Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Farxiya Fiska oo qeyb ahaan hanatay qiimihii, sharaftii iyo magacii ay lahaayeen Hobolladii

$
0
0

Farxiyo FiskaFanaaniintii hore ee ay ugu tun waaynaan jireen Hobolada waaberi ayaa qiimo, sharaf iyo sumcad aanan la soo koobi karin ku leh lahaan jiray bulshada Soomaalida hase ahaatee wixii ka dambeeyay qaran jabkii Soomaaliya ayaa waxaa si ka fiirsi la,aan ah fanka ugu soo biiray fanaaniin badan oo baabi,yay qiimihii fanka iyo fanaaniinta ay lahaayeen.

Halkan Riix

Waxaase jira qaar ka mid ah fanaaniinta da,yar oo bulshada ka dhex sameystay sharaf iyo qiimo aanan la dhayalsan karin oo ugu horeysay farxiya Axmed Cadaawe Fiska.

Qaar ka mid ah taageerayaasheeda ayaa sheegay in marka laga soo tago codka iyo muuqaal masraxeedka wacan ee ay leedahay ka sokow ay jirto sabab kale oo ay ku hanatay qiimaha, sharafta iyo magaca ay ku dhex yeelatay bulshada.

Waa qof isku kalsoon oo aanan dhex daadsaneyn bulshada taas oo ay ula jeedaan in ay iska qariso bulshada ilaa munaasabadaha ciidaha iyo sanadka cusub mooyee oo shaashaha ay ka soo muuqato soona bandhigta heeso macaan.

Waana xiliga ku hoboon ee bulshada ay u xiisa qabaan, way ku sharaf beeli laheyd haddii bilkasta ay soo saari laheyd heeso muuqaal ah oo laxankooda, erayadooda iyo musikooda aanan la kala garanaynin meelkasta ay taagnaan laheyd sida ay sameeyaan qaar ka mid ah fanaaniinta da,yar, ayay yiraahdeen

Waxaa kaloo la ogaaday in farsamo yaqaanada duuba muuqaalka iyo codka fanaaniinta aysan waxba ku xirin farxiya fiska halka fanaaniinta kale ay ka qaataan lacago badan oo shaqada ay ugu qabanayaan taasna waxa ay cadeyn u tahay in qiimaha ay ku dhex leedahay bulshada.

Universal Tv oo ah Tv ay aad u adag tahay in shaashadiisa la marsiiyo wax aysan lacag ku qaadan haddii ay yihiin warar, madadaalo iyo waxbarashoba oo ah waxyaabaha ay ka kooban tahay warbaahinta ayaa si sahlan sanad walba ugu qabto heeso muuqaal ah iyadoo waliba ka diida in waqti kale ay siiso wax muuqaal ah.

Halkan Riix


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414