Cilmabaadhayaashan waxay ogaadeen in Soonka yareeyo xaddiga Subaga ee Jidhka Bini aadamka, kana hortago in Qofku qaado Macaan.
soonka aya daawo ka ah, kana hortaga xanuunada macaanka iyo subgowga sida lagu iftiimiyay cilmi Baadhista cusub oo ay soo saareen Khuburu u dhalatay dalka Maraykanka,
Cilmabaadhayaashan waxay ogaadeen in Soonka yareeyo xaddiga Subaga ee Jidhka Bini aadamka, kana hortago in Qofku qaado Macaan.
Daraasadan oo Khuburadan ku tijaabiyeen dad badan waxay ku sheegeen in Soonka Burburiyo unugyada duxda ee sababi lahaa macaanka iyo Subagawga ama in qofku khatar u galo xanuunada baruurtu sababto,
Mac-hatka la yidhaahdo intermountain Heart institute oo ku yaala magaalada Salt Lake ee Gobalka Utah ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegay in hadii qofku Soomo uu Jidhkiisu bilaabo inuu qaato tamarta cunada uu ka helay, Una badalo faaiido, kana saaro meesha duxdii fadhiisan lahayd,
Dr, Benjamin Honre oo hogaaminayay Cilmi-baadhistan kana madax ah qaybta wadna-xanuunka ee Xarunta Caafimaad ee la yidhaahdo intermountain Medical Centre Heart institute ayaa sheegay soonka muhiimada badan u leeyahay in qofku ka hortago inuu qaado Cudurka macaanka,
inkasta aanu Daraasad ahaan baadhnay faaiidada caafimaad ee Soonka Sanado badan, maanan ogayn in Soonku Cudurada macaanku ka midka yahay ka hortago ayuu yidhi Dr. Benjamin,
Cilmi Baadhis hore oo Dr. Honre iyo Kooxdiisu ku eegeen dad maalin Soomanaa ayaa ay ku ogaadeen in soonku Hoos u Dhigo Xaddiga Sonkorta (Glucose) ah ee jidhka iyo in miisaanka qofku kor u kaco oo uu ku sababo inuu Wadno xanuun qaado.