Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live

(Dhagayso) Qaar Kamid Ah Haweenka Soomaaliyeed Oo Kasoo Hor Jeestay Qaabkii Loo Magacaabey Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

$
0
0

Kulan aad u Balaaran  waxaa uu Maanta uu ka dhacay Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC),waxaana Kulankaas isugu yimid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo uga  hadlay qaabkii loo dhisey Xukuumada Cusub iyo sida Haweeka Soomaaliyeed Aysan Uga Helin Xukuumadaas  Qaybtii ay ku lahaayeen.

“Golahii Wasiirada ee Dowladii hore  ee Saacid  oo ka koobnayd 10 Wasiir  waxaan ka helney  Laba wasiir oo Wasaarado Muhiim ah loo dhiibey , waxaan haatan fileyney in intaas ka badan aan ka helo Golaha Wasiirada Cusub ugu yaraan 18 Wasiir   maadaama  ay yihiin 55 wasiir taasi ma dhicin” ayey Tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey oo intaas ii raacisey.

“ Haween Dadaal u galey in Xubno ka noqdaan Golaha Wasiirada ayaa Dheg jeleq loo siin Codsigooda marka waxaan ka Codsaneynaa Madaxda Sare ee Dowladda in ay  ka dhabeeyaan Balan qaadkoodii  hore ee ahaa in ay Xubno badan  ay Hogaanka Dalka ku yeelan doonaan Haweenka Soomaaliyeed.

Sahro  Axmed Maxamed oo iyana ka hadashey Kulankaas ayaa sheegtey in Haweenka Soomaaliyeed aysan Xaquuqdii  ay doonayeen ka helin Dhamaan Dowladihii Soo marey Dalka waxayna  Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha ka Codsatey in Guddiyadda Heer Qaran ee la dhisayo  ay Haweenka Soomaaliyeed  ku yeeshaan Xubno Badan maadaama lagu qadiyey Baarlamaankii la dhisey iyo Golaha wasiirada ee uu dhawaan soo Magacaabey Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa iyagu Xubno aan sida u Buurneyn ku yeeshey Baarlamaankii Federaalka lagu dhisey Magaalada Muqdisho  sidoo kale waxay Xubno aad u yar ka heleen Baarlamaankii Puntland oo ka koobnaa 66 Xildhibaan kuwaa oo ka hely 2 Xubnood oo keliya , waxayna Haweenkaas maanta Kulanka isugu yimid ay  Qoraalo Cabasho ah u gudbiyeen   Beesha Caalamka iyo Dowladaha Daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay Cabashadooda kaga Dalbanyeen  sidii Haweenka Soomaaliyeed u heli lahayeen Xaquuqda dhinaca Siyaasadda. Hadaba halkan ka dhagayso haweenka oo arimahaasi ka hadlaya.

 

Halkan Ka Dhagayso

 

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Daldoon Online

Laascaanood Soomaaliya


Xafladdii Magaalada Jidda Ee Saudiga Gabayo ,Guubaabo iyo Hanbalyooyin aad u yaab badan

$
0
0

xafladdan  oo ah  dabaal dagyada  aduunka ka  dhacaya     waana dhawr  qaybood  saacadaha inagu soosocda    ayana inta kale  idiin soo gudbin  waxaaana  kamid ah  luuqado englsih carabi iyo kuwa k alaba  oo lagu amaanay   Daawo

HALKAN KA DAAWO XAFLADDII OO DHAMAYSTIRAN

SIRTA: Kulamo ka socda Hoteelada Muqdisho, Meel marinta Golaha Wasiiradda Cusub?

$
0
0

Olole xooggan oo ka dhan ah Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay R/Wasaare C/wali Sheekh Axmed, ayaa ka socda qaar ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, ayaa Shalay gelinkii danbe billaabay Abaabul xoog leh oo ka socdo Labo ka mid ah hotelada Muqdisho, waxaana ay kasoo horjeedaan soo celinta Wasiiro hore ugu jiray Xukuumadii RW hore ee “Saacid”.

Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) oo kamid ah Xildhibaanada ku jira Abaabulka, ayaa sheegay Nabadbile Online in Qorshaha abaabulkan uu yahay sidii Codka Kalsoonida loogu diidi lahaa Maalmaha soo socda Golaha Wasiirada Cusub, markii Baarlamaanka la horkeeno.

“RW C/wali Dhegaha ayuu ka fureystay Baaqeenii ahaa in uusan ku soo dirin Xukuumadiisa Wasiiraddii Waajibkoodii ku fashilmay, oo Baarlamaankana kasoo horjeedo,marka anagana waxaan ku adkaysanaynaa Go’aankeenii hore, oo ma ansixin doono Golaha Wasiiradda Cusun” Ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Xildhibaanada, ayaa xilligan aad ugu kala qeybsan Wasiiro hore oo lasoo celiyay, waxaa la ogeyn sida uu uga gudbi karo Caqabada 1-aad ee soo wajahday Ra’iisul Wasaaraha oo ah “Kalsoonida Baarlamaanka”.

Nabadbile Online, ayaa heshay XOG sheegaysa inuu socdo Qorshe ay isku casili rabaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada la magacaabay, kadib markii Qaar ka mid ah Beelaha ay saluugeen ama u Cuntami waayay Wasiirada la siiyay, oo ay ku tilmaameen kuwo aanay u cuntami karin.

Labo Wasiir ku xigeen oo kamid ah Xukuumadda ka kooban 55-Xubnood, ayaa shalay iska casilay Jagada loo magacaabay,waxaana taasi ay Wal-wal ku sii kordhineysaa Xukuumada Cusub.

Magacaabista Golaha Wasiirada oo aheyd mid daahday, ayaa waxaa ka jiray is qab qabsi iyo Murano xoogan, oo Madaxweynaha  DFS Xasan Sheekh iyo RW C/wali u dhaxeeyay.

Xukuumadda Cusub,oo ka kooban 25 Wasiir, 25 Wasiir Ku xigeen iyo 5 Wasiiru dowliyaal, ayaa waxa ku jira Shaqsiyaad ku cusub Shaqada, oo Qibrado Siyaasadeed iyo mid Maamul toona lahayn, waxaana Shacabku isweydiinayaan Dadka Noocaas ah, miyay Soomaaliya ka saari karaan Dhibka.?

DAAWO CEEBTAN:-TV Universal Oo Khaati ka tagan yahiin masuulinta Dowlada Muqaal ceeb Ah Ka Sameyey Jawaari

$
0
0

Muqaalkan ayaa ah mid  soo jiidasho  leh waxaan uu  ka turjumaanayaa   wasiirada  cusub ee  dhawaan lamagacaabay  iyo sidoo  kale  gudoomiyaha  gobalka  banaadir  oo diiday  in laga  qaado xilkiisa  hadaba  halkan hoose ka daawo muqaalka  cajiibka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

godoomiye

Daawo -Xafladii Khatumo Oo Luuqado Badan Ay Kaga Hadleen Shacabka Khatumo Iyo Af Carabi KHatumo Lagag Hadlay

$
0
0

xafladdan oo dad kala duwani ay kasoo qayb galeen ayaa waxaa ka hadlay dhalin yaro reer  khatumo ah oo aan   afsomaliga  aad u garanayn  kadibna  kaga hadlay af carabiga iyo englishka

Daaawo  hoos

HALKAN KA DAAWO ADAA YAABIYE

 

Warbixin Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxtooyada Khaatumo Oo Lagu Beeniyay Warbixin Lagu Daabacay..

$
0
0

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka khaatumo ee taleex ayaa lagu beeniyay warar ku saabsanaa khilaaf soo kala dhex-galay madaxweyne indha-sheel iyo wasiirkiisa madaxtooyada mukhtaar ibrahim xabashi warbixintaas oo horey loogu daabacay shabakadda daldoon.com

Ugu horeyn qoraalkan ayaa lagu sheegay madaxweynaha iyo wasiirka ay ku hawlanyihiin sidii dib loogu hawl-gali lahaa loona dhaqaajin lahaa maamulka khaatumo heer gobol iyo mid dhexeba waxaa la soo bandhigi doonaa todobaadkan qorshayaasha u dejisan oo ku aadan qaabka loo qaban doono shirweynihii khaatumo iyadoo ka horna la dhisi doono maamul ku meel gaadh ah

Labadan  mas’uul oo iyagu ku sugan magaalada Taleex ayaa waxa ay kawada qayba galeen xafladii sanad guuradii 2aad ee maamulka Khaatumo oo ka dhacday magaalada Taleex.

Shalay ayey warqabadka Daldoon.com waxaa soo gaadhay warar sheegayey in ay jireen ismaan dhaaf u dhaxeeya madaxda sare ee maamulka Khaatumo, kaas oo ay sheegeen madaxda in aanu haatan jirin.

 

(Vedio) Garaad Mashqare Oo Fariin Culus U Diray Jaaliyadaha Khaatumo

$
0
0

Garaad Maxamuud Cisman mashqare oo kamid ah golaha dhaqanka khaatumo islamarkaana kamid ahaa xubnihii ka soo qeyb galay xafladii sanad guuradii khaatumo ee lagu qabtay bardo khaatumo ee taleex

garaadka ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan arimaha maamulka khaatumo wuxuuna amaanay qurba joogta degaanada khaatumo oo uu sheegay inay kaalin muuqata ka qaateen dhismaha maamulka khaatumo

Halkan ka Daawo

(Dhagayso) Barnaamij Xiisa Badan Oo Ka Hadlaya Arimaha Khaatumo Lana Magac Baxay Horumar Khaatumo & Soo Saaristii Wariye Abdirahman Wadani

$
0
0

Akhristayaasha kala duwan ee sid weyn uga xidhan Shabakadda Caalamiga ah ee Daldoon.com waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Horumarka Khaatumo oo ah barnaamij taraxane ah todobaadkastana aad ka dhagaysan doontaan Shabakadda Daldoon.com isla markaasna aad kaga bogan doontaan mawduucyo ku qotoma aasaaska, jiritaanka iyo horumarka maamul goboleedka Khaatumo tan iyo markii la aasaasay oo ku beegan 12 bishii Jan ee sanadkii 2012.

Hadaba qodobka aynu ku eegi doona barnaamijkani todobaadkan ayaa ah aasaaska maamulka Khaatumo iyo sababaha keenay hirgelinta Khaatumo State, soo saaraha barnaamijkani waa Wariye Abdirahaman Wadani. Halkan hoose ka dhagayso barnaamijkaas oo dhamaystiran.

Halkan Ka Dhagayso

 

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Daldoon Online
Laascaanood Soomaaliya


Hablaha Reer Khatumo Oo Xafladdii Sanad Guurada Wacdaro Aaan Hore Loo Arag Ka Dhigay

Jaaliyada khaatumo ee Imaaraad oo sifiican u xustay sanadguuradii labaad ee KHAATUMO

$
0
0

Jaaliyada imaaraad ka ayaa sifiican uxustay sanadguuradii labaad ee Dawlad goboleedka Khaatumo State of Somalia. Munaasabadan oo ahayd mid sifiican loo soo abaabulay ayaa jaaliyada Khaatumo State ee kudhaqan isutaga imaaraadka carabka sifiican oo heersare ah uga soo qaybgaleen. Munaasabada ayaa waxaa iyana kasoo qaybgalay jaaliyada soomaaliyeed ee kudhaqan wadanka imaaraadka. Intii munaasabadani socotay ayaa waxaan iyana kasoo qaybgalay Madaxweynaha Khaatumo State of Somalia iyo sidoo kale wasiirka madaxtooyada Khaatumo State iyagoo shacabka kubooriyay inay taageeraan maamulkooda aaminsanaadaana mabda’a dadwaynaha khaatumo iskuraacay iyo maamulkooda. Iyagoo ugudanbayntii u mahadnaqay jaaliyada.

Sawiro hordhac ah kabogo

DSC_0046 DSC_6168 DSC_6169 DSC_6171 DSC_6173 DSC_6175 DSC_6176 DSC_6182 DSC_6184 DSC_6189 DSC_6190 DSC_6191 DSC_6192 DSC_6196 DSC_6203 DSC_6205 DSC_6206 DSC_6207

Deg Deg:- (Dhagayso) Qaxootigii Ugu Badnaa Ee Kasoo Barakaca Dagaalada Koonfur Suudaan Oo Soo Gaadhay Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya & Radio Khaatumo Oo Gudaha U Gashay Xerada Kaakuma

$
0
0


Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen dad qaxooti ah oo kasoo barakacayey dagaalada ka socda dalka Koonfur Suudaan ayaa waxaa qaxootigii ugu tirada badnaa uu maanta soo gaadhay xeryada Kaakuma ee dalka Kenya iyo xuduudaha u dhaxeeya labada dal ee Koonfur Suudaan iyo Kenya, iyadoona qaxootigaasi ay kamid yihiin dad Soomaali ah oo kasoo barakacay dagaalada u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan madaxweynaha dalka Koonfur Suudaan iyo ku xigeenkiisa.

Hadaba si aan faah faahin dheeri ah uga helno arintaasi ayaa waxaanu xidhiidh la samaynay wariye C/raxmaan Saleebaan oo kamid ah wariyaasha madaxa banaan ee ka hawlgala warbahaahinta Soomaaliyeed hawlo shaqana u tagay deegaankaasi, waxaana waraysigaasina la yeeshay wariye C/raxmaan Jaamac Xaashi (C/raxmaan Wadani).

qaxooti 2

Halkan Ka Dhagayso

 

Xafiiska Wararka Ee Radio Khaatumo
Laascaanood Soomaaliya

(Sawiro) Ardayda Khaatumo Ee kampala Oo Xaflad heer-sare ah qabsaday

$
0
0

Habeenkii xalay ahaa ayey ahayd markii magaalada kambaala ee caasimada Ugandha ay kadhacday xaflad si heer sare ah loo soo agasimay.

Xafladaas ayaa waxaa kasoo qayb galay ardayda khaatumo ee magaalada kambaala ururka suxufiiyiinta khaatumo ee kambaala iyo gabi ahaanba jaaliyada khaatumo ee caasimada ugaandha ee kambaala.

Xafladaas ayaaa lagu doortay Gudooomiyaha Jaaliyada khaatumo, Waxaana Ka hadlay dad wayne aad u tiro badan.

Dhamaantoodba Ayaa waxay si wada jir ah uga hadleen baahida ugu wayn ee jaaliyada khaatumo hada haysa taas oo ah in Gudoomiyaha Jaaliyada khaatumo la doorto wada hadal kadibna ardayda iyo jaaliyada oo is kaashanaya waxay ku dhawaaqeen in Gudoomiyaha jaaliyada khaatumo ay ka dhigaan cabdirashiid axmed muuse (zaciimka)

Abdirashid aya waxa u yahay shakhsi wax badan u soo qabtay bulshada rer uganda hadana an ku kalsoonahay xilkaa loo igmaday.

1234

Hogaamiye Kun Dollar oo lacag ah siinaya Waalidiinta Wiilashooda u bixiya Magaca Maxamed

$
0
0

Hogaamiyaha Jamhuuriyada Islaamiga ee Jejniya Ramzan Kaydrov ayaa Shaaca ka qaaday in lasiin doono lacag dhan Kun Dollar Waalidiinta Jejniya u dhashay ee ubadkooda u bixiya Magaca Nabigeena Maxamed (NNKH).

Ramzan Kaydrov ayaa sheegay in lacagta abaal marin ahaan loo siinayo Qoyskii ubadkooda u bixiya Magaca Maxamed ay Bixin doonto Hay’ad ay Hooyadiis Madax katahay oo inta badan Deeqaha bixisa.

Hogaamiyahan ayaana xusay in Fikirkan ay leedahay hooyadiis ayna ugu tala gashay in ay ku abaal mariso Qoysaska ubadkooda u bixiya Magaca Maxamed iyo sidoo kale Magacyada Xaasaska Nabigeena (NNKH) .

Websetka RAI Novosti oo warkan qoray ayaa sidoo kale Baahiyay in Lacagta Kunka Dollar ah la siin doono Qoysaska ilmahooda u bixiya Magaca Xaasaska Nabiga ama magacyada caruurtiisa iyo sidoo kale 10-ka Asxaabi ee iyaga nool Janada loogu bishaareeyay.

Jamhuuriyada Islaamiga ee Jejniya ayaa qorshahan lacagta abaal marinta lagu siinayo Qoysaska islaamka ee Magacyada wanaagsan ubadkooda u bixiya waxa ay uga gonleedahay in lagu hor mariyo Diinta Islaamka dadka si aad ah loo jecleesiiyo

(Vedio)Darwiishad Isku Sharaxday Madaxwayne “Maxayse Ka Hadashay

$
0
0

Ubax Cabdi olol oo ah gabadh reer Khaatumo ah kuna nool Minneapolis, MN USA ayaa ku dhawaaqday ina tahay musharaxad u taagan jagada Madaxweynenimada maamulka Khaatumo State.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ubah Cabdi Olol xubin firfircoon ka gudida Jaaliyada Khaatumo ee gobolka MN, ahna codkarad dal iyo dadba jecel ayaa ku dhiiratey inay isu sharaxdo jagada maaxweynenimda Khaatumo state, kadib markii raga qaarkii ee xilalka sare kasoo qabtey Khaatumo ay noqdeen caadeqaateyaal dhiigii dadkooda iyo dalkooda sandareero ku bedeshay kuna hungoobay beentii loogu gacan haadiyey.

Ubax Ayaa Dhowaan La Filayaa Gaadho Magaalada Taleex Halkaasi oo Ay Siwayn Haatan Uga Socoto Qaban Qaabada Shirwaynaha Khaatumo 3.

ubax

Daawo Sawirada Aroos loo aqoonsaday in uu yahay kii ugu Qaalisnaa Dunida iyo Lacagta ku baxday ood la yaabeeso

$
0
0

Saxaafada Caalamka ayaa hadal haysa Aroos loo aqoonsaday in uu yahay kan Dunida ugu qaalisan kaa oo dhawaan ka dhacay Dalka Spian ayna dhigteen lamaane asalkooda uu kasoo jeedo Dalka Hindia.

Wiilka Aroosay ayaa la sheegay in uu adeer u ahaa Bilyaneerka ugu qanisan dalka Hindiya Lakshmi Mittal oo ka ganacsada warshadaha birta soo saara ee dalkaas ‘waxa uuna arooska Wiilka uu adeerka u yahay ku bixiyay Bilyaneerkan Qarash Dhan 80-milyan oo dollarka Mareykanka ah .

Marti Sharafta arooskan kasoo qeyb galay ayaa gaarayay ilaa 500-oo qof , waxaana arooskan ka adeegayay intii uu socday diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka oo lagu badalay gaadiidka caadiga ah.

Arooskan lacagta badan ku baxday ayaa ka dhacay Magaalada Barcelona ee Dalka Spain waxa uuna socday ilaa Sadax Maalin oo xariir ah , waxaana dadka kasoo qeyb galayaasha Arooska la dajiyay Guriga uu aroosku ka dhacayay oo loo xardhay lagana dhigay sida Hoteelada oo kale waxaana ka shaqeenayay Gurigaasi ilaa 100-qof oo Shaqaalo kala duwan ah oo marti sharafta ugu adeegayay sida Hoteelada oo kale..

