Guud ahaan marka la fiiriyo deegaanada Khaatumo state of somalia, buuhoodle waa meesha ugu magaca iyo taariikhda dheer, waa meesha cadow iyo nacaba ay ku hungoobeen, waa meesha keliya ee shacabkeedu isku duubnaayeen, waa meesha keliya ee uu horumar la taaban karaa ka socday……
Intaasi waa wax jira lamana qarin karo, lagamana xasdi karo, hase ahaatee maalmahan dambe waxaa yool ka dhigtay horgalada daaq tegay, damiirkooduna aanu fiicnayn, ilaahay baan idinku dhaarshee reer Buuhoodlow ambalaas baan idiin keenay, ma wax shacab loola yimaada? ma wax laysku sooryeeya? ma wax ummad dhan magac lagaga raadsadaa? aaway dhiigii shacabka ee la daadiyey? aaway dhaawacyadii la aafeeyey? aaway maydadkii la xabaal aasay? waar caqligu miyaanu shaqaynaynin?!!!!!……
Intaasi markaan ka gudbo waxaa isweydiin mudan maxay tahay sababta keentay in xilligan uu xaglo toosiye isku soo beego magaalada Buuhoodle, oo uu ku sugay yahay Mudane Cali Khaliif Galaydh? maxayse tahay ujeedada siyaasadeed ee ka dambaysa? yaase qorshahan iska kaashaday? muxuse daaran yahay?
Soomaalidu waxay ku maahmaahda Neef la gowracay geedo kama waabto, waxaa taasi ka dhigan maamulada SNM iyo SSDF, oo siyaasadii dibada laga badiyey, waxaanay cabsi weyn ka haysa shirweynaha sadexaad ee khaatumo state of somalia, waxaanay bilaabeen wax kastoo ay ku qasi karaan inay sameeyaan…..
Horta qorshaha uu Xaglo toosiye ku yimidna waa ka mid shirqooladaasi foosha xun ee ay wadaan maamulada SSDF iyo SNM, waxaanay doonayeen imaanshihii Xaglotoosiye inuu meesha dhiig ku daato, ka dibna uu warbaahinta ka yidhaahdo waxaasi waxaa ka dambeeyey Cali Khaliif Galaydh, balse xadhigaasi waa la fahmay, waana lagu dadaalay in aanu dhiig daadanin…
Mida kale waxay doonayaan inay inaga mashquuliyaan shirweynaha sadexaad ee khaatumo state, balse shacabka reer khaatumo wuu bislaaday, maantana lama hodi karo….. waana lala socdaa shirqoolada ay maleegayaan maamulada cadowga ku ah jiritaanka shacabka reer khaatumo oo ay ugu tala galeen inay weligood hoos joogaan u taliyaan marna wiil yar ay ambalaas ugu soo dhiibaan…….
Waxaa goladaha deegaanka Buuhoodle iyo odayaasha, waxgaradka iyo dadka ehelka u ah nabada u sheegayaa in arrinka Xaglo toosiye si nabad ah lagu dhameeyo, isagoo dhiig daadanin, waayo waa qumbulad la inagu soo dhex tuuray, waa inuu caqligu shaqeeyaa….. inkastoo ay ayaan daro iska tahay kuwii inaga dhashay la inoo soo adeegsanayee….
Waxaadna ogaataan shirqoolada maamulada SSDF iyo SNM maaha kuwo inaga dhamaanaya, waa kuwo intii itaalkood ah ay wadayaan, sababta ku kelifaysaana waxa weeye ma doonayaan inuu dhulbahante samaysto maamul xalaal ah si ay dhulkooda, khayraadkooda iyo sharaftoodaba ugu ilaashadaan….
Maamulada SSDF iyo SNM waxaa ka go’an inay shacabweynaha dhulbahante gumeeyaan, kala dagaalamaan inay maamul samaystaan, waxaanay aad uga xun yihiin siyaasiyiinta dhulbahante maanta u kacay ee iyagu gaadhay inay beesha caalamka ka dhaadhiciyaan dulmiga labada maamul, damaca faashilka ah ee wada, iyo siday u xalaashan lahaayeen khayraadka deegaanada Khaatumo state of somalia…..
Ugu dambaynta reer Buuhoodloow waxaan idin leeyahay buuhoodle ha ka dhigina tusbax go’ay ee caqligu ha shaqeeyo…. maantana may ahayn in nin jeclaysi iyo mid reero kale u adeegayaa inuu shacabka qaarkiis duufsado…. isagoo adeegsanaya sandareerada yar ee jeebadaha loogu soo shubay…… mana geydaan ambalaas baan idiin keenaye, hubsiimada badiyaaa……
Waxaa diyaariyey
Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag