Iyadoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu shalay booqasho aan lasii shaacin ku tagay deegaanka Tukaraq oo ay Ciidamo Maamulka Puntland iyo Somaliland isku hor fadhiyaan ayaa waxaa lasoo werinayaa in xiisad dagaal ay halkaasi ka bilbaabatay.
Xiisadaani dagaal ayaa ka dhalatay booqasahadaasi uu madaxweyne Muuse Biixi ku tagay deeganka Tukaraq, waxaana wararka laga helaayo deegaankaasi ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa rasaas ay is weydaarsadeyn ciidamada isku hor fadhiya deegaankaasi.
Labadda dhinac ee dagaalka ku dhexmaraayo deegaanka Tukuraq ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan diyaar garoow ku aadan dagaal hor leh iyadoo ciidamada Puntland iyo Somaliland ee deegaanadaasi isku hor fadhiya la soo kordhiyay wixii ka dambeeyay booqashada Madaxweynaha Somaliland ee deegaankaasi.