 






Xuska Sanad-guuradii 2aad ee khaatumo Oo Boocame Lagu qabtay Iyo Biindhe Oo ka hadlay…

$
0
0

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad-guuradii 2aad ee dhismaha maamulka khaatumo ayaa lagu qabtay magaalada boocame ee gobolka sool.

xafladan oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada boocame iyo waliba dadweyne ka kala yimid degaano badan oo ka tirsan gobolka sool ayaa looga hadlay arimo badan oo ku saabsan khaatumo.

Xafladan oo lagu marti qaaday mudane biindhe oo kamid ahaan jiray madaxtooyadii khaatumo ka hor inta aan xilka laga xayuubin ayuu mar kale ku celiyay inaysan jirin xil laga qaaday islamarkaana uu yahay nin aamisan midnimada khaatumo shirweynaha taleexna uu ka qeyb gali doono.

xafladan oo saacado badan socotay ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hindaha iyo dhaqanka iyo waliba suugaan kala duwan, shabakadda daldoon ayaa idin soo gudbin doonta xafladaas oo dhamaystiran.

 

(Vedio) Maamulka Khaatumo Oo ka Hadlay Imaashaha Cali Waran cade Ee Laascaanood

$
0
0

Maamulka Khaatumo ayaa soo dhaweeyay odayaal la kulmay wasiirka arimaha gudaha somaliland kuwaas oo u sheegay in magaalada laascaanood ay kamid tahay degaanada khaatumo islamarkaana aysan jirin cid aamisan maamulka somaliland oo loo arko inay xoog ku joogaan caasimada mamaulka khaatumo ee laascaanood.

Wasiirka madaxtooyada oo ku hadlayay afka maamulka khaatumo ayaa hambalyo u diray odayaasha runta u sheegay horgalada iyo waliba ina waran cadde, wuxuuna sheegay in somaliland aysan sii joogi doonin magaalada laascaanood

Halkan Ka Daawo

(Dhagayso) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Loo Qaybiyey Warqadaha Waxqabadka Xukuumadda Cusub Iyo Gudoomiye Jawaari Oo Ka Hadlay Kulankii Maanta

$
0
0

Kulankan maanta xarunta gollaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagaga hadlay arimaha xukuumada Soomaaliya waxaana hoolka gollaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku sugnaa inta uu kulanku soconayey ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed oo lagu waday in uu halkaasi hadal iyo qudbad kasoo jeediyo, iyadoona hadalka iyo qubada ra’iisal wasaarahana loo dhigay maalinta bari ah xildhibaanadana loo qaybiyey warqado iyo nugulo ay ku xusan yihiin waxqabadka iyo qaabka ay u shaqayn doonto xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed uu soo dhisay.

Hadaba furtan kulankaasi kadib waxaa xildhibaanada la hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sheegay in xildhaabanada baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayaan maalinta bari ah qorshayaasha xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed. Gudoomiye Jawaari oo arimahaasi ka hadlaya halkan ka dhagayso.

 

Halkan Ka Dhagayso

 

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Daldoon Online
Muqdisho Soomaaliya

Daawo Sawiro Xusuus Mudan & Bilicda Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool

$
0
0

Akhristayaasha kala duwan ee sida weyn ugu xidhan Shabakadda Caalamiga ah ee Daldoon.com halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa sawiro ka turjumaya quruxda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana xusid in sawiradani uu qaaday wariyaha weyn ee Abdirahman Jama Hashi (Abdirahman Wadani). Hadaba halkan hoose ka daawo sawiradaas.

Halkan Ka Daawo

 

Halkan waa badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaar ahaan waxa ay kasoo horjeedaa shirkadda iibinta qalabka dhismaha ee ILeys hadaba sida aad wada arkaysaanba waxaa maraya wadada halbowlaha ee xidhiidhisa magaalada Laascaanood dad iyo gawaadhi kuwaas oo u kala gooshaya qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Laascaanood, iyadoona jawigu wuu yahay xiligani mid dagan.

 

Kasoo Horjeedka ILEYS

Dhismahan aad ka u bilicsani waa masjidu Jaamaca magaalada Laascaanood oo ku yaala qarka ama saaran laamiga magaalada isla markaasna leh sida ku cad sawirkani barxad aad u weyn oo dadka ku tukadaa ay baaburta dhigtaan xiliga salaada ay tukanayaan.

Masjidka

Akhyaarta qiimiga badaney halkan aad arkaysaan waa aga gaarka masjidu Jaamaca magaalada Laascaanood, iyadoona ay kasoo hor jeedaan dhismaha masjidu Jaamaca laba dabaq oo aad moodid in ay yihiin mataano oo mararka qaarkood ay dhacdo in ay dadku kala garan waayaan labadan dhisme oo isku lamaan awgood.

Boos VS Carfi

Asxaabta sharafta lahey halkan aad arkaysaan ee aad ka u quruxda badani waa muuqaalka guud ee magaalada Laascaanood iyo wadada halbowlaha ah ee isku xidha gudaha magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee gayiga Soomaaliyeed.

Laamiga

Bidhaantan aad ka u quruxda badani waa qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Laascaanood labadan buurood ee aad arkaysaan mid ahaantood weliba ta weyni waa qalcadii ciidamada daraawiishtu ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood oo dhisme aad u weyni halkaas ka dhisnaan jiray laakiinse waxaa ku yimi bur bur xoogan oo xataa laga helimaayo wax tixraac ah ama muuqaal guud oo ka turjumaya dhismahaasi.

Xaafada Laaska Buurta Sayidka

Akhristayaal halkan aad arkaysaan waa mid kamid ah xafiisyada Shirkadda xooga Korontada ee magaalada Laascanood oo loo yaqaano LESCO sida ka muuqata sawirkani waxaa Shirkadda Korontada ee magaalada Laascaanood ka hor taagan amaba laga hor dhisay dhisme shub ah oo ay ku dul xidhan yihiin xadhkaha qaada dabkada ama korontada.

LESCO

 

Dabaqani waa Hotel Ramadaan waana dabaqii ugu horeeyey ee laga taago amaba laga dhiso gudaha magaalada Laascaanood isagoona dabaqani ka kooban xafiisyo kala duwan oo ku yaala dhanka hoose iyo Hotel la seexdo.

Ramadaan

 

 

 

 

 

Dhismahani aad wada arkaysaan asxaabta aanu jecelnahayey waa Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom oo ah Shirkaddii ugu horeysay ee Telephone-da gacanta ah ka hirgalisay gudaha magaalada iyo deegaanada kale ee goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana xusid mudan in adeegyo badan oo dadku aad u jecel yihiin looga bartay Telesom.

TELESOM

 

Wadadani waa laamiga ama wadada halbowlaha ah ee isku xidha magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee hoostaga muuqaalka sawirkanina waa kasoo horjeedka Hotelka Caalamiga ah ee Dhiif.

Dhiif

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Daldoon Online

Laascaanood Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

 

Daawo:Fanaanada Ifraax Aragsan Oo Hees Uqaaday Khaatumo”Kii Qiiri Lahayo Kii Qarin Lahayow Qaran Weeye Khaatumo

$
0
0

Fanaanada Caanka Ee Ifraax Aragsan Oo Hees U Qaaday Maamulka Suubane Ee Khaatumo State Iyadoo Bishan Aynu Ku Jirno Maamulka Khaatumo Lba Jirsaday .

Ayaa Waxaa Iska Soo Daba Dhacaya Heesaha Ama Gabayada Dareenka Lagu La Dhay Ee Looga Qayb Qadanayo Sanad Guurada Maamulka Khaatumo

HALKAN RIIX DAAWO

 

Viewing all 2414 articles
Browse latest View live