Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live

Beesha Warsangeli Oo Guurtida Somaliland ku wareejisay sadex nin oo la qafaashay

$
0
0

Daawo:3 Nin oo Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Warsangeli ka qafaasheen Waqdariya oo ay ku wareejiyeen Xildhibaano ka tirsan Guurtida S/land


Horgalada Oo Diiday Joojinta Qaadka Iyo Culimada Oo Diiday Xidhitaanka Masaajida

$
0
0

Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed waa Shiikhul cilmiga gobolka Sool oo si adag uga soo horjeestay in Masaajidyada la xidho.

“Maamulka Waxaa u yaala arimo kale oo waaweyn oo ay ugu horeyso Diyaarada Ethopia oo qaadla keenayso in ay Joojiso , Laascaanood Waxaa lagu diley 40 qof ka badan ee warkeeda keena Laakiin Masaajidada waa meesha loo soo cararo Alle ayaana naga qaadaya Xanuunkan annagu Asbaabta waanu qaadanaynaa ee Somaliland holo waaweyn baa idiin yaalla ee qabsada Howlihiina ”

Dhanka kale, Cabdiqani Jiidhe Maxamuud waa Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland oo maamulka uu ka tirsan yahay uga fadhiyo in uu fuliyo go’aamadii ay soo saareen.

Kee ayaa ay ku la tahay in uu awood sheegan doono oo beri amarkiisu fulayaa? Adiga oo raacinaya sabab maangal ah go’aamada ay ka la wataan go’aankee ayaa aad taageersan tahay oo aad is leedahay bulshada ayaa ay dani ugu jirtaa adiga oo aan eegayn siyaasad, nin jeclaysi iyo arrimo kale midna?

(Muuqaal) Jabhadaa SSCLF oo Gudoomiye Cusub Dooratay.

$
0
0

Gudiga dhexe ee jabhadda Sool Sanaag Cayn Liberation Front (SSCLF) ayaa khaalid Maxamed Muuse Dhiil u doortay gudoomiyaha Jabhadda xoraynta gobolada Sool Sanaag iyo Cayn islamarkaana uu kamid ahaa gudiga dhexe ee jabhada.

Warsaxaafadeed ay oo saareen gudiga fulinta oo nuqul kamid ahna soo gaadhay ayaa lagu sheegay doorasho socotay 48 Saac uu helay khaalid Maxamed Muuse Dhiil inta badan codadkii la tiriyay islamarkaana loo dhaariyay xilka gudoomiyanimo.

Abaabulka jabhadda SSCLF ayaa timi kadib shirar isdaba joog ahaa oo bilihii u dambeeyay ka socday gudaha degaanada Sool Sanaag iyo Cayn iyo waliba dibadda loogana arinsanayay sidii dhulka SSC looga xorayn lahaa maleeshiyaadka SNM ee sida xaqdarada ugu soo duulay.

Shacabka gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa loogu baaqay inay u diyaar inay u midoobaan sidii aybisaga dul waadi lahaayeen cadowga uguna midoobi lahaayeen sidii aybu horumarin lahaayeen dhulkooda.

Jabhada ayaa laga sigayaa inay la timaado qoeshaha iyo istaraatiijiyada ay ku hawlgeli lahayd si ay u gaadho hadafkeeda.

 

 

 

 

Daarta ugu yar oo ugu qaalisan Afrika

$
0
0

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA ayaa lagu soo bandhigay baaritaan ku aadan dhismihii garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe oo dhaliyey hadal heyn badan.

Garoonkaas waxaa dhismihiisa xarigga laga jaray 10-kii bishii lasoo dhaafay ee Maarso, waxaana ku baxday lacag dhan 4.3 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Qaylo Dhaan Ka Dhan ah Maamulka Snm Soomaaliland

$
0
0

سم لله الرحمن الرحيم

السلام عليكم ورحمة الله و بركاته.
Ku. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed
Ku. Beesha Caalamka UN
Ku. Xafiiska Qaramada Midoobay UN u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya
Ku. Baanka Aduunka
Ku. Midowga Afrika
Ku. Dawladaha IGAD

Qaylo Dhaan Ka Dhan ah Maamulka Snm Soomaaliland 22/4/2020
********
Annagoo Ku Hadlayna Codka Shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya Waxaanu Cambaaraynaa
Maamulka Qabyaaladda Ku Dhisan ee Snm ee uu Madaxda Ka Yahay Qab qable Dagaal Muuse Biixi Faragelinta iyo Cabudhinta ay Ku Hayaa Shacabka Soomaaliyeed Gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya ee Warsangeli iyo Dhulbahante Degaan oo Jabhadda SNM 25 Sanno Ka Hor Taagnayd Mucaawinooyinka Aduunku Siin Lahaa iyo Horumarkay ay u Baahnaayeen Goboladaasi.

Sidoo Kale Waxaan Waxaan Aduun Weynaha u Sheegaynaa inaan Wax Loogu Dhiibi Karin Goboladayada Masuulna Dhulkayaga Ka ahayn Maamulka isku Sheegay Soomaalind oo asalkiisu Yahay SNM.

Sidoo Kale Hadaanu Nahay Gobolada Waqooyi Bari Waxaanu Aduun Weynaha iyo Dawladda Soomaaliyeed u Cadaynaynaa in Maamul Goboleedka SNM in uu Macaawinooyinka Aduunku Siiyo u Adeegsado Hubaynta Maleeyshiyo Beeleedkiisa isagoo Qalab Meleteri iyo Agabyo Ciidan Ku isticmaala Si uu ugu Cabudhiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sool iyo Sanaag iyo Cayn iyo Haylaan iyo Deegaano Kale oo Dad Soomaaliyeed Ku Dhiban Yihiin.

Ugu Dambayn Shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya Waxay u Mahad Celinayaa Dawladda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo Hadda aad Moodo inay Soo Fahmayaan Dhibaatada ay Qabaan Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddiga Fullinta Waqooyi Bari Soomaaliya

Wakiilka Middowga yurub u fadhiya Dowlad Goboleedka Puntland, Dr. Mahamed Awad Abbas, oo baaq deg deg ah ka soo saaray fatahaadaha QARDHO

$
0
0

BAAQ DEG- DEG AH QARDHO !!
Wakiilka Middowga yurub u fadhiya Dowlad Goboleedka Puntland, Dr. Mahamed Awad Abbas, oo baaq deg deg ah ka soo saaray fatahaadaha QARDHO

Bredene – Belgium.  Wakiilka Puntland ee Midowga yurub Mudane MA Abbas oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan.

Dr.Abbas, ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad “COVID19” oo la tacaaliddeeda aynu ku gudo jirno maskax & Muruqba.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumada Md Siciid Abdulaahi Dani & Dhamaan shaqaalaha Xafiiska Puntland State Of Somali EU. murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.”

Dr. Abbas ayaa bogaadiyey Madaxweynaha Puntland S.Abdulahi Dani, sida degdega ahayd ee uu uga qeyb qaatay gurmadka, waxaan mar kale bogadinayaa isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii intaas oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul.

Dr.Abbas ayaa faray Dhamaan Ganacsatada, hayaddaha samafalka, Qurba joog & qoljoogba iney u kacaan walaalahooda reer Qardho. Xukuumadda Puntland in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.

Wakiilka Puntland ee midowga yurub, ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday.

Wakiilka Midowga Yurub Ee Dawladda Puntland Oo Ka Hadlay Xaalada Qardho

Wakiilka Middowga yurub u fadhiya Dowlad Goboleedka Puntland, Dr. Mahamed Awad Abbas, oo baaq deg deg ah ka soo saaray fatahaadaha QARDHO

Posted by Holhol Media on Wednesday, April 29, 2020

Xiisada u dhexeysa ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee xadka oo sii xoogeysatay

$
0
0

Wararka ka imaanaya xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in markale xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya laga dareemayo deegaanada dhaca xadka labada dal.

Xiisadaan dib u soo cusboonaatay ayaa timid, kadib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ee ku sugan duleedka degmada Beled-xaawo ay Bam-Gacmeed ku tureen dhanka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi kadib ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen xadka labada dal, iyadoona saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi ay sheegeen inay ka hortagi doonaan, haddii weerar lagu soo qaado, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan duleedka Beled-Xaawo oo ku aadan eedeyntaasi.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen Beled-Xaawo ayaa xaaladda xadka waxa ay aheyd mid ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo xoogan, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamadiisa ay galeen Mandera.

 

Kenya oo xiriir dhow la leh maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu eedeeyey inay gabaad siisay wasiir amniga maamulkaasi oo haatan baxsad ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qeyb-qaadatay dagaalkii labada dhinac ku dhex-maray halkaasi.

Ciyaartooy 90,000 oo Soomaali ah afur cunto ah ugu deeqay

$
0
0
Ozil oo 90,000 oo qof oo reer Muqdisho, Somaaliya cunto Af-fur ah ugu deeqay Ciyaaryahanka Mesut Ozil, oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Turkiga ayaa ugu deeqay $101,000 hay’adda laanqeerta cas ee Turkiga, si ay 90,000 oo cunto Af-fur ah ugu qaybiyaan Soomaaliya, taas oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu gargaar cunto …

Ciyaartooy 90,000 oo Soomaali ah afur cunto ah ugu deeqay Read More »


(Sawiro) Dareenka Qofnimo Aqbali Maayo Xoolahaaga Inta Lagaa Qaado Oo Laguugu Hor IIbiyo….

$
0
0

Cidna taageeri mayso xiligan adag ee lagu jiro in la fasaxo qaadka laga joojiyay guud ahaan soomaaliya hasayeeshee degaanada Sool Sanaag iyo Cayn oo maamulka SNM-tu ay xoog ku joogaan waxaa ka jira dhibaatooyin ay kamid yihiin in lagu sii kordhiyay ka ganacsiga qaadka, waxaana arintan hormuud u ah Maamulka gobolka iyo degmadda Laascaanood ee u shaqeeya maamulka Somaliland.

Abdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo labaduba maamulka Hargeysa ugu magacaaban gudoomiyaha iyo maayarka degmada laascaanood waana xubnaha ugu baahida badan cunista qaadka maadama Cabdiqani Maxamuud Jiidhe uu xaruntiisa ku leeyahay marfish weyn oo habeenkii lagu qayilo halka Cabdicasiis xuseen uu u kiraysanyahay guri weyn oo loogu talagalay goob qaadka lagu cuno.

Arbaco May 6,2020 ayaan kula kulanay qaar kamid ah haweenka ka ganacsada qaadka laascaanood oo hor-tuban taliska qeybta booliiska gobolka sool ee magaalada laascaanood kuwaa oo xidhiidh ganacsi kala dhaxeeyay ilaalada gudoomiyaha iyo maayarka degmada laascaanood.

Maalintaasi waxaa saldhiga ku xaraysnaa gaadhi calaawi ah oo qaad ka buuxo lagana soo qabtay degmada xudun ee gobolka sool, waana qaadka ay sugayaan gabdhaha banaanka hore taagan, ee horey ula heshiiyeen ilaalada gudoomiyaha inay qaadka u keeni doonaan.

Qaar kamid ah ganacsatada qaadka ayaa loo fasaxay inay qaadka keenaan qaab qarsoodi ah si aysan bulshada u ogaan xidhiidhka ka dhaxeeya maamulka iyo ganacsada qaadka balse bulshada waxaa lagu jahwareeriyay qaadad laga soo qabto degaano fog sida qaadkii u socday ceerigaabo ee laga soo qabtay wadda u dhaxaysa xudun iyo awarbogays.

Dhawaan waxaan soo gudbin doonaa waraysi ku saabsan sababta qaad la qabtay Talaado May 5,2020 in la gubo Khamiis May 7, 2020 Sababta qaadka xudun lagu qabtay uu ilaalada gudoomiyaha iyo maayarka ay ugu dhex iibiyeen gudaha laascaanood Maxaa loogu gubi waayay degmada xudun oo laascaanood loola soo aaday

La Soco Goor Dhow Qaar kamid Ah ganacsada dumarka

Sawirada Waa gaadhigii xudun laga soo qabtay oo sadex cisho kadib garaabadii la gubayo

 

Site De Rencontre Baise Gratuit

$
0
0

Croyez moi, site de rencontres au bout de quelques jours vous allez vouloir en savoir plus sur le tarif des abonnements. Elle vous permet de faire savoir à un membre que vous lui plaisez en lui envoyant un sourire. 3. cliquer sur sa photo pour commencer à tchater avec elle. Je pourrais vous donner de nombreux conseils concernant le choix de cette photo.

  • Le service se veut fiable et discret afin de faire des rencontres sérieuses
  • Pourquoi suis-je encore célibataire
  • 1/ Inscrivez-vous et insérez le code du jour
  • Et derniére chose je suis pas un distributeur de billet
  • Fonctionnalités spéciales, telles que les fonctionnalités incorporées et de discussion
  • Et bien cela va être possible sur cette rubrique
  • Transats de piscine
  • Loger & manger

Ce qui rend cette plateforme plus intéressante, ce sont les différents avantages qu’elle met en place pour permettre à ses membres de vite atteindre leurs objectifs. Mais dans tous les cas la version gratuite de la plateforme vous permet quand même d’évaluer l’efficacité du matchmaking. Cependant cette version est largement suffisante pour vous faire une idée de la qualité des services de la plateforme. Ce que tu dis sur les hommes est tout aussi valables pour les femmes, dont la plupart, sur les sites, disent vouloir rencontrer quelqu’un en ayant des exigence complètement demeuré.

On y trouve de nombreux profils, des hommes, des femmes, des hétéros, des gays, site rencontre bref tout le monde sera servi. De football entre 2 équipes de jeunes femmes, dEssaouira et de Safi Chat et tchat avec des femmes de safi. Vous verrez en haut à droite de chaque photo un pourcentage : c’est votre taux de comptabilité avec ce membre.

Choisissez une photo de profil à votre avantage. Vous pouvez personnaliser votre profil en choisissant une bannière, n’oubliez pas de le faire ! Après avoir assouvi votre curiosité concernant les profils sélectionnés pour vous, il est temps de compléter votre profil. Au début tout est virtuel, rencontres gratuites – https://www.paparencontres.fr/rencontres-gratuites/ – mais cela pourrait devenir vite réel. Comme vous voyez, l’essai gratuit de Elite Rencontre ne vous donne pas accès à toutes les fonctionnalités. Et puis vous aurez accès au résultat détaillé du test de personnalité.

SNM OO mar kale weerar ku soo qaaday Boocame

$
0
0

Maleeshiyaadka SNM iyo reer Guuraa la socda Oo Weerar Ku Qaaday Boocame

Isgaarsiinta ayaa ka tagtay deegaanada gobalka Sool ee u dhaxeeya Soohdimaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, saacad kahor iyadoo aysan jirin faahfaahin dheeraad ah.

Maleeshiyaad katirsan SNM ayaa fiidnimadii caawa iyo shalay galab waday dhaqdhaqaaq ciidan oo ay kusoo durkayaan xagga deegaanka God-Qaboobe ee ah Fariisinka ciidanka Puntland.

Warar ayaa sheegaya in ciidan kuhubeysan gaadiidka gaashaman ee Somaliland u ruqaansadeen xagga degmada Boocame oo ah degmada kaliya ee kamaqan gacanta SNM, kana tirsan gobalka Sool.

Wafdi kasocda Puntland ayaa maanta tagay Boocame.

Masuuliyiinta labada dhinacba ee ku kala sugan Garoowe iyo Gambara wey ka gaabsadeen arrimahan soo kordhay ee la xariira maqnaanshaha Isgaarsiinta.

war murtiyeed

Maxaa ka jira Jacaylka Cali Khaliif ay u hayaan SNM

$
0
0

Reer Hargeysa, Siyaasiintooda uma sameeyaan wanaagga Cali Khaliif ka sheeganayo. Malaha ,waxanu isweyddiin ujeeddada soo dhoweynta saa’idka ahi daarran tahay; Ma jeclayl bay u qabaan Cali, mise waa ku awr-kacsi oo dan ay leeyihiin buu u fulinayaa !!
Muusa Biixi , 2 sano iyo bar buu Cali Khaliif albaabka ka furi diiday oo la hadli diiday, isaguna Hargeysa ka muusanaabayey.
Dhowaan, baa Farmaajo ku yiri Muuse; “Cali irridka ka fur si uu tolkiis kuugu gacan geliyo”.
Maxkamadaynta Faysal C. Waraabe iyo la kulanka Cali Khaliif waa wada socddaan -Harti Woqooyi in lagu soo gacan geliyo bay daarran tahay.

Gambia oo jawaab cajiib ah ka bixisay dalabkii Somaliland ee ‘Ictiraafka’

$
0
0

Dowladda Gambia ayaa si rasmi ah uga jawaabtay dalabkii Somaliland ee ku aadana inay u ictiraafto dal madax-banaan, isla markaana ay noqoto dalkii u horeeyay ee ku dhawaaqa aqoonsigaasi.

Somaliland ayaa dalabkaasi u gudbisay madaxda dalkaasi, maadama ay hore dal madax-banaan ugu aqoonsatay Taiwan oo muddooyinkii u dambeeyay uu xiriir wada-shaqeynayd kala dhaxeeyay maamulka Somaliland, sida uu qoray wargeyska The Freedom Newspaper.

The Freedom Newspaper oo soo xiganaya hadal uu dhawaan baarlamaanka ka jeediyay wasiirka arrimaha dibedda jamhuuriyada Gambia, Mamadou Tangara ayaa sheegay in dowladda Gambia ay ku gacan seyrtay dalabkaasi uga yimid Somaliland.

Wasiirka ayaa ‘sharci daro diblomaasiyadeed’ ku tilmaamay aqoonsi xiligan la siiyo Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan dowladda Soomaaliya.

Mamadou Tangara ayaa ka digay in xiligan aqoonsi la siiyo Somaliland, maadama ay tahay maamul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana uusan jirin dal si rasmi ah ugu ictiraafay dal madax-banaan.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili uu socdo olole ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Gambia oo cadaadis xoogan ku saaraya dowladda dalkaasi inay aqoonsato Somaliland.

Dowladda Gambia ayaa hore dal madax-banaan ugu aqoonsatay Taiwan, inkasta oo ictiraafkaasi ay dib u laashay sanadkii 2013-kii.

Somaliland ayaa dhowaan heshiis is-afgarad la saxiixatay Taiwan, iyada oo ay is-dhaafsadeen wakiilo labada dhinac ah, taasi oo la rumeysan yahay inay dabada ka riixayso dalabkaasi ay madaxda Somaliland u gudbiyeen jamhuuriyada Gambia.

Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saartay diyaaraddii ay DF ka celisay Hargeysa

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay diyaarad ay shalay dowladda Soomaaliya ka celisay hawada, taas oo qaad u siday magaalada Hargeysa.

Faratoon ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka ay qaaday tallaabo qaldan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabadan ay qeyb ka tahay dagaal uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula jirto Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sidoo kale wareysiga lala yeeshay ku sheegay in arrintan ay dhaawici karto heshiisyadii horey loo galay, gaar ahaan midkii Jabuuti oo uu sheegay inuu qeyb ka ahaa inay wada maamulaan hawada.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in meeshii laga filayey in la’isku soo dhowaado, islamarkaana la buuro kalsooni ay haatan uga sii dareyso xukuumadda Muqdisho.

“Waxaad moodaa in meeshii laga filyay kalsooni iyo isku soo dhawaansho lana qadariyo heshiisyadii ay horay u wada galeen ee ahaa in la wada maamulo hawada Soomaaliya ay meesha ka baxeyso,waxaana dowladda aysan ixtiraameyn wixii lagu hehsiiyay oo kalsooni keeni kara.” wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland.

Si kastabaha ha’ahaatee weli dowladda federaalka kama aysan hadlin go’aankii shalay dib loogu celiyey diyaaraddii ku socotay Hargeysa oo ku laabatay gudaha dalka Kenya.


Magacaabistii Farmaajo ee Mahdi Guuleed waa sharci-darro (Eeg qodob dastuuri)

$
0
0

Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka waxaa sharci darro noqoneysa in madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda u magacaabo sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Qodobka 103-aad ee dastuurka dalka waxa uu qeexayaa xil-gaarsiinta xukuumadda ee inta madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda bedeleysa.

Qodobkaas waxuu dhigayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada ay xilka sii heynayaan, iyaga oo shaqada dowladda sii gudanaya illaa xukuumadda lasoo dhiso ay kala wareegto.

Qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan, “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, durbadii Madaxweyne Farmaajo waxa uu sameeyey magacaabis cusub.

Madaxweynaha oo wareegtadiisa ku balan-qaaday in uu deg-deg u soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed u magacaabay sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, taas oo sida uu dhigayo dastuurku sharci darro ah.

Dastuurku waxa uu dhigayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu shaqada u sii wado si caadi ah, isaga iyo golihiisa wasiirrada, isla markaana uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweynuhu, balse ma dhicin.

Xog: Madaxii warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha oo shaqada ka tegay

$
0
0

 Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska Calinuur Salaad.

Calinuur Salaad oo la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre ayaa xilkan hayay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Calinuur Salaad ayaa qoraal faahfaahsan oo is-casilaaddiisa ku lifaaqnaa ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida xukuumadda dartiis uu shaqada ga tagay.

Is-casilaadda Calinuur ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar sheegaya in maamulka cusub ee xafiiska ra’iisul wasaaraha uu cadaadi ku hayo shaqaalaha, taasi oo cabsi gelisay shaqaalehii la shaqeyn jiray Kheyre.

Waxaa hore xilka looga qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur Maxamed Cabdi, waxaana lagu bedellay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo ka tirsanaa xafiiska madaxweynaha.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa la filayaa inay shaqada ka tagaan la taliyayaashii ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore, kadib markii shaqada laga ceyriyay xoghoyihii joogtada ee xafiiska.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso in xafiiska warfaafinta ra’iisul wasaaraha lagu biiriyo kan madaxtooyada, si looga hortago in ra’iisul wasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah.

DF Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut

$
0
0

Sii hayaha xil-ka ra’iisul waaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo telphone kula hadlay ra’iisul wasaaraha dalka Lubnan, Xasan Dayib ayaa uga tacsiyeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut.

Mahadi Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga murugsan tahay musiibada ka dhacday dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda reer Lebanon.

“Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yiri sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Lubnan ayaa gashay xaalad Musiibo ah, kadib markii qaraxyo ka dhashay ammonium nitrate ku keydsaneed Bakhaaro ku yaalla Dekedda Dalkaas labo qarax sameeyeen, sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynaha dalkaas Miishal Cown (Michel Aoun).

Xaaladda Beirut ayaa weli aad u kacsan, waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka dhaawacyada ah oo buux dhaafiyay isbitaallada waa weyn ee wadankaasi.

Turkey oo war kasoo saartay ciidanka Soomaalida ee la sheegay inay geynayso Libya

$
0
0

 Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino sheegaya inay ciidan Soomaali ah geyneyso dalka Libya si ay uga qeyb-galaan dagaalka ka dhanka ah dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.

Safiirka Turkiga ee Sooomaaliya Mehmet Yilmaz, oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu Agency, ayaa sheegay inaysan jirin in dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya weydiisatay ciidan la geeyo Libya.

Waxa uu intaas ku daray in wararka ay faafinayaan dalal cadow ku ah Turkiga.

“Baraha bulshada Soomaaliya waa kuwa aad u xooggan. Waxaan ka aragnaa dadaallo ay dalalka qaar wadaan oo ay dantooda ku fulinayaan. Waxaan u aragnaa arrintan olole qorsheysan. Wararka ma ahan kuwa run ah, waxba kama jiraan sheegashooyinkan,” ayuu yiri Mehmet Yilmaz.

Ad by Valueimpression

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u beenisay in ciidamo Soomaaliya ay qeyb ka noqonayaan dagaalka Libya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Cawad ayaa sheegay in gebi ahaanba uu jirin qorshe ay ciidamo ugu dirayaan dalka Libya, isla markaana uusan jirin wada-hadal arrintaasi la xiriira oo ay wada yeeshen dowladda Turkiga.

“Ma jiraan ciidan aan u direyno Libya, Ciidamada Soomaaliyana ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”.

Dowladda Turkiga ayaa horey Libya u geysay ciidamo Syrian calooshood u shaqeystayaal ah, oo u dagaalama dowladda dalkaas ee dagaalka kula jirta dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.

Sawiro Waftiga Kilinka 5aad ee gaadhay Saaxdheer

$
0
0

Wafti balaadhan oo ka socday dawlad deegaanka soomaalida ITOOBIYA ayaa horey u gaadhay deegaanka saaxdheer oo ka socday nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Hagar Iyo Hayaag

Magacyada Waftiga Dawlad Deegaanka.

1 Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee Dawlad Deegaanka Faysal Rashiid Cumar 
2 Wasiirka Tacliinta iyo Xirfadaha Abdilaahi Maxamed Muuse.
3 Lataliyaha Madaxwaynaha Arimaha Amniga Bedel Xiis.
4 Maareeyaha Wakaalada Joojinta Tayada Xirfadlayaasha Deegaanka Abdifatax Cali Huseen
5 Gudoomiyaha Gobolka Doolo Abdishakuur Cali saafi.
Kuxigeenka Birdhka Ciidamada Doolo iyo Qoraxay Waxaa kaloo Waftigan Kamid ahaa Masuuliyiin Kale oo aan Magacyadooda Wali isoo Gaadhin
 
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live