Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live

(Dhagayso) Safiirada Ingiriiska , Maraykanka Iyo Ergayga Midawga Yurub Oo Ugu Baaqay Maamulka Somaliland In Uu Ciidankiisa Gurto

$
0
0

Safiirka dowlada Braitan ee somalia, ergayga gaarka ah ee dowlada Maraykan  qaabilsan amuuraha Somalia iyo wakiilka Midowga Reer Yurub u qaabilsan arimaha Somalia ayaa si wada jira ugu baaqay maamulka Somaliland in uu ciidamdiisa kala baxo gobolada Sool, iyo Sanaag,

Dhagayso Warbixinta Safiiradda

eu


(Vedio) Madaxweyne Indha-sheel Oo Ka Hadlay Dagaaladii U Dambeeyay Iyo Guulihii Ay Gaadheen

$
0
0
Madaxweynha khaatumo maxamed yuusuf jaamac indha-sheel ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka saaxdheer ee gobolka sool wuxuuna madaxweynaha

Continue Reading »

dagaal hor leh oo saaka ka bilaabmay saaxdheer ciidanka khaatumo oo dilay sarkaal ka tirsan….

$
0
0

wararka hada naga soo gaaraya degaanka saaxhdeer ee gobolka sool ayaa sheegaya in ciidanka milatariga khaatumo ay saaka weerar kusoo qaadeen ciidamada maleeshiyaadka somaliland oo mudooyinkii danbe halkaasi ku sugnaa

waxaana wararka intaasi ku darayaan ii ciidamada maamulka khaatumo ay dileen sarkaaal sare oo katirsan ciidamada maleeshiyaadka somaliland kassi oo lagu magacaabo cali dalmar cali xoor xoor oo isagu ahaa si wararku sheegayaan sarkaalkii ugu sareeyay ii ciidamada somaliland ee aagaaasi ku sugan

ciidamada khaatumo ayaa iyagu sheegay inay gacanta ku dhigeen laba gaari oo nooca loo yaqaano 3f oo ay saaran yihiin qoryaha nooca loo yaqaan shilkaha iyo waliba maxaabiis gaarysa 9 askari

goor dhow lasoco waraysi abaanduulaha ciidanka khaatumo

gggggggggggggg

abaanduulaha ciidanka khaatumo oo kawarbixiyay dilkii horgale cali xoorxoor faahfaahin iyo….

$
0
0

Maamulka Khaatumo oo Si Buuxda U Bayaamiyay In Uu dhintay Horgal Cali Xoor oo Saaka Jidka U Galay Wefti Khaatumo ah Oo Maraayay Deegaanka

Dharkayn Maamulka Khaatumo oo dhirbaaxo Ku Dhuftay Kooxdi horgalkaas ayaa sheegay In ay Hal Gaadhi Ka Qabsaden Horgalka isna Uu Dhintay Mid kalana Dhintay
Dhinaca Kale Maamulka Khaatumo ayaa sheegay In ay Haatan Ku Soo Jeedan Deeganada Maamulka Khaatumo ee ay Ku Sugan yihin Horgalada Caata Qaatayaasha ah Islmarkaana Tabniga Cali Xoor Lawaa fajin Doonon

Maqaal Taariikh Xanbaarsan:-Xiqdiga Ingiriis Xarun Daraawiisheed Bay Ku Cadaaday‏