Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Wararkii ugu dambeeyay qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah

$
0
0

Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa Ciidamada Itoobiya waxaa lagula eegtay deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Baledweyne, halkaasi oo ay marayeen.

Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa qaraxan lala eegtay, lama oga waxyeelada ciidamada Itoobiyaanka ah qaraxaan ka soo gaaray.

Ciidamada qaraxaan lala eegtay ayaa ku sii jeeday gudaha dalka Itoobiya, waxayna markii hore ka soo ambabaxeen Magaalada Buulo burde iyaga oo muddo wadada ku sii jiray.

Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya Ciidankaasi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles