Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire,Suldaanka Guud Ee Beelaha Maakhir ,Ayaa Maanta Kaga Dhawaaqay Magaalada Badhan Shirweyne Ay Isugu Iman Doonaan Qeybaha Kala Duwan Ee Beelaha Maakhir,Wuxuuna Shirkan Ka Qabsoomi Doonaa Magaalada Badhan Ee Xarunta Maakhir State.
Shirkan Uu Ku Dhawaaqay Suldaan Siciid Ayaa Looga Arrinsan Doonaana Xaalada Guud Ee Maakhir ,Gobolada Maakhir iyo Waliba Xaalada Siyaasadeed Ee Muddooyinkan Danbe Ka Aloosan Gobolada Maakhir.
Sikastaba Ha’ahaatee Shirweynahan Uu Iclaamiyey Suldaanka Ayaa Ku Soo Beegmaya Iyadoo Muddooyinkii Danbe Ay Gobolada Maakhir Ka Jirtay Xaalado Siyaasadeed Oo Kala Duwan,Maamulada Hareeraha Ee Somaliland iyo Puntland ayaa Midba Dhankiisa Udaduucayaa Bulshada Gobolada Maakhir,Walow an La Garanayn Halka Xaalku Ku Danbayn Dono Waxa Kaliya Ee Laga War Dhowrayaa Waa Maxsuulka Shirka Guud Ee Maakhir Ee Uu Suldaanka Iclaamiyey ,Waxaana Soodhaweeyey Shirkan Uu Suldaanka Iclaamiyey Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Gobolada Maakhir.