Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

War Deg Dega Ah:-Xaglatoosiye Oo Laga Saaray Buuhoodle Saaka

$
0
0

Waxaa saaka magaalada Buuhoodle Laga saaray iyada oo laga masaafuriyey wasiirka Caafimaadka ee maamulka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, wuxuuna ka shiraaqday saaka hiirtii waabari magaalada Buuhoodle isaga iyo kooxdii la socotay ee maamulka Somaliland

ka dib markii odayasha magaaladu iyo maamulka Khaatumo oo iskaa shanayaa digniin kama danbaysa ah siiyeen shalay iyag oo ku amray in uu magaalada ka baxo , markii ay xog ku heleen in Xaglatoosiye doonayo in uu guri hoostii ku qabto Xaflad ay ugu magacdareen 18 may ee maamulka Hargeysa shegto in uu xoriyadiisa hantay.

Xaglatoosiye ayaa dhinaca magaalada Hargeysa u jihaystay, waxaana maalmihii ugu danbeeyey magaalada Buuhoodle ka socday shirar ay beelaha deegaanku kaga arrinsanayeen sidii Xaglatoosiye magaalada looga saari lahaa,

waxaase uu Xaglatoosiye garab ka helayey qoyskiisa hoose ee  oo isugu jiray Taageerayaasha Somaliland Iyo Puntland oo dhamaantood garab ku siiyey Xaglatoosiye in uu ku sii nagaado magaalada Buuhoodle, maamulka Hargeysa ayaa Xaglatoosiye doonayey in uu gurigiisa hoostii ku qabto Xaflad maalinta 18 may, hasa yeeshee arrintaasi waa laga diiday , waana ta keentay in magaalada laga saaro maanta.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414