Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Dhageyso:- Wareysi Xasaasi ah Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal waa diideen inay soo xaroodaan, Abdiweli Xildhibaanadii Mareexaan ayuu Mudug iyo Gedo u kala qaybiyay

$
0
0

Safar dhaliil badan ka timid uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ku joogo magaalada Kismaayo ayaa wali laga gaarin ilaa iyo imika wax natiijo ah iyadoo Xubnaha la socda Ra’iisul Wasaaraha sheegayaan inay jiraan is faham waa u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha la socota Col, Barre Hiiraale.

Jaamac Warfaa oo kamid ah Salaadiinta Jubbooyinka kasoo jeeda oo lasoo xiriiray K24 ayaa ku tilmaamay ayaan daro in Ra’iisul Wasaare Cabdiweli isku dayo Ciidamadda duleedka magaalada ku sugan in la soo xareeyo ka hor inta aysan dhicin kulamadii harsanaa ee dib u heshiisinta Jubbooyinka.

Dhanka kale Suldaanka ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu kala sooc ku sameeyay Xildhibaanada Beesha Sade ugu jira Baarlamanka Soomaaliya iyadoo ay raaceen Afar xubnood oo kasoo jeeda gobolka Gedo balse laga tagay xubnihii kale ee baarlamanka, taasoo muujinaya inuu Ra’iisul Wasaaruhu kala qaybinayo awooda beelaha Sade sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kala kulmay socdaalkiisa Kismayo uu ku joogo mucaarad farabadan iyadoo ay jiraan qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Jubbooyinka kasoo jeeda oo ku dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Kismaayo inuu ku gaaray socdaal aan qorshaysnayn.

 

halkan ka dhegeyso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles