Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live

Hilib Doofaar ayaa Xalaal loogu soo qoray

$
0
0

Haweeney norwiijiyad ah islamarkaana muslim ah ayaa hilib xalaal ah oo ay ka dalbatay shirkad hilbaha qasha loogu soo bedelay hilib Qaansiir ama doofaar kadib markii warqad xalaal ahaan loogu soo dhajiyay hilib doofaar caadi ah.

Heidi Esma Dahl Bønnhoff oo ah haweeneyda hilibka ka dalbatay shirkadda “Jens Eide” oo waligeed ka dalban jirtay hilbaha loo yaqaan “Grillpølse” ayaa doorkaan ka shakisay, waxaana ay baadhis ahaa ugu dirtay hay`adda cuntada dalkaasi ee loo yaqaan Mattilsynet.

Maalmo kadib waxaa soo baxday baadhistii hay`dda taas oo xaqiijisay in hilibkan uusan aheyn xalaal islamarkaana laga sameeyay hilib doofaar.

” – Islamarkii aan arkay waan ka shakiyay. Si kale ayuu ilaa muuqday. Ma uusan aheyn hilibkii aan aqiinay ee casaa”, ayay tidhi Heidi oo markiiba go`aansatay in ay baadhis ku sameyso.

Waxa ay sheegtay in ay oyday markii ay jawaabta heshay, oo waxaa ay ka wal-washay in intii ay soo cuntay hilibka shirkadan bal in sidan oo kale loogu soo qariyay.

Masuul u hadlay shirkadda hilibka Jens Eide ayaa jaraa`idka Fædrelandsvennen u sheegay in arrintani tahay khalad dhacay islamarkaana ay aad uga xun yihiin.

Waxa uu sheegay masuulkan in hilib doofaar ahaa si khaldan loogu dhajiyay warqadda xalaasha, sidaasna lagu iib geeyay.


吳釗燮 oo soo dhoweeyey SNM

$
0
0

Haddii aad ka so jeedo gobolka Sanaag maxaad ku taageesan tahay madaxweyne Farmaajo?

Afartii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka xukumayey, haba yaraatee ma tegin hal taako oo ka mid ah gobolka Sanaag iska daa tuuko uu soo booqdee,

Xasuuq ka dhacay meel ka baxsan Koonfurta Soomaaliya wuxuu ka dhacay degaanada Af urur ee gobolka Bari , madaxweyne Farmaajo uma soo tacsiyadeen umaddii Soomaaliyeed ee halkaa lagu dhibaateeyey ama lagu xasuuqay . Ka dib xasuuqii dhacay kama caawin sidii ayna mar kale xasuuq sidan oo kale ah ugu dhicin Bulshadaas, oo wuxuu ka hor istaagay in Bulshada ku nool Buuraha Calmadow loo dhiso ciidan ka saarara argagixisada ku dhuumaalaysta buuraha Cal madow.

Mashruuc Soomaali u istaagtay kii ugu weynaa oo iskaa wax u qabso lagu qabanyo ama dhisayo wuxuu ka socdaa gobolka Sanaag. Madaxweyne Farmaajo dhowr jeer ayaa loo tegay oo laga codsaday in dhaqaale dawladda Federaalku kaga qayb qaadato mashruucan. Intii mar ee loo tegay dhegaha ayuu Cudbi gashaday oo jawaab jees jees ah ayuu bixinayey

Intii uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo wuxuu magcaabay Taliyaal badan, kii ugu danbeeyey labo cisho ka hor ayu magcaabay ilaa hadda hal taliye uma magcaabin gobolka Sanaag.

Madaxweyne Farmaajo safiiro badan ayuu magcaabay, safiirkii ugu danbeeyey ee dalka Faransiiska loo magcaabi doono maanta ayuu soo gaaray Muqdisho, ila hadda hal Safiir uma magcaabin gobolka Sanaag.

Dhowaan markii madaxweyne Farmaajouu magcaabay Guddi ka kooban Waqooyi iyo Koonfur, oo la sheegay inay wada hadlayaan madaxweyne Farmaajo Guddigii waqooyiga wuxuu ka reebay Reer Sanaag. Markii shirkii dhamaadayna wuxuu beesha Isaaq ugu daray shukaansi iyo inay waxay rabaan soo sheegtaan oo ay ka faa’iidaystaan fursadda qalbi wanaaga ah ee u hayo Shacabka beesha Isaaq.

Intaa aan kor ku soo sheegnay waxa dheer cuna qabtaynta dhaqaale ee uu ku hayo gobolka Sanaag.

