Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Cadeeyay Inuusan Ka Soo Qeyb Gali Doonin Shirweynaha Khaatumo Ee Taleex Iyo Kan Boocame

$
0
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimadda dhaqanka khaatumo islamarkaana ku sugan caasimadda soomaaliya ee muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inuusan ka soo qeyb gali doonin shir weynaha khaatumo3 ee ka dhici doona caasimada maamulka khaatumo ee taleex iyo shirka isimada dhaqanka ee uu casumadiisa fidiyay ugaas cabdilaahi ciise nuur kana socda degmada boocame ee gobolka sool.

 

Fariin uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u soo diray isimada dhaqanka Khaatumo ayuu ku sheegay inuusan ka soo qeyb gali doonin shirweynaha khaatumo3 iyo shirka boocame ee isimada dhaqanka khaatumo.

 

dhinaca kale mas,uuliyiin ka ag dhaw Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ayaa shabakadda daldoon.com u xaqiijiyay in waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Indha-sheel iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ay jirtay ismaan dhaaf dhaliyay inay kala dhaqaaqaan garaadkana uusan kamid noqon waftigii sagootinayay madaxweyne Indha-sheel.

 

Shaki kuma jiro in maalmaha soo socda ay wax badani kala cadaan doonaan iyada oo qar badan oo ka mid ah madax dhaqameedka humaaga isaga eekaa ay sadex jiho u kala dhaqaaqi karaan, taas oo dadka badankiisu og yihiin gaar ahaan kuwa ka agdhow madax dhaqameedka SSC, oo ay adag tahay in ay sii wadaan dhoola cadaynta aan sii dhaafsanayn kolka lawada jooge, waxaanse shaki ku jirin in midkasta goob oo ug yahay laga hago.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles