Dalka Soomaaliya waxa uu xoriyadiisa ka qaatay sanadkii 1960 gumaysatayaashii reer galbeedka ee Talyaaniga iyo Ingiriiska, iyadoona xiligaasi ay dalka ka hanaqaaday dowladd rasmi ah oo ay majaraha u qabtaan madax Soomaaliyeed kadib dagaalo uu dhiig badani ku daatay oo ay la galeen gumaystayaashaasi ururadii xoriyadoonka ahaa ee xiligaasi ka jiray gudaha dalka.
Dadaalo iyo guulo is bada yaal oo ay ka gaadheen ururadaasi xoriyadoonka ahi hadafkoodii ayaa waxa dalka markii ugu horeysay ka hanaqaaday dowladd Soomaaliyeed oo taladeeda ay u madax banaan yihiin umadda Soomaaliyeed, waxaana madaxdii xiligaasi joogtay ay ku caan baxeen hufnaan iyo hal adayg, iyagoona yoolkooduna uu ahaa in umadda Soomaaliyeed ay ku noolaadaan xornimo waarta xili walba helaana mustaqbal wanaagsan bulshada Soomaaliyeed ee soo kacaysa.
Intaasi kadib waxa uu wakhtigu is guro waxaa sanadkii 1969 mar qudha ka dhacay guud ahaanba dalka Soomaaliya in qilaab malateri kadib markii madaxweynihii xiligaasi talada hayey alla ha u naxariistee Dr. C/rashiid Cali Sharmaake fal toogasho ah uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisa khaaska ah magaalada Lascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana dowladdii in qilaabkaasi ka dhalatay hanaanka u qabtay alle ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo kamid ahaa hogaamiyayaashii kala duwan ee ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya.
Guulo iyo hanaan dowladdnimo oo loo bogay ayaa wax lagu xasuusto u noqotay Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxaana intii uu talada dalka hayey oo gaadhaysay muddo ilaa 22 sano ah uu ku talaabsaday horumar ku dayasho mudan, waxaase ay xaaladu faraha ka baxday kadib markii dalka laga aasaasay jabhado iyo ururo kala duwan oo kasoo hor jeeday danaha umadda Soomaaliyeed balse hogaamiyayaashoodu ay is lahaayeen waxaad tihiin kuwo ku taagan wadada saxda ah iyo qaabka ugu haboon ee looga takhalusi karo
hanaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Dagaalo, bur bur iyo colaado is dabayaal oo u dhaxeeyey dowladdii Soomaalida iyo Jabhadaasi oo garab ka helaya qabiilada Soomaalida iyo dalal kasoo hor jeeday danaha guud ee dalkeena kadib waxaa daaqada ka baxday dowladdii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa alle ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaana uu dalku galay xaalad iyo marxalad ka duwan tii uu hore ugu jiri jiray.
Deegaanada gayiga Soomaaliyeed qaarkood ayaa xiligaasi laga aasaasay maamul goboleedo si ay u gaadhaan bulshada ku dhaqan deegaanadaasi haykal dowladdnimo iyo si ay ugu noolaadaan bulshadaasi xasilooni iyo nabad waarta, waxaana maamulkii ugu horeeyey laga dhisay goboladda waqooyi ee dalka Soomaaliya sanadkii 1991 isagoona kii xigayna laga aasaasay sanadkii 1998 deeganaada waqooyi bari ee dalka Soomaaliya.
Somaliland iyo Puntland ayaa noqday maamuladdii ugu horeeyey ee laga yagleelo gudaha dalka kadib markii ay arkeen bulshada ku abtirsata deegaanadaasi marxaladu uu haatan ku sugan yahay dalku, waxaase xusid mudan in qaybo kamid ah dalka xiligaasi ay weli ka socdeen dagaal beeleedyo u dhaxeeya qabiilada wada daga Koonfurta dalka Soomaaliya halka dhinaca kalena ay soo baxeen hogaamiyayaal kooxeedyo iyo ururo wata astaamo kala duwan oo saldhig ay u tahay ku dhaqanka shareecada islaamka.
Hadaba hadii aan wax ka taataabto horumarka ay ka sameeyeen maamuladda Puntland iyo Somaliland deegaanadooda waxaa la odhan karaa waa kuwo ay ku taami karaan bulshada Soomaaliyeed maadaama madaxda deegaanadaasi ay sameeyeen horumar iyo nabad buuxda oo uu ku waaro deegaankoodu isla markaasna ay tuseen bulshada Soomaaliyeed wado sax ah oo xal waara looga gaadhi karo khilaafka iyo dagaalada hadheeyey qaybaha kale ee dalka.
