Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Oo Si Heer qaran Ah Loogu Soo Dhaweeyay Heathrow Airport-London

$
0
0

Abaaraha tobankii subaxnimo ee saacada wadanka Ingiriiska waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport madaxweynaha maamul goboleedka khaatumo state of somalia Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf (Indhosheel), oo safar shaqo u soo gaadhay qaar ka mid ah wadamada Yurub.

Qaar ka mid ah Jaalliyadaha khaatumo state ee ku dhaqan wadankan ingiriiska oo iyagu si weyn isaga xilsaaray soo dhawaynta madaxweyne Indhosheel, markii uu soo gaadhay bartii ay jaalliyada reer Khaatumo ku sugaysey, is gacan qaad iyo soo dhawayn wacan ka dib wuxuu halkaasi madaxweyne Indho sheel uu ka soo jeediyey erayo mahadnaq iyo soo dhawayn isugu lifaaqan.

Waxaa kaloo uu dadweynaha reer Khaatumo u sheegay in ay kulmi doonaan maalmaha soo socda, wuxuuna si aad ah uga xog warami doona arimo badan oo xaasaasi ah, kuwaasi oo isugu jira wixii ay qabteen intii ay maamul goboleedka Khaatumo ay hogaaminayeen iyo arimaha dhacdhacayey xilligan kala guurka ah.

Hadii aanu nahay bahda Aftaag Production waxaanu si dhakhso ah idiinku soo gudbin doona sawiradii aanu ka qaadnay iyo weliba waraysi maqal iyo muuqaal ah….

Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag

London

UK 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles