Arooskii ugu yaabka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya ayaa ka dhacay bishii Oktobar sanadkii 2009-kii .
Nin Somaali ah oo sheegtay in uu jiro 123 sano lix jeerna hore u soo guursaday ayaa guursaday gabar 17 jir ah .
Arooskan oo dhexmaray Axmed Maxamed Dhoorre iyo Safiya C/llaahi ayaa ka dhacay magaaalada Guriceel ee gobolka Galguduud . Dhoorre iyo xaaskiisa ka da’da yar oo uu ka weyn yahay 106 ta sano waxay ka soo jeedaan isku tuulo wuxuuna sheegay in uu sugayey inta ay ka soo korto.
Qoyska gabadha ayaa sheegay in Safiya ay ku faraxsan tahay guurkaas. Guurkaas ayaa lagu tilmaamay kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Somaliya ka dhaca.
hasayeeshee arooskan mid ka duwan ayaa ka dhacay bishan magaalada muqdisho kadib markii gabadh si khasab ah loogu daray nin ka weyn oo ay diiday kadibna dabaq iska soo tuurtay