Ugu danbayntii Fursadda uu maanta Farmaajo siiyey Maamulka SNM, waxay aad u xoojisay inay ku dhiiradaan waxyaabo ayna hore u samayn jirin iyo isku dayo badan oo ay aqoonsi ku raadinayaan, Maanta markii ugu horaysay ayaa maamulkaasi Ergo u dirsadeen Taiwan, iyaga oo ka caawini doona inay u dhisaan maleeshiyo beeleedka markii horeba xasuuqa ka gaysan jiray gobolada Waqoyiga Soomaaliya

Xog ku saabsan weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar iyo qaabkii hubka loo geliyay

$
0
0

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaasoo ay maleegeen maxaabiistii xabsiga lagu hayay oo qaarkood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo xukunno kala duwan lagu riday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in ay dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay mudo saacado ah, iyadoo idaacadda dowladdana ay sheegtay in maxaabiista lagu qabtay labo bastoolado.

Sida aan wararku ku heleyno waxaa weerarku uu ku bilowday bastoolado iyo bambaanooyin dhowr ah oo lagu dhex qariyay raashin loo gudbiyay maxaabiista, loo adeegsaday in askartii ilaalada labo ka mid ah lagu toogtay bastoolad, kadibna qoryihii ay haysteen laga qaatay, kadibna weerarku noqday mid toos ah oo bambooyin loo adeegsaday.

Xogtu waxay sheegeysaa in ilaa labo ka mid ah ilaalada xabsiga la dilay, halka maxaabiistii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee xabsi daa’inka ku xukunaa lix ka mid ah ay weerarkaasi ku dhinteen, lix kalena lagu dhaawacay, waxaana nolosha lagu qabtay shan maxbuus sida ay baahisay idaacadda dowladda oo sheegtay in maxaabiistaasi labo ka mid ah bastoolado

 

Farmaajo oo hubeeyey SNM

$
0
0

Farmaajo oo Jabhadda SNM ugu deeqay Malaayiin , halkii JIdkii Ceel Daahir uu weli ku hayo cunaabatayn iyo shuruud ah in mafrka hore Puntland lagu kala yago.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Ayaa Deeq lacag ah oo Baanka aduunku siiyay Soomaaliya,u qeybiyay maamulada Dalka Soomaaliya,

Lacagta Ugu Badan Ayuu Madaxweyne Farmaajo, siiyay Maamulkii ugu Cadow-Sanaa Soomaaliya,islamarkaana ka soo hor jeeday Soomaalinimada iyo In Dalkan Dawlad Ka hana qaado,

Jabbadda SNM ayaa heshay 11 Milyan oo Dollar Halka Puntland Heshay 8 Milyan oo Dolllar,

Maamulada Koonfur Galbeed,Jubaland,Galmudug Hirshabeelle, ayaa iyaguna helay min 3 Milyan oo Dollar,

Waxaa La yaab leh in Madaxweyne Farmaajo, dhaqaalaha ugu badan oo waliba Kaash ah siiyo Maamulka Somaliland, oo 30 sano u taagan kala goynta Soomaliya, islamarkaana Dagaal kula jira Dad Soomaaliyeed oo diidan in Dalkan La kala jaro,

Jabhadda SNM Lacagtan Uu Madaxweyne Farmaajo Iyadoo Kaash ah Gacanta u galiyay waxay uga dhigan tahay Shacabka gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn in lagu qorsheenaayo Sidii loogu Weerarilahaa Buuhoodle iyo Hadaaftimo

Madaxweyen Farmaajo afarta sano ee u Xukumaayay Dalka soomaaliya marna Hal Dollar kuma bixiin Xaaladaha kala duwan ee goboladaas laakiinse markasta malaayiin dollar ayuu ugu deqaayay Jabhadda SNM

Sawirro: Siciid Deni oo bilaabay qorshe cusub, kadib heshiiskii Dhuusamareeb

$
0
0

Madaxwweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo aan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa haatan bilaabay qorshe cusub iyo la tashiyo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Siciid Deni ayaa xalay kulan is-xog wareysi ah xalay la qaatay ururada bulshada rayidka, madaxda ururada siyaasadda, aqoonyahanada iyo waxgaradka Puntland.

Ugu horreyn m adaxweynaha ayaa la wadaagay dhinacyadaasi shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo  arrimaha doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu  dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay oo  muujiyay sida ay Puntland ugu garab taaganyihiin marwalba arrimaha gudaha iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu

Puntland ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, iyada oo garabsanaysa Jubbaland, waxaana qaadaceen natiijadii ka soo baxday shirkaasi.

 

   

Goorta Uu Furmayo Shirka Nabadaynta Beelaha Siyaad Maxamuud…….

$
0
0

Shirka  nabadaynta  beelaha  walaalaha ah  ee Siyaad Maxamuud ( Jaamac Siyaad) Iyo (Ugaadhyahan Siyaad) ayaa lagu wadaa inuu furmo 48 saac ee soo socda iyadoo qaban qaabada si habsami leh u socdo laguna wado in lagu gudo galo garnaqa labada dhinac tabashooyinka iyo mad-madowga soo kala dhex-galay ee soo noq-noqday.

Shirkan oo ay gar wadayn ka yihiin qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolada sool sanaag iyo cayn ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qeyb-gali doonaan dhamaan ergooyin nabadaynta labada Ardaa ee Siyaad Maxamuud iyo waliba inta samaha jecel oo ay kamid yihiin culimada waxgaradka iyo cuqaasha.

Xubnihii Ergada beesha jaamac siyaad ku matalaysay shirka nabadaynta ayaa la soo dhamaystiray waxaana la filayaa maanta galinka dambe in beesha ugaadhyahan ay soo dhamaystiraan ergadii oga qeyb-gali lahayd iyadoo ay horey u sheegtay beesha ugaadhyahan inay iyagu dhigayaan gogosha nabadaynta labada beelood.

Qurba-jooga labada dhinac ayaa dhankooda dadaal wadda sidii xal waare loogu heli lahaa beelaha maxamuud garaad

 

 

( Video) Midnimada Walaalaha Maxamuud Garaad Waxba Yeeli Mayso Cod whatsapp Laga Duubo Iyo Fariinta Elmi Naaleeye

(Video) Hogaanka Dhaqanka Hawiye Oo Ka Hadlay Arinta Adhicadeeye…..


Shirka Jaraaid Ee Berito Beesha Ugaadhyahan…..

$
0
0

Gudaha magaalada laascaanood waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada shir saxaafadeed ay maalinta berito oo ku beegan 26 August 2020 ay qaban doonaan gudiyada beesha ugaadhyahan ayna kaga hadli doonaan dhacdooyinkii ka dhacay degaanada ay shaqaaqadu ka dhacday iyo qaabkii loo gali lahaa nabadaynta beelaha walaalaha ah.

Xalinta dhibaatooyinka beelaha walaalaha ah ee isku abtirka ah waxaa isku hawlay xalinteeda waxgaradka odayaasha aqoonyahanka Maxamuud Garaad iyo waliba qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolada sool sanaag iyo cayn oo ay kamid yihiin Garaad Abdisalaan Xassan Maxamed Suldaan Siciid Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur iyo waliba Garaad Jaamac Garaad Ismaciil.

Xubno ka socday maamulka Hargeysa oo ay kamid yihiin wasiirada wasaaradaha arimaha dibadda iyo warfaafinta iyo xubno kale oo ka soo jeeda beelaha maxamuud garaad ayaa wali ku sugan magaalada laascaanood mana cadda doorka ay ku leeyihiin nabadaynta beelaha walaalah ah.

kala soco kulanka beri shabakadda daldoon

 

(Video) Hogaanka Dhaqanka Hawiye Oo Ka Hadlay Arinta Adhicadeeye…..

 

( Video) Midnimada Walaalaha Maxamuud Garaad Waxba Yeeli Mayso Cod whatsapp Laga Duubo Iyo Fariinta Elmi Naaleeye

Daawo:Sidii Shalay Booliiska Maraykanku u toogteen Ninka Madow+Rabshado ka curtay

$
0
0

Daawo:Sidii Shalay Booliiska Maraykanku u toogteen Ninka Madow+Rabshado ka curtay

70sano ka hor Lascanod Nolol Nooceeya ayaa lagu Nool Taariikho badan oo aadan ogayn kaga bogo.

$
0
0

1960kii Lascanod sidee ayay ahayd? Shirkadi Maraykanka ahayd ee Wakhtigii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake Lascanod Tuugada kusoo Gashay Maxay Rabtay? Safarkii Madaxweyne Cabdirashid ee ugu Horeyey Lascanod Maxay is weydaarsaden Odaysha Deegaanka? Kumuu ahaa ninkii Reer Lascanod ee Kaligii Guriga Dhisay iyadoon Cidina Caawin maxase ku Kalifay? Doorashooyinkii Dowladihi Dhexe ee Somaliya Sidee ayay dadku wax u dooran Jireen? Laascaanood intee Deegaan ayaa Hoostagi jiray wakhtigaas? waxaa si faahfaahsan uga waramaya Oday Axmed Cagaagane oo waraysi siiyey Abwaan,Qoraa,Saxafi,Macalin Cismaan Cabdinuur Xaashi Barnaamijka oo dhamaystiran ka daawo

 

Daawo:Sheekh Dirir Oo Lagu Soodhaweeyay Buuhoodle

$
0
0

Sheekh Cumar Dirir oo kamid ah Culimada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa ka soo safray Maanta Magaalada Hargaysa, isagoo soo gaadhay Buuhoodle.

Sheekh Cumar Dirir ayaa soodhaweyn balaadhan loogu sameeyay Magaalada Buuhoodle Caasimada GobolkaCayn,

Odayaal Si Wadajir ah Baaq Nabadeed U Soo Saaray Arintii

$
0
0

Odayal labada beelood beel kamida ayaa baaqan diraya.

Waxaanu leenahay intii ku dhimatayna Illaahay ha u naxariisto. Intii ku dhawaacantayna Illaah ha u boogadhayo. Waxaaan kaloo tasci tiiraanye leh u diraynaa eheladii, qaraabadii intii ku geerooyootay dagaalkaa nasiib darada ah.

Waxaan ku boorinaynaa Garaadada, Cuqaasha iyo dhamaan waxgardka deegaanka inay u guntadaan nabaydaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah. Qof danbena aanu nasiib daradaaas oo kale inoogaga dhiman.

Waxaanu leenahay nabadu waa furaha nolosha iyo humarka, hana laga fogaado wax kasta oo xaalaada uga sii daraya Af iyo adinaba.

مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ سورة المائدة 32

Ilaahay (SWT) wuxuu aayadan qur’aanka ah inoogu tilmaamayaa qofkii qof dila iyada oo qofkaa la dilay loo dilin qof kale oo uu dilay, ama fasaad iyo xumaan uu bulshada qofkaasi kula dhex jiray, in uu qofkaa qofka dilay la mid yahay mid dadka oo dhan laayey, qofkii qof badbaadiyaana la mid yahay mid dadka oo dhan badbaadiyey

عن أبي بكرة نفيع بن الحارث الثقفي، قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: “إذا التقى المسلمان بسيفيهما فالقاتل والمقتول في النار” فقلت: يا رسول الله هذا القاتل؛ فما بال المقتول؟ قال: “إنه كان حريصاً على قتل صاحبه” رواه الشيخان

>Nabigeena Suuban (NNKH) wuxuu xadiiskan inoogu sheegayaa haddii laba qof oo muslimiin ahi seefo isu qaataan, ka dhinta iyo ka wax dilayba naartay gelayaan, saxaabigii xadiiska warinayey ayaa Rasuulka weydiiyey ka wax dilay waan gartay ee ka la dilayna ma naartuu gelayaa, Nabigu wuxuu yidhi isaguba wuxuu ku dadaaleyey in uu dilo walaalkii.

Magacyada baaqa diraya:

1- Chief Caaqil Maxamed Jaamac Cabdi Bile
2- Axmed Jaamac jibriil
3- Nuug Maxamuud Gaas
4- Cabdisayid Jaamac Saleban
5- Adan Cismaan Cashuur
6- Siciid Maxamed Maxamed
7- Xamse Cumar Aadan
8- Cabdi Ducaale Xuseen
9- Siciid Warsame Jama
10- Xuseen Jaamac Jibriil
11- Maxamed Xassan Xaaji
12- Aadan Cabdillaahi Shuuriye
13- Cali Maxamud Maxmaed
14- Yuusuf Maxamud Aw-CAli
15- Dubad Maxamed Xassan
16- Maxamed Yuusuf
17- Faarax Abokor
18- Axmed Warsame Jaamac
19- Salaad Jaamac
20- Sicii d Cali Axmed
21- Axmed Hirsil Xuseen
22- Cali Jama Saleban
23- Jaamac BIle Dhuxul
24-Aadan Yaasiin Maxamed
25- Salaad Faarax Jaamac
26- Faaxa Jaamac Dayuur
27- Ismaaciil Cabdilahi Shuriye
28- Maxamed Maxamud Xirsi.

Wabillaahi tawfiiq

…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………..

(Muuqaal) Aqoonyahan Faarax Dalab Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Adhicadeeye…..

$
0
0

waxaa khadka telefoonka ku jira faarax dalab oo kamid ah qurba jooga gobolka sool ee cariga ingiriiska waxaana ka waraysanaynaa dhacdooyinkii jidbaale iyo booc iyo baaqii shalay faarax soo dhawoow ugu horayn waxaad warbixin naga siisaa baaqii iyo nabadaynta ka furmaysa adhicadeeye.

(Video)Beesha Jaamac Siyaad Oo Aqbashay Gogoshii Maxamed Siyaad

$
0
0

Kulan maanta ka dhacay hotel casuura ee magaalada laascaanood oo iskugu yimaadeen waxgaradka beesha jaamac siyaad ayey ku aqbaleen gogoshii nabadaynta ee horey loo dhigay deegaanka adhicadeeye ee gobolka sool


Orod ugaandhiiska ayaa kuu waramaya Faysal cali waraabe

$
0
0

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayey wadahadalkii ka dhacay Jabuuti ee u dhaxeeyay maamulka Hargeeysa iyo Dawladda Federaalka uu Farmaajo uga dan lahaa in doorashada uu ku gallo. Faysal ayaa sidoo kalle sheegay in dawladdii faqashta ay rideen ayna doonayaan in caalamka ay si toos ah ulla xiriiraan.

Faysal oo ah nin siyaasadda ku soo booday ayaa ka xanaaqay su’aal uu wariyaha weeydiiyey oo ku saabsaneed doorashada ay beeshooda qabsanayaan, wuxuuna ku yiri, “Waxba kaama gellin, (is not your business) kuwiina Yugaandha ka waran, orad Yugaandhiiska wareeyso, mine yours, taada ka fakir, waxaasaad waqti ku lumineeysaan.” Faysal oo ah nin aan ixtiraam laheen ayaa wariyaha ku yiri, Carabtaba waa kalla wadan oradoo naga tag, wadaniyadna garanmeeysaan orad ha idin xukumo Farmaajo, iyo waxyaalo kalle oo badan.” Hadaba wareesigaas fadlan hoos kala

 

Hello world!

$
0
0

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!

Safaaradda Mareykanka oo soo saartay digniin la xiriirta banaan-baxa Muqdisho

$
0
0

 Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay maalinta Jimcaha ka ag dhowaadaan Daljirka Daahsoon, oo ah halka la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Marka la eego halista dambiyada rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.”

Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaas, la socdaan wararka warbaahinta gudaha, ka dheeraadaan meelaha dadka badan oo aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si ay u u tusi karaan haddii loo baahdo.

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in banaan-baxa mucaaradka uu isku rogo rabshado xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay ka hortagto, kana hor-istaagto shacabka inay muujiyaan aragtidooda.

Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo degay hotel u dhow madaxtooyada + ujeedka

$
0
0

Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in hotelka Naasahablood 2 oo dhow taalada Daljirka Daahsoon ay ka bilaabi doonaan abaabulka dibad-baxa la qorsheynayo in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ammaanka hotelka iyo agagaarkiisa ay la wareegeen ciidamo ay wataan Xasan Sheekh & Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi, waxaana isla goobtaas ku dhow bar-koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada.

Xasan Sheekh oo jawaab kulul ka bixiyey go’aankii kasoo baxay dowladda

$
0
0

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga fal-celiyey hadalkii galabta ka soo yeeray wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo dal-baday in shacabku aysan sameynin wax isku imaatin ah, cabsi laga qabo Coronavirus awgeed.

Xasan Sheekh, oo taageerayaashiisa kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in wax kasta hadii ay dhacaan aysan ka baaqan doonin banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo sheegay in banaanbaxaas oo ah mid nabadeed looga soo hor jeedo sifaha uu Farmaajo weli ku sii joogo xafiiska iyo shuruucda uu saxiixayo xiligan.

Waxuu tusaale u soo qaatay saxiixyada guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa iyo kan adeega garsoorka garsoorka oo uu sheegay in laga bedelay taariikhda saxiixa oo waqti hore lagu qoray, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankan dhaqanka dowladnimada ayey ku dheeleen maanta waxay nasoo hor taajiyeen taliyeyaashii ciidamada oo leh Corona ha la iska jiro, war taliye ciidanow maxaa corona kaa galay? Ila meereyso ayey wadaan, tan iyo markii uu Farmaajo xafiiska tegay hal tuulo galama saarin Al-Shabaab, kaaga darane magaalada ayey maalin kasta dadka ku gablaminayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Viewing all 2414 articles
Browse latest View live