoum Ku Dhig Xuska ama Dabaal Daga Maamulka Khaatumo State.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaana Ka Soo Qeyb gallay Aradyda Somaliyeed Ee suudan iyo qeybha Kalla Duwan Ee Bulshda Somaliyeed Sudan.
Waxaa Ka Hadlay Qaar ka Mid ah Dadkii Gob Jooga Ahaa Munaasabada Iyo Xubno ka Tirsan Golaha darawishta Ardayda darawishta oo ugu horayso Drs Aasiya Aar Ahmed oo halka kalmed soo dhaweyn ah ka soo jeedisay salan hawada uma rasisay shacabka reer khaatumo.
waxaa isna halka kalma ku saabsan maamulka khatumo ka soo jeediyay Eng Abdirasaq qoje oo hoosta ka xariiqay midnimada reer khatumo inay tahay lama taabtan somalida qof walna waxy ugu badinayso uu yeelo.
wuxuuna ka Warmay Taariikhda Qalxacii Talleex Aas Aaska Maamulka Khaatumo iyo Himillyinka Ay Hiigsanyaa Mustaqbalka Dhaw.
Drs Muna Maxamud Faarax oo kamid ah hablaha reer khatumo ayaa halkaa ka qaday buraanrub dadku la dhaceen oo ku cabirtay shucuurteeda.
Gudoomiyaha jaaliyada somaliyeed Ustaad tarabi ayaa hadal ka soo jeediyay sheegayna in khatumo ay tahay lafdhabarta somaliya.
Xog-hayaha Dallda Mideesa Ardadyda Somaliyeed Ee sudan Ishaar Cabdi Jaliil Jibriil ayaa isna qiray hiilka ay la garabtaagan yihiin reer khatumo.
Waxaa Dhex taal loo Dhigay Mado madaadaalo Buraanburo iyo Heeso Ka Soo Qeyb galayaashii Munasabada…
Ugu Danbeyna Waxaa hadalka soo xidhay Faysal Jamac sahal( Barfuun) oo umahad celiyay somalida ka soo qayb gashay xaflada.
oo ku soogaba Gaboobay Jawi Dagan iyadoona Sanadkii Labaad Ay Ardayda Daraawiish Khartoum Ku Xusayaan Aas Aaskii Maamulka Khaatumo Ee somaliya.
Waaxda Arimaha Dibadda iyo Warfaafinta ee Golaha Ardayda Darawishta Dalka Sudan Abdirasaq Axmed jamac (qoje)