Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Deg,Deg:Baabuur Nooca Rakaabka Ah Oo Caawa Ku Qalibmay Duleedka M/Laascaanood Iyo Khasaare Laxaad Leh Oo Ka Dhashay

$
0
0

Gaadhi nooca rakaabka ah ayaa caawa ku qalibmay duleedka magaalada Laascaanood,oo kasoo kictimay magaalada Hargeysa ,una sii jeeday,dhanka goballada maamulka P/land.

Baabuurka oo ahaa nooca raaxada ee soomaalidu u taqaan Noaha,ayaa waxaa saranaa ilaa 10 ruux oo rakaab ah .

Cusbitaalka dhexe ee magaalada LaasCaanood ayaa la soo gaadhsiiyey maydadka 3 ruux oo dhimasho iyo 5 kale oo dhaaawacoodu  halis ah.

Dadka dhaawaca iyo dhimashaduba intooda badan waxay ka soo jeedaan deegannada P/land balse waxaa wararku sheegayaan inuu dadka geeriyooday kamid  yahay muwaadin reer Laascaanood ah ka soo ka soo laabtay dhanka qurbaha baaburkana ka soo raacaya magaalada Hargeysa,

Isku soo wada duuboo dadkii ku geeryooday shilkan ayaa caawa lagu aasayaa magaalada Laascaanood,iyadoo arintan naxdin ta leh si weyn looga dareemay guud ahaan ba magaalada Laascaanood.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414