Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live

Shaki weyn oo ka dhashay soo dhaweynta aan caadiga aheyn ee Kheyre loogu sameeyey Kismaayo

$
0
0

 Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka jubba.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xirey wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Muqdisho (Caasimada Online) – Safarka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre maanta ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa shaki siyaasadeed abuuray xilli taageerayaasha madaxweynaha ay aad u dhaliileen.

Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo la filayo in wada-hadallo ay yeeshaan.

Siyaasiyiin ku dhow madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa su’aalo ka keenay sida maamulka Jubbaland uu sare ugu qaaday soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha oo aan horey loo arag.

Magaalada ayaa waxaa lagu wada dhejiyey sawirrada Kheyre iyo Axmed Madoobe, waxaanse ka muuqan sawirrada madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo taageerayaasha madaxweynaha ay dhibsadeen.

Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020.

Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda.

Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo.


Yaa qaban kara wiilashan SNM hor boodaya?

$
0
0

Indha Case , Ciise Xawar iyo  Guray miyaa laga celin la’yahay inay amaan geliyaan  dumarka iyo caruurta ku nool Yube iyo Badhan. Maxay uga aamusan yihiin Odayaasha Reer Garaad iyo Nuux Cumar Fitnada ay wiilashani  soo wadaan oo saamayn doonta bulshada inteeda kale.

Puntland oo ka aamustay duulaanka SNM

$
0
0

Shacabka reer Yube oo aan hubaysnayn ayaa maanta banaan bax kaga hortagay maleeshiyaadka beelaha Isaaq ee duulaanka ku soo qaaday Puntland. Maleesiyadka Isaaq iyo Gudabiirsagii la socday,  ayaa rasaas iku furayey Caruurtii iyo dumarkii mudaharaadayey. Maleeshiyaadka Isaaq oo aad u tababaran ayaa waxa maal geliya oo tababara dawladda Imaaraadka Carabta

Halka wasiirla amniga Puntland Cabdsamad Galan aanu ilaa hadda ka Hadlin duulaanka Isaaq ku soo qaaeen  Puntland

Argagixisada Badhan ku sugan, ha laga saaro

$
0
0

Dagaal SNM lala galo waxa ka fudud in marka hore Wiilshan Badhan jooga inta hubka laga qaado    xabsiga la wada  dhigaa ama magaalada laga saaraa.

Nimanka beelaha Isaaq ugu magcaaban, Wasiirka dagaalka, gudoomiyaha gobolka, gudoomiyaa  degmada, Taliyaha ciidanka,  Iskuduwaha waxbarashasda, iyo kuwa hadda muuqaalka hoose ku   sheegaya  inay Caare ka soo laabteen,dhamaantood degmada Badhan ayeey ka soo jeedaan,   oo loogu ogolyahay inay ka sheegaan ama  hadalaan hadalo  lid ku ah amniga, taariikhda, sumcadd iyo sharafta bulshada reer Maakhir guud ahaan.

Dhalinyarada ugu badan oo difaaca Buuraha Calmadow ku dhimatay iyaga oo la dagaalamaya argagixisada alshbaab degmada Badhan  ayeey ka soo jeedaan. Bulshada ugu badan ee lacag ku bixisay iyaguna  Jidka Ceela Daahir degmada Badhan ayeey ka soo jeedaan. Looma dul qaadan karo in afartan wiil  ay afduubtaan  rabitaanka Bulshada Reer Maakhir, iyaga ay Odayaal ku lacag qaataan.

Maxaa ”Somaliland“ loo aqoonsan waayey, Eratariya oo ka danbaysana loo aqoonsaday?.

$
0
0

Su‘aashan jawaabteeda waxay u baahan tahay in si qoto dheer loo falanqeeyo iyada oo aan waaqicaga jira layska bal finayn. Waxayna su‘aashan iyo jawaabteeduba xiiso yeesheen markii dhawaan uu markii ugu horaysay wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya booqasho ku yimi“Somaliland“ kaas oo ahaa mas‘uulkii ugu sareeyey ee Elatariyaan ah oo booqasho ku taga ”Somaliland“ tan iyo intii maamulkaasi gooni isu taaga ugu dhawaaqay.

Labadii xukun ee Itoobiya iyo Soomaaliya Mingiste iyo Siyaad waxay kala danbeeyeen muddo ku dhaw shan bilood, waxaana xilligii ay labadooduba galbadeen sanadkii 1991 ka dhacay Geeska Afrika gariir siyaasadeed iyo mid isbadel oo mugweyn, dawlado mideysnaa ayaa kala firdhay, xukunkiina wuxuu u iishay jabhadihii hubaysnaa ee dalalkii dagaalka sokooye ka socday ka jiray.

Raggii xilligaas Soomaaliya iyo Itoobiya mindida daabkeeda qabtay waxay kala qaadeen laba waddo oo aad u kala duwan, hoggaamiyayaashii cusbaa ee Soomaaliya waxay dalkoodii u horseedeen dagaal sokeeye oo lagu hoobtay iyo kala-go aan lagu heshiin.

Raggiise iyagu gacanta ku dhigay xukunka dalka Itoobiya waddo kale ayey qaadeen, Meles Zenawi iyo Isaias Afwerki waxay go‘aan sadeen in ay is afgarad ku dhameeyaan wixii xaajo siyaasadeed ee dhex taala, waxayna qaadeen tubtii ay markii danbe Eratariya xaqeedii ku heshay , iyaddoo markii hore ee hawlgalada la wadayba ay kala duwanaayeen Yoolka ay Eratariyiinta iyo SNM ku dagaalamayeen, hadafka Jabhaddii Eratariya ka dagaalamayey wuxuu ahaa in ay ka go‘aan dalka Itoobiya oo khasab loogu daray Itoobiya sanadkii 1952kii, halka SNM uu ahaa Yoolkoodu sida ay sheegeen dulmi diid oo aadna magacooda ka garan kartid” Dhaq-dhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyed“ ”Somali National Movement“ 
”الحركة الوطنية الصومالية“ 
magacaas oo ka turjumayey waxay ahaayeen, xilligii hawlgalka ay wadeen SNM way ka xanaaqi jireen in lagu tilmaamo in ay yihiin gooni goosad, waxayna ku doodi jireen in ay yihiin dulmi diid.

Dunida xilligaas mid waliba waxa uu doonayo ayuu u soo bandhigi jiray marka la weydiiyo baahidihiisa, sidaasi daraadeed Elatariyiinta markiiba waxaa u caddaa cida ay dantu ka dhaxayso isla markaana ay ku jirto rabitaankoodu go’aana ka gaadhi kara , waxaa u muuqatay waddada ay u marayaan siday xaqooda u soo dhacsan lahaayeen, waxayna qaateen talooyin badan oo ay rag khubara ahi u soo jeediyeen taas oo ahayd haddaad dawlad rabtaan waxay ku xidhan tahay Adis Ababa oo idin ogolaata, dabadeedna uu adduunweynuhuna idinku taageero.

Hoggaaniyayaashii Elatariya iyaga oo dalkoodii gacanta ugu jiro ayey markiiba xukuumad la dhisteen hoggaamiyayaashii kale ee Jabhaddii guulaystay ee dalka Itoobiya, waxayna guda galeen in ay Dastuurkii Itoobiya qoraalkiisa ka qayb qaataan, qodobo badan oo u gogol xaadhaya in ay Itoobiya ka go‘i karaan ku darsadeen Dastuurka Itoobiya, waxaana lagu daray qodobo ay ka mid ahaayeen in Itoobiya tahay dawlad federaal ah kana kooban maamul goboleedyo, kii doona in uu gooni isu taagana afti laga qaado, qodobadaasi waxay wadada u baneeyeen in shacabkii reer Elatariya muddo sadexaano gudahooda aragtidooda lagu weydiiyey in ay Itoobiya ka sii mid noqon karaan iyo in ay gooni isu taagi karaan , waxaana afti laga qaaday shacabkii Elatariya bishii afraad ee 1993kii iyada oo ay goob joogayaal caalami ahi indhaha ku hayeen qaabka aftidu u dhacayso kuwaas oo ka socday Qaramada midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Maraykanka, 28.05.1993 sidaasna lagu ogolaaday in Elatariya xubin ka noqoto Qaramada Midoobay laguna Ictiraafay iyada oo waliba ururka Midowga Afrika ka talaabsaday go‘aan caan noqday oo ahaa in aan xuduudihii gumaysigu ka tagay aan la taabane sidooda loo daayo.

