Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

BADHAN:-HAWEENKA GOBOLKA SANAAG AYAA WAXAA USOO XIDHMAY TABABAR MUDDO DHOWR BERI AH UGA SOCDAY DEGMADA BADHAN

$
0
0

Tababar muddo dhowr cisho ah uga socdey haweenka gobolka sanaag guriga wazaaradda haweenkiyo arrimaha bulshada ee qoyska Puntland Ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa looga hadlayey sidii ay haweenku uga qayb qaadan lahaayeen Siyaasadda , Ammaanka Iyo Horumarka ee Puntland, Waxaana sooqaban qaabisay kulankaasi hay’adda ADESO.

Macalimiintii bixinaysay tababarkaasi ayaa sheeegay inay yihiin haweenku xubinta ugu muhiimsan ee bulshada islamarkaasina ay xaq uleeyihiin inay kaqaybqaataan qaybaha kala duwaan ee siyaasadda , kashaqaynta ammaanka iyo horumarka dalka dalka.

Dhammaanba haweenkii kaqayb qaatay Tababarkaasi ayaa sheegay inay qaateen casharro muhiim ah oo dhaxal galka islamarkaasina ay kadhabaynayaan dhaqangelintooda.

Waxaanay kacodsadeen dawladda puntland inay kadhabeeyaan kootada haweenka ee ay xaqqa uleeyihiin iyo xaqqa uu siinayo dastuurka puntland

written by mohamud fantastic

371


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414