Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Dagaalo looga cabsi qabo inay ka dhacaan Deegano hoostaga Gobalka Galgaduud.

$
0
0
Number of View: 6

Wararka ka imaanaya Magaalada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Xiisaad kacsanaan ah ay deegaanka ka jirto taa oo ka dhalatay Xubna ganacsada ah oo halka dhawaan lagu xir xiray.

Xiisadaa ayaa u dhaxaysa malayshiya beeld deegaanka ku dhaqan iyo Ciidama daacad u ah Kooxda Alshabaab kuwaas oo dhawaan xabsiga dhigay Xubna ganacsata ahaa oo caan ka ahaa Degmada Ceeldheer.

Xaalada Degmada ayaa kacsanaan ka jirtaa sida dad ku sugan xaqiijinayaan waxaana laga dareemayaa dhaq dhaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda walow maamulka Alshabaab iyo odayaal dhaqmaydka deegaanka arintaa ka wada hadleen.

Maamulka Alshabaab ayaa dhwaan dul dhigy Shacabka Degmda Ceel dheer lacago canshuuraad ah oo cidii bixin wayda la kulmi doonto ciqaab waxana habeen hore la xiray ku dhawaad 7 xubnood oo ganacsata ahaa.

Xiisadaan ayaa ku soo aadaysa xili maanta dunida islaamka si wayn looga dabaal dagayo Munaasabada Ciidu fidriga oo si wayn dunida looga xusayo maadama ay soo idlaatay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Waxaa Qortay farduus iimaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles