Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Shiikh Maxamuud oo wehelinayo wasiirka Arimaha Dibada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda si ay uga qayb galaan Xuska xasuuqaasi ka dhacay dalka Ruwanda.
Xuska Xasuuqa Rwanda oo bishan April ee sanad kasta lagu xuso ayaa waxaa ka soo qayb galay hogaamiyaasha caalamka qaarkood , Waxaana Lagus oo bandhigay Arimo murugo Xambaarsan.
Ugu horeyn waxaa tooshka baroor diiqda ay si wadajir ah u shiday Madaxweynaha Dalka Ruwanda Paul Kigame iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobeey Ban ki Moon.
Halkan ka daawo
Munaasabaddan oo socotay muddo saacado ah ayaa waxaa laga sheekeeyey xasuuuqii foosha xumaa ee ebid ka dhaca aduunka sanadkii 1994 ka dib markii Qabiilka Huutuuga ay wacad ku mareen in ay gabi ahaanba qabiilka tuutsiga laga cirib tiro dalka muddo 100 maalmood gudaheed ah laga bilaabo bishii April ee sanadkaasi.
Dagaalka labada qabiil ka dhaxeeyey waxaa ku naf waayey in ka badan 800,00 oo ruux oo ay ku jireen haween iyo caruur oo isku dayey in ay ka baxsadaan dhibaatadasi,