Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Forum-ka Khatumo ee Nabadda, Midnimada iyo Horumarka Oo Warbixin soo saaray

$
0
0

Geedi socodkii Khaatumo, ee baaqiisu ahaa midnimo iyo gobannimo, guulaha laga gaadhay debedda iyo gudahaba waa mid dadkeeda iyo wixii Soomalinimo jeceli ay ku farxaan, wixii Soomaalinimo iyo midnimo diidka ahina ay ka naxaan.

Debedda, shacabka reer Khatumo, Khaas ahaan qurbajoogta, rag iyo dumar, waxay muujiyeen darwiishnimadii ay ku caan baxeen awoowayaashoodii hore. Golaha Khatumo waxay albaab kasta ka soo xidheen cadowga Soomaali diidka oo beentiisii iyo brobagaandihiisii kashifeen. Maanta irid kastaa waa ka soo xidhantay. Wax ka naxa Ingriis baa jiray, Ingriiskuna dantiisii buu door biday taas oo ku jirta wax la qabsiga Dawladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya.

Halganka dibedda ka socday mid la mid ah ama ka xoog badan ayaa shacabka reer Khatumo ee gudahuna ula halgameen Soomaali diidka dhulkoodii ku soo duulay, ee ku naaloonaya inay Soomaaliya kala goyaan. Meela dhif ah oo ay ka mid tahay Lascanod ayaa cadowgu ku hadhay. Sidii looga saaray Buuhoodle, Kalshaale, Sooljoogto iyo Maygaagle ayaa Lascanod-na looga saari doonaa hadii alla idmo. Maaha ma laga saarayaa ee waa goormaa laga saarayaa. Umad daraawiish ah oo 22 sano la halgamaysay gumaysiggii Ingriiska waxba ku ma aha inay iska kiciyaan owlaadiisii.

Shirka Taleex ee lagu samaynayo dowlad goboleedka lagaga baxayo ku meel gaadhnimada maamulka hadda jira oo lagu beddeli doono mid baarlamaaniya oo leh hal madaxwayne, madaxwayne ku xigeen, iyo golaha wasiirrada wuxuu u horseedi doonaa Khaatumo guulo iyo horumar cusub. Guulahaas waxaa lagu gaadhay waa midnimada heer kasta ka jirta: midnimida iyo isku duubnaanta Isimada; midnimada G11 oo had iyo jeer heegan u aha badbaadada iyo midnimada khaatumo; midnimada shacabkeeda gudo iyo debedba. Midnimada  reer Khatumo waa mid inay sii xoogsato mooyee aan marnaba soo dabcaynin.

Guulihii Khatumo 11 ee Taleex ka dhashay waxa maantana ka dhalanaya guulo kale oo jab iyo halaag ku ah cadowga.Waxa Forumka Khatumo ee taagan Nabadda, Midnimada iyo Horumarka, ku boorinayaa reer Khatumo inay sii laba laabaan halgankooda, sii xoojiyaan midnimadooda. Shirweynaha khaatumo III ha guuleysto, dawlad goboleedkeenuna ha hanaqaado, ha badbaadiyo midnimada Somalia ee Soomaalidiidku burburinaayo

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414