Su’aasha meesha taala ayaa waxa ay tahay Yaa Difaac Laga Xidhanayaa Balse Maxaa Loo Xidhanayaa?
Waxaa laga yaabaa in dad badan oo Soomaaliyeed aysan weli fahmin u jeedka maqaalkaygan oo ah xaqiiqada xiligani ka jirta gudaha dalka Soomaliya.
Hadii aan arimahaasi wax ka iftiimiyo waxaa haatan jira dhibaatooyin ay la kulmaan xili kasta bulshada Soomaaliyeed ee kasoo hayaanta amaba kasoo barakacda dagaalada ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya si nabad iyo deeganaansho uga helaan maamuladda Puntland iyo Somaliland oo ay inta badan yihiin deegaanada ay ka arimiyaan kuwo nabadi ay ka jirto, balse dhibaatooyinka ay kala kulmaan maamuladdaasi bulshada kasoo barakacday Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah:- Xadhig, Dil, Caga-Jugleyn, Kufsi iyo dhibaatooyin kale oo aan la ogsooneyn.
Shacabka kasoo qaxa amaba kasoo barakaca Koonfurta Soomaaliya ayaa marka ay soo gaadhaan xuduudaha maamuladda Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa lagula dhaqaaqaa baadhis iyo handaad joogto ah, iyadoona ciidamada amaankuna ay weydiiyaan su’aalo ah halka ay ka yimaadeen sababaha keenay in deegaanadani ay u soo abaaraan iyo baadhis lagula kaco markasta.
Waxaad moodaa in dalka Soomaaliya uu kala yeeshay xuduudo iyo dowladdo kala duwan xiligani kuwaas oo mid kastaaba uu leeyahay astaan u gaar ah, waxaana dhibaatada ugu xoogan la kulma dadka kasoo haajiray ama kasoo barakacay dagaalada ka socda deegaanadooda kuwaas oo xiliyada qaar muta xasbi iyo kiisas aysan xaq u lahayn oo ay dhacdo in mararka qaar lagu soo oogo in ay yihiin kuwo u socday falal argagixiso iyo in u jeedkoodu uu yahay in khal khal ay ka dhex abuuraan bulshada deegaanadaasi.
Maamuladda haatan ka jira gudaha dalka Soomaaliya ayaa tira ahaan maraya amaba kor u dhaafay tobaneeyo maamul goboleedd, waxaana xusid mudan in guud ahaan dalku ka kooban yahay 18 gobol oo ay kaga dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya balse ay haatan goboladduna gaadhayaan in ka badan sodomeeyo gobol, taas oo micnaheedu ay tahay in maamulkasta iyo qabiilkasta oo Soomaaliyeed deegaankiisa uu u magacaabo gobol iyo maamul ku labisan dharka qabiilka uu kasoo jeedo.
Dhibaatada ugu xoogan ayaa noqotay in maamulkasta uu yeesho hogaamiye, xuduud iyo siyaasad ka duwan maamulka kale ee ay dariska yihiin waana sababta keentay in markasta khilaafka ugu badani uu ka dhasho dowladda Soomaaliya iyo maamuladda haatan ka jira dalka Soomaaiya oo inta badani ay yihiin kuwo loo aasaasay in beelkasta ay ku dhacsato xaqeeda iyo xuquuq ahaan waxa ay leedahay.
Isku day kasta oo ay soo bandhigaan beesha caalamku waa kuwo fashil ku dhamaada markasta waxaana dowladd kasta oo dalka ka hanaqaadaa wakhtigeedu ku dhamaadaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaana ay tahay dhibaatada ugu badani ee soo wajahdaa is garab yaaca ka jira xiligani maamuladd goboleedada Soomaaliyeed oo mid kastaaba uu leeyahay damac ka duwan kan kale oo hadii aan loo yeelin sida uu rabo arintaasi fashil ku dhamaan doonto.
Dadka waayeelka ah ee wax kasoo arkay xukunkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waa kuwo ka afkaar duwan kuwa kale ee mufakiriinta ah ee ku dhagan magaca qabiilka iyo maamul aan meel gaadhsiinayn, waxaana xiliyada qaarkood kuu sheegayaan taariikho cajiib ah oo uu soo maray dalkeeno halka kuwa kale ee mufakiriinta ahi kugu qanciyaan beel ahaan waxaasaad helaysaa maxaa kaa galay ka shaqayso meesha waa afrikee iyo hadalo kale oo wax u dhimaya maskaxda qofka wadaniga ah.
Jabhadayntii iyo halgankii la sheegayey maxaan ka faa’iidnay?
Waxaa laga yaabaa in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku naaloonayaan jabhadayntii ay soo mareen iyo qaabkii xilka looga tuuray alle ha u naxariisteen Jaalle Maxamed Siyaasad Barre balse waxa aysan ogeyn oo ay maankooda ka saareen dhibaatada xoogan ee ay u horseedeen umadda Soomaaliyeed xataa hadii uu u hirgalay hadafkii ay ku socdeen xiligaasi.
Jabhadayntii ka dhacday dalka Soomaaliya waxa ay astaan iyo xusuus aan dhamaaneyn u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed ee sidayda oo kale ah waxaana badan kayagu ku bar baarnay magac xuno ka jira dalka Soomaaliya, dowladd la’aan, qax iyo dhibaato tii ugu xooganayd ee ka jirta dalka, waxaase nasteex noo ahaa oo indhahaygu qaboosadeen markii madaxweyne iyo ra’iisal wasaare dowladd ku meel gaadh ah ay yeelatay Soomaaliya balse diiftii aan soo marnay iyo dhibaatadii aan soo aragnay ma aha mid weli ka maydhan tay guud ahaan jidhkayaga iyo maankayaga.
Qabiil, qabyaalad iyo hogaamiyayaal qurbaha ka yimi oo sheegana madaxweynayaal maamul goboleedo dan nooguma jirto, waxaa dani noogu jirtaa horumar, badhaadhe dalkayagu mar uun ka dhaca iyo dowladda rasmi ah oo aan helno si aan khayr kayaga ula tar tano.
Xaalada haatan ka jirta dalka iyo astaamaheeda….
Xuduudaha dalku waa kumayaal, khayraadka ay iska cunayaan dowladdaha kale ee la saaxiibka ah Soomaaliyna waa maalaayiin, dadka ku dhibaataysan gudaha dalka ee laysla jeedhayaana waa bilyaanaad, khiyaamada iyo u jeedka kursiga dowladdnimana waa muqadis, qabiil iyo qab weynaana waa hanka ugu sareeya Soomaaliya xiligani, saxaraha iyo dhibaatada qurbaha ka jirtaana waa raaxada aduunka, kufsi, dhac iyo boobkuna waa mid iska caadi ah, xuquuqda shakhsiyad ahaan oo lagu tun taanaa waa daacadnimo, anigu waxan kuma qancin iyo wada hadal la galimaayo dowladda waa rabitaan nooc kale ah, calooshiis u shaqayste iyo damiir xumo waa shaqada ugu saraysa Soomaaliya ee la qabto, ima matalo iyo igama socdo waa astaanta diidmada ruux kale, dhiig la daadiyo, maato la xasuuqo iyo qarax la dhigo waa jano raadis, waxaan uurka jirin oo dadka lagu soo jiitaa waa siyaasi, dowladd baa nahay iyo qaran madax banaan oo la yaqaan oo magac raadin, dhul baa iga maqan iyo maamulkaas baa xuduud iga haysta waa daan daansi, xoolaha shacabka loo dhacaana waa madax doon, aan u dabaal dagno maalintaas iyo maalintaas oo la asaasaay maamulkeena hebel waa la nala barto, mabda ‘an waa sax iyo kan waa khalad waa wadiiqo ama koox diimeed.
Allow yaab naye samahaagu nagu noolee……….Yaa rabi umaddaada u gar gaar……….
Waxaan maqaalkani qoray xili hurdadu iska kay jartay oo uu ii baxayo aadaanka salaada subax waxaana aan u kacay xiligaasi inaan shucuur ahaan aan ku muujiyo dhibaatada ka jirta dalkayga hooyo iyo in aan guto waajibaadkayga i saaran.
W/Qoray:- Wariye Abdirahman Wadani
Afkaar ahaan wixii taladaada ah iigu soo dir ciwaankan axmedyare1001@gmail.com