Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Xaaska Carrick Oo Aflagaadeysay Roy Keane Ka Dib Markii Uu Wax Ka Sheegay Ninkeeda.

$
0
0

Lisa Carrick, oo ah xaaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Michael Carrick ayaa weerar ku qaaday kabtankii hore ee kooxda Roy Keane kaasoo xalayto dhaleeceeyay Carrick ka dib guuldaradii United ka soo gaartay Olympiacos.

Keane ayaa muujiyay inuu ku labalabooday qaab ciyaareedkii United ee Greece isagoo farmuuqay wareysigii uu Carrick bixiyay ka dib ciyaarta.

Lisa ayaana markaas ka dib Twitter ku soo qortay: “Roy Kean alla muxuu d**k yahay, wuxuu ku hadlayaa kaliya waxa uu jawaab dhalinaya.. waa intaas.” waana ay tirtirtay wax yar ka dib ka hor inta aysan soo qorin: “Waan tirtiray qoraalkeyga… dareenka ayaa iga tan badiyay… kaliya waan ka xumahay.”

Roy Keane oo aad u xanaaqsanaa ka dib guuldaradii United ayaa ku hor maray waraysi uu ciyaarta kadib bixiyay Carrick wuxuuna yiri “Waraysigiisa iyo qaab ciyaareedka Man United intuba waa kuwo qabow, waxay aheed inuu hadlo inbadan uuna u hadlo si dhab ah, taas waa mid badalaysa heerka Man United, asi dhan waa qabow yahay si dhab ahna uma shaqaynaayo”.

mohamud fantastic

stockholm sweden

daldoon.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414