Saxaafada Caalamka ayaa hadal haysa Aroos loo aqoonsaday in uu yahay kan Dunida ugu qaalisan kaa oo dhawaan ka dhacay Dalka Spian ayna dhigteen lamaane asalkooda uu kasoo jeedo Dalka Hindia.
Wiilka Aroosay ayaa la sheegay in uu adeer u ahaa Bilyaneerka ugu qanisan dalka Hindiya Lakshmi Mittal oo ka ganacsada warshadaha birta soo saara ee dalkaas ‘waxa uuna arooska Wiilka uu adeerka u yahay ku bixiyay Bilyaneerkan Qarash Dhan 80-milyan oo dollarka Mareykanka ah .
Marti Sharafta arooskan kasoo qeyb galay ayaa gaarayay ilaa 500-oo qof , waxaana arooskan ka adeegayay intii uu socday diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka oo lagu badalay gaadiidka caadiga ah.
Arooskan lacagta badan ku baxday ayaa ka dhacay Magaalada Barcelona ee Dalka Spain waxa uuna socday ilaa Sadax Maalin oo xariir ah , waxaana dadka kasoo qeyb galayaasha Arooska la dajiyay Guriga uu aroosku ka dhacayay oo loo xardhay lagana dhigay sida Hoteelada oo kale waxaana ka shaqeenayay Gurigaasi ilaa 100-qof oo Shaqaalo kala duwan ah oo marti sharafta ugu adeegayay sida Hoteelada oo kale..