3.05.1998 mar Wargeys bile ahaa oo lagu magacsabi jiray “Almushaahid“ “المشاهد” oo ka soo bixi jiray BBCda qaybta Carabiga lagu weydiiyey barnaamijkii la odhan jiray Waxweydiin iyo Warcelin
”بين السائل والمجيب”
su’aal ahayd “Maxay dawladaha Carbeed u aqoonsan waayeen (Somaliland) Eratariyaba markay ka go’day Itoobiya way aqoonsadeene“ wuxuu wariye xilligaas BBC-da ka tirsanaa oo arrimaha Afrika wax ka qori jiray oo la odhan jiray Patrick Gilex su‘aashaas isaga oo ka jawaaba yidhi: Somaliland muhiim ma ah sida Elatariya, wuxuuna intaasi ku daray in Elatariya ay dariiqa habboon oo ay adoros ku dareen u mareen madaxbanaanidooda, waxayna ku dadaaleen in Qaramada Midoobay goob joog ka ahaadaan aftida ay shacabkood ka qaadaan, Reer Elatariya waxay isu dhigeen sidii dawlad oo kale, waxayna garab ka heleen Maraykanka iyo Israa‘iil oo aad u doonayey in ay Badda Cas ka dhalato dawlad aan Carab ahayn si aan loo carqaladeyn marinka muhiimka ah ee Baabu Mandab isla markaana doonyahay Israa‘iil nabad ugu maraan. Elatariya waxay balan qaaday in ay Israa‘iil garab siin doonto, Maraykanka iyo Israa’iilna ay garab ku siiyaan xoriyadooda, waxa kale oo ay ogolaansho ka heleen xukuumaddii xilligaas ee Itoobiya, taasina waxay culuys ka qaaday ururkii Midowga Afrika oo isaguna ogolaaday in Elatariya dawlad noqoto 30 sanno oo halkan ay wadeen ka dib.

Sidaas daraadeed dalalkii Carbeedna way aqoonsadeen iyaga oo waliba ka biyo diidsan xidhiidhka Elatariya iyo Israa‘iil ee sii xoogeysanaya.

”Somaliland“ ayaa waxa uu sheegay in aanay iyagu la imaan talaabooyinkaas ay qaadeen Eletariyaanku, wuxuuna sheegay in goobta ay “Somaliland” ku taalo ee Istiraatiijiga ahi aanay ahayn mid muhiim ah sida ay Elatariya muhiimka u tahay, taas oo macnaheedu yahay in Elatariya Baabu Mandab aad ugu dhawdahay.

Wuxuuna intaas ku daray in aanay 
“Somaliland” Qaramada Midoobay si rasmiya uga dalban afti in laga qaado, maamul firfircoona aanu hoggaanka qaban,waxa kale oo uu xilligaas wariyaha su’aashan ka jawaabayey sheegay in aanay Muqdisho ka jirin xukuumad ogolaan karta in
“Somaliland” go’do, wuxuuna sheegay in dhammaan dhinacyada Soomaalidu aaminsan yihiin in ay ka qayb qaataan shirarka, qaybna ka ahaadaan Soomaaliya, arrintaas oo Qaramada Midoobay aad u taageersan tahay.

Wuxuu intaas ku daray in ay adag tahay in Somaliland la aqoonsado haddaanu Maraykanku ogolaan, waxa kale oo tilmaamay in dalalkii geeska Afrika hore u soo xukumi jiray ay wali taageersan yihiin in “Somaliland”ay mid ahaato 
Soomaaliya sida Ingiriiska oo ahaa dalkii haysan jiray “ Somalialnd” Talyaaniga oo Koonfurta Soomaaliya ka talin jiray iyo Faransiiskuba.

Wuxuu sheegay in ay san jirin dawlad adduunka ka jirta oo dani ugu jirto in “Somaliland” ka go’do Soomaaliya oo ay madax banaanaato sidaasi daraadeed dalalka Carbeed waxay u arkaan in ay Soomaaliya ka mid ahaato, waxayna in badan u direen waftiyo iyo caawimo aan joogto ahayn, aqoonsiguna wuxuu u baahan yahay taageero ka timaada dhinaca Qaramada Midoobay, Madaxweyne Cigaala wuxuu quudaraynayaa in xoghayaha guud ee Cusub Kofi Anan il naxariiseed ku eego, murankii gudaha ee “Somaliand” ka jirayna la soo afjaray oo uu hadda quudaraynayo Cigaal in la qabto afti Qaramada Midoobay goob joog ka tahay, haday arrintaasi dhacdana waxay wax ka badeli kartaa sida xaalku yahay. Halkaa waxaa ku dhammaaday jawaabtii uu bixiyey wariyihii xilligaas 1998 la weydiiyey sababta loo aqoonsan waayey “Somaliland”.

Xilliyadii danbe qaladaadkii siyaasadeed ee lagu dhacay waxaa ka mid ahayd in iyada oo dhinaca kaliya ah afti uu Cigaal Ilaahay hawnaxariistee qabtay 2001dii iyada aanay jirin xukuumad Soomaaliyeed oo ay arrinahaas isla meel dhigeen, Qaramada Midoobayna goob joog ka ahayn, taasi waxay mar labaad sii anbisay shacabkii iyagu uqaatay in talaabadaasi gaadhsiinayso waxay rabeen.

Arrin kale oo ay aad ugu kala duwanaayeen Elatariya iyo “Somaliland” ayaa waxay tahay in shacabka Elatariya dhammaantood waligoodba ay ka mideysnaayeen in ay Itoobiya ka go’aan, hasa yeeshee shacabka ku wada dhaqan Dhulkii Ingiriisku haysan jiray kuma-wada socdaan in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’aan , sidoo kale dhammaan xuduudaha reer Elatariya waxay gacanta ugu jireen Jabhaddii xornimada u soo dagaalan tay hasa yeeshee “ Somalialnd” xadkeeduna ma mideysna shacabkeeduna ma mideysna.

Sidaasi daraadeed faraq weyn ayaa u dhaxeeya Elatariya iyo “Somaliland” waana sababta 30 ka dib Elatariyana Dawlada u tahay oo ay u qaaday wadadii habboonayd,“ Somaliland ” ay wali wadada qarda jeexa ah u hayso, waxaana muhiim ah in la garowsado iyada oo caqli iyo garasho la adeegsanayo in wadadan la hayo laga soo celiyo bulshada iyo sahanka oo toobiyaha dhabta ah dib loogu soo noqdo.

Asad Adaani Ibrahim

Maamulka SNM oo maanta runta sheegay

$
0
0

Burco iyo Hargaysa ayaa lagu sharaxay Boodhadh waaweyn oo ku qoran afka Ingiriiska iyo Tigrinya oo lagu leeyahay  wasiirka arimaha dibadda Ereteriya ” ha is martiyeen, gurigu waa gurigaagiiye. Idinka iyo anagu ( Isaaq) wax badan ayaa inaga dhaxeeya.

Waa run in Asamara iyo Hargaysa dadka iska xigaan oo    wax badan ka dhaxeeyaan , waxaana ka mid ah waxa ka wada dhaxeeya taageerida argagixisada Alshbaab, inaan Qaran Soomaaliyeed la helin iyo nacaybka  labaduba u qabaan  caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Hooyada dagaalka Yaman ka soo carartay ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyadu waxay la ooyeesaa Caruurta ha lay quudiyo

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee Farmaajo oo mushaar la’aan darteed loo dhaawacay

$
0
0

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Villa Somaliya, waxaa maanta la dhaawacay Taliyahii Ciidamada Gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha oo Magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada .

Dhaawaca ayaa yimid kadib markii ay Taliyaha murmeen askari ka tirsan  Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo Taliyaha ku eedeeyey inuu lunsaday Mushaarkiisa.

Sida la xaqiijiyey, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Taliyaha.

Askarigii dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana Taliyaha loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli la xaqiijin karin xaaladda Caafimaad ee Taliyaha iyo sida uu yahay dhaawiciisa.

Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax mushaar ah qaadan labadii bil ee ugu dambeysay.

Sidoo kale, shaqaalaha Madaxtooyada ayaan iyagana mushaar aan qaadan ku dhawaad 4 bil, waxayna arrintaan ka dhalan karta halis amni oo intan kasii badan

Arrintaan Maanta ka dhacday Madaxtooyada ayaa kusoo aadeyso xilli ay gadoodsan yihiin Ciidamada Militari Soomaaliya oo isaga soo baxay fariisihimii ay ku lahaayeen qeybo kamid ah Shabeelada Dhexe markii ay sheegeyn inaysan mushaar helin 4 bil.

TARTAN SHIRKADAHA WAX DHISA LARABO INAY UTARTAMAAN DHISME LADHISAYO

$
0
0

Ku: Shirkadaha Dhismaha ee Gobolka Sool

Waxa aan halkan idinku wargelinayaa in ururka Badbaado Organisation oo kaashanaya shacabka reer Xargaga ay dhisayaan dhisme caafimaad cusub oo loogu magac daray Healthy Care Center (HCC). Dhismaha waxaa laga dhisayaa tuulada Xargaga. Dhismahan waxaa maalgalinaya Hay’adda qaxootiga ee Denmark (DRC) iyo Qurbo joogta Gobolka Sool oo ku midoobay uruka Dansomala Organisation.

Haddaba ururka Badbaado waxa uu halkan ugu soo bandhigayaa dhamaan shirkadaha dhismayaasha ee ka shaqo gala gobolka sool inay ka soo qeyb galaan tartan shirkadii dhisi lahayd rugtaas caafimaad (HCC) ee Xargaga. Shirkadii xiisaynaysa waxa ay la soo xidhiidheysaa Emailka iyo teleefonka hoos ku qoran:

Badbaado Organisation
Email: badbado.org@gmail.com
Tel. +252 634495252

Shirkadii xiiseynay inay ka qeyb qaadato waxaa loo soo dirayaa warbixintii mashruuca oo dhan iyo shuruudaha looga baahan yahay. Shirkadda tartanka ka qeyb qaadaneysa waxaa laga rabaa inay soo buuxiso dokumentiyo lagu soo bandhigeyso waxqabaka shirkadda, qaab dhsimeedkeeda, qiimaha iyo wakhtiga ay rugta caafimaad (HCC) ku dhiseyso iwm.

Shirkaddaha soo codsanaya inay tartankan ka qeyb qaataan, waa inay codsigooda soo diraan ugu danbeyn maalinta arbacada 15/04-2019 saacadda 2 da gelinka.

Tartanka waxaa go’aan laga gaadhayaa maalinta khamiista 17/04-2019 saacadda 2 da gelinka danbe. Shirkadda ku guuleysata toos ayaa loogu wargelinaya oo waxaa loo dirayaa teleefon. Shirkaddaha ku guul dareysta tartarka email ayaa lagu wargelinayaa.

Ka soo qeybgal wacan.

Badbaado Organization


Beesha SNM oo u jawaabtay Farmaajo

$
0
0

Beesha Isaaq oo Jees jees uga jawaabtay hadalKII  jilicsanaa ee uu madaxweyne Farmaajo shalay  ka hor  sheegay Baarlamaanka Soomaaliya.

Nin ku seexda Isir nacayb, lagu ababiyey Isir nacayb, Soomaali oo dhan uga tegaya  Isir nacabka  beel ka mid ah beelaa Soomaaliyeed, waa adag tahay inuu fahmo “WALAALOOW”.  Waana sababta jabhadka SNM ee lagu magcaabo Boobe  oo  qayb ka aaa xasuuqii qaybo ka mid ah  waqooyiga Soomaalitya koogu geestay shacab Soomaaliyeed uu ugu jees jeesayaa jawaabta uu ka bixinayo baryadii  uu madaxweyne Farmaajo baryayey beesha ISAAQ

Qabriga Daarood iyo duulaanka SNM

$
0
0

Maleeshiyaadka SNM meelaha ay duulaanka ku yihiin  waxa ka mid ah Qarriga Daarood iyo goobo kale oo taariikh ah. Hadaba yeey tahay inay ilaaliyaan  taariikhdan hodanka ah ee beesha Daarood gaarka u leeyihiin  intaan maleeshiyaadka beelaha Isaaq oo taariikh iyo faan raadinaysaa ayna gacanta ku dhigin. Maanta maleesiyaadfka Isaaq ee Gabiiley ka yimid waxa lagu horjoogaa meel 23 km u jirta Qarbiga Daarood.

(Video) Guri-barwaaqo Oo Maxkamad La Saarayo

$
0
0

Qaar kamid ah hablaha magaalada hargeysa ayaa maxkamad ku dacweeyay guri barwaaqo oo xilkii wasiirnimada laga qaaday

Dagaalka joogtadda ah SNM-Somaliland ka wadaan Sanaag iyo Sool.

$
0
0

Jaaliyadda Somaaliya Edmomonton Alberta Canada

Press Release

Date: March 16/2019

Biyaan: Canbaarayn Dagaalka Xaaraanta ah iyo Xaqdaradda SNM (Somaliland).

Ku: Madaxweynaha D. F. Somaliya Maxed Cabdullahi Farmaajo.

Ku: Raiisaal Wasaaraha D. F .Somaaliya. Xassan cali Khayre

Ku: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaaliya Maxed Mursal Cabdiraxmaan

Ku: Gudoomiyaha Aqalka Sare Golaha Shacabka Cabdi Xaashi Cabdullahi

Ku : dhammaan Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaaliya

Jaaliyadda Somaaliya Edmonton Alberta, waxay cod buuxa ku canbaaraynaysaa Dagaalka Xaaranta ah oo maamulka Somaliland ka wadaan Goboladda Sool , Sanaag iyo Cayn

Waxaa Su’aal mudan ah in la is-weydiiyo , jawaab la’aanta Madaxweynaha iyo Raiisaal Wasaaraha Dawladda Federaalka Somaaliya ee dagaalka sokeeye iyo barkicinta oo Maamulka Somaliland ka wadaan Goboladda Sool,Sanaag iyo Cayn.

Waxaa suaal mudan in la is-weydiiyo, in Madaxweyne M.C. Farmaajo ugu yeero Walaalahayo Somaaliland ee Kooxda SNM oo is-baaradu utaal Hargeysa oo la mid ah Argagixisada Alshabab –Daacish ee xasuuqa ku haysaa ummadda Somaaliya.

1. Maamulka Somaaliland waxay si qabiil ku dhisan ka wadaan dagaal sokeeye oo weerar joogto ah xasuuq iyo barakicin leh min 1988 ilaa 2019 Goboladda Sanaag iyo Sool/Cayn. SNM –Somaaliland waxay si qabiil ku dhisan ka wadda dagaal sookeeye Goboladda Sanaag iyo Sool min 1988 ilaa 2019 waxayna ka geysteen gabood-fal balaaran ee dill eh oo aan loo meel deyeyn, go’doomin magaalooyin iyo barakicin baaxad leh ee Shacabka Sool ,Sanaag iyo Cayn.

2. SNM- Somaaliland waxay weeratay 125 meelood / goobood, in ka badan 500 oo jeer kuna dilay dad gaaraya 6,000 oo Qof ee Sool iyo Sanaag.

3. SNM- Somaaliland waxay barakiciyeen in ka badan 10 kun oo Reer , una dhiganta 150,000 oo qof, waxayna dhaceen xoolo ka badan 5000 Geel ah min 1988 ilaa 2019

4. SNM –Somaaliland waxay bililiqaysteen magaalooyinka Ceerigaabo , Carmaale, Biyagaduud, Jiidale, Yube, Ardaa, Laasa-surad, Xudun, Bancade, karamaan, Xudun ,Daraarweyn, Cariska, Solaal /soolasha, Qod aalo, Caroolee, Awr-boogeys, Fiqi-fuliye, damala-xagare, Sibaaye, Xadeedka,, CeelBuh, Xingalool, Sarmaayo, Xaabooyin, Dooxa-dheer, Hadaaftimo, waxay bililiqaysteen oo rartayn badeecadii tiilay dukaamadda iyo Bakhaaradda oo qiimo ahaan lagu qiyaasay $ 5 billion. waxay dhaceen baabuurta xamuulka Isuzu 300 xabbo ah.

1. Maamulka Hargeysa ee Somaaliland waxuu gabaad u yahay Argagixisadda waxuuna taakulayn iyo talo-wadaag la yahay Alshabaab ee fuliya dilaalka qorshaysan ee ka dhaca Puntland iyo Nawaaxigga Mogaadishu Caasimada Somaaliya.

2. Siyaasiyeenta Maamulka Somaaliland waxaa dan u ah wax kasta oo khalkhal gelinaaya Nabadda iyo xasiloonidda Dalka Somaaliya, waxayna doonayaan weligeed , in Somaaliya baaqi ku ahaato colaad dagaal sokeeye iyo barakac joogto ah.

3. Maamulka Somaaliland waxay yiraahdeen ma aqoonsanin Dawladda iyo Midnimadda dalka Somaaliya , waxayna doonayaan aragti khaldan ee guracan oo xag-jir ah kuna dhisan nacayb Somaali-diid ah,ee xanbaarsan fikir qabyaaladaysan, fikir Argagixiso, fikir Nabad-diid ah iyo Somaali Dawlad-diid ah.

Goboladda Sool, Sanaag iyo cayn:

1. waxay marwalba u taagan yahiin Midnimadda Qaranka Dalka Somaaliya.

2. Waana Aasaasayaashii hormoodka ka ahaa is-raacii iyo dhalashadii Dawladda Qaranka Somaaliyeed.

3. waxay si buuxdda u garab taageersan yahiin Dawladda Federaalka Somaaliya., midnimadda Somaaliya waa Muqadaas lama taabtaan ah.

4. Dhammaan shacabka degaamadda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa ka dhacaaya banaanbaxyo looga soo horjeedo dagaalka iyo colaadda cunsuriyadda qabiilka ku dhisan oo ay wadaan Somaaliland oo ku salaysan kala goonta Dalka Somaaliya.

5. Mowqifka Shacabka Sanaag iyo Sool meel kasta ha joogee waxuu ku dhisan yahay:

A. Somaaliya , waa 18 Gobol oo leh 94 degmo

B. Nidaamka Awood-qaysiga dawlad wadaagga ee hada jira 4.5

C. Sanaag iyo Sool/cayn USP waxay dhisteen Maamulka Puntland 1998

D. Dawladnimada Somaaliya ka hor waxaan ahayn Harti iyo Isaaq kala degaan ah

E. Xornimo –doonkii Gobonimadoonka Somaaliya waxaan ahayn USP iyo SNL

F. Dagaalkii sokeeye SNM-Isaaq waxay duulan ku sooqaadeen degaanka Harti.

G. Colaadii dagaalka sokeeye waxay noqdeen Isaaq- SNM ee Hargeysa, Berbera iyo Burco waxayna dhisteen Maamulka Somaaliland.

H. Colaadii Sokeeye Sanaag iyo Sool waxay noqdeen USP.

Mowqifka Sanaag iyo Sool ee Wadada hadalka SNM-Somaliland:

1. Kooxda SNM oo Mucaarada ah iyo Dawlada Somaaliya

2. Nidaamka Awood-qaybsiga 4.5

3. Puntland to Somaliland

4. USP to SNM

5. Harti to Isaaq

6. Intaa waxii ka soo haraa waa in si wadajir midnimada Qaranka Dawaldda Somaaliya dhammaanteen aan u difaacnaa Dalka Somaaliya

Hadaba ayaddoo sidaa mowqifku u kala caad yahay ee kor ku xusan

waxay Jaaliyadda Somaaliya Edmonton Alberta ka codsanaysaa dhamman Masuuliyeenta

D .f. Somaaliya ee kor ku xusan, si gaar waxaan uga rabnaa in Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raiisaal Wasaaraha Xassan Cali Khayre ay jawaab ka bixiyaan fal dembiyeedka dagaaladda xasuuqa joogtadda ah ee SNM Somaaliland ka waddo Sool Sanaag iyo Cayn kuna dhisan nacayb isir qabiil iyo midnimo-diidka qaranka Somaaliyeed.

Codka Jaaliyadda Somaaliya Edmonton Alberta.

Date: March/ 2019

SNM oo colaad ka hurinaysa Ogaadeeniya

$
0
0

Beesha Absame oo iyaguna  ku socda khaladkii  beesha Harti looga qabsaday Laascaanood, Sool iyo Sanaagna ay ku noqdeen dhulka lagu muransan yahay.

18 sano ka hor, shir ay golaha  wasaaradda dawladda  Puntland ay ku  lahayeen Garowe ayaa Allah ha u naxariistee wasiir ka mid ahaa   golaha wasiirada oo ka soo jeeday beesha Maakhir  uu soo jeediyey sida qura oo loo ilaalin karo   midnimada Soomaaliya iyada oo aan  xabad lagu  ridin SNM.

Wasiirkan ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay labo arimood:

1- In wad hadal kasta oo beesha Isaaq iyo Puntland wada gelayaan loo diraa siyaasiyiin ka soo jeeda Sanaag iyo Sool. Sababtoo ah iyagaa yaqaan taariikhdii hore oo ay wada degaan

2- In xoolaha ka imanaya Somali galbeed ee soo mara gobolka Cayn oo ay  markaa Puntland  gacanta ku hayso, haddii ay u socdaan Berbera  in Canshuurta lagu badiyo, inta ay ka soo laabanayaan fikirka guracan ee goosashada. Laakiinse haddii ay u socdaan Boosaaso iyo Puntland in canshuurta laga dhimo.

Madaxdii Puntland ee markaas Puntland xukumaysay  labadii fikradood  midna ma qaadan . Maamulka Puntland,  siyaasigii ugu horeeyey ee maamulka  u direen Hargaysa wuxuu ahaa Allah ha u naxaeiistee siyaasi dhintay oo ka soo jeeday beesha Majeeteen. Kaantaroolkii la dhigi lahaaa   Buuhoodle oo lagu cunaqabayaun lahaa  SNM lama dhigin. Taasna  waxa bedelay in SNM Laascaabood qabsadaan iyaga oo jileec ka helay ergaygii loo diray.

Maanta beesha Kablalax  Daaarood ee Soomaali galbeed, laba a midkood  ayaa u taal inay Garacad deked ka dhigtaan oo xoolahooda dekeddaa laga dhoofiyo iyaga oo soo dhex maraya  degaanada Culimada  Tanade Daarood  iyo inay maalgeliyaan nimanka hoos ka hadlaya oo isir nacaybka dilooda

Tigree ban Hadh cad diraye kuwan uma daahayno” Cadaani

$
0
0

Tigree ban Hadh cad diraye Canaasiirta SNM uma daahayno” Cadaani

Siyaasi Cismaan Batrool oo fariin u diray SNM

$
0
0

Somaliland ma Habar jeclo iyo Habar yoonisbaa. Yaa ah Somaliland oo la hadlaya dawladda Soomaaliya

Siyaasi Cismaan Batrool, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo shir jiraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Sanaag, wuxuuna fariin u diray Somaliland.


DAAWO Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka qayb galay Suladaan lagu caano shubay Goday

$
0
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka qayb galay Suladaan lagu caano shubay Goday waxana garaadku uu ka shekeeyey halgankii daraawiishta Suldaanka ayaa ka soo jeeda faricii suldaan biixi.

kaas oo halgan dheer ka soo qayb qaatay halgankii gobonimo doonka,suldaan axmed sulaadan biixi suldaan muumin ayaa halkaas ogamahad celiyey salaadiinta iyo madaxda,

Dad Dhulkii ay Lahaayeen Laga Boobay

$
0
0

Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa boob u geeystay dad shacab ah, iyagoona ka xoogay dhulkii ay lahaayeen. Hadaba, Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa dadka ku haya tacadi isugu jira boob hantiyeed, caburin joogta ah, iyo xabsi aan loo aabo dayin oo loo geeysto cid kasta

(Video) SNM-ta Oo Sheegtay Inay 500,000 Dollar Siiyeen Isimada Warsangali

$
0
0

Wasiirka arimaha gudaha maamulka hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay bixiyeen 500.000 kun oo dollar oo ay siiyeen isimada warsangali

(Video) SNM-ta Oo Horgalnimada Baraysa Hablaha Reer Laascaanood

$
0
0

Maamulka SNM-ta ayaa xooga saaraya sidii uu u kasban-lahaa hablaha reer laascaanood si ay ogamid noqdaan horgalada deegaanka

U Diyaar Garowga 18 May Maalinta Qashinka SSC

$
0
0

Wasiirada haweenka ee maamulka khaatumo sahra khaatumo ayaa ku baaqday in laga qeyb qaato xuska 18 may maalinta qashinka ssc

Viewing all 2414 articles
Browse latest View live