Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Bayern Munich oo rigooreyaal 5 – 4 ugu adkaatay Chelsea UEFA Super Cupka DAAWO SAWIRADA

$
0
0

Ciyaar aad u adag oo ay fooda is dareen kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea loona tartamayey Super Cup-ka Qaarada Yurub ayaa waxaa caawa ku guuleystay kooxda Bayern Munich taasoo rigooreyaal 5 – 4 ku quusisay Chelsea.

120 – daqiiqo oo barbaro 2 – 2 ay ku dhamaatay ayaa ugu danbeyntii rigooreyaal la dhigay waxaana Chelsea gool ku laadkeeda ka qasaariyey Lakuku.

Biloowgii ciyaarta kubad ay soo qaabeeyeen Hazard iyo Schurrle ayaa baas cajiib ah waxaa loo dhigay Torres kaasoo kubad xarago leh oo aad xoogan ku hubsaday shabaqa.

Ciyaarta ayay Chelsea hogaanka ugu qabatay 1 – 0, sidaasi ayayna ku dhamaatay qeybtii hore ee ciyaarta.

Isu soo laabadkii daqiiqadihii ugu horeeyey ayay Bayern Munich iyo laacibkooda qaarada Yurub Ribery jawaab cad ka bixiyey goolkii lagu lahaa taasoo ahayd kubad xoogan oo uusan niyeysan Peter Cech.

Ciyaarta ayaa noqotay 1 – 1, waxaase Chelsea kaarka casaanka ka qaatay Ramires markay socotay 85-daqiiqo, ciyaarta ayaa 90-kii daqiiqo kusoo idlaatay barbarahaasi waxaa lagu daray 30-ka daqiiqo oo dheeriga ahaa.

Waxaase markale Bayern Munich gool qurux badan ka dhaliyey Hazard kaasoo si habsami leh ula soo dhaafay Lahm iyo Boateng laad xoogana dhaafsiiyey goolhaye Neuer.

Dhamaadkii ciyaarta markay ka harsanayd 20 seken oo kaliya ayaa Chelsea laga dhaliyey goolkii barbaraha waxaana markaasi garsooraha uu dhigay rigoore in la laado.

Waxaa bilaabay kooxda
David Alaba (BM) waa uu dhaliyey
David Luiz (CH) waa dhaliyey
1 – 1
Toni Kroos (BM) waa dhaliyey
2 – 2
Oscar (CH) waa dhaliyey
Philipp Lahm (BM) waa dhaliyey
3 – 3
Frank Lampard (CH) waa dhaliyey
Franck Ribéry (BM) waa dhaliyey
4 – 4
Ashley Cole (CH) waa dhaliyey
Xherdan Shaqiri (BM) waa dhaliyey waasa laga raacay
5 – 4
Romelu Lukaku (CH) waa laga qabtay wuxuuna ahaa laadkaasi mid daciif ah oo aan u qalmin in gool ku dhasho

bayern

BMBayern Munich's players celebrate afterBM.JPG2bm2bm3bm4bm5bm6bm7bm8bm9

bm0bm01bm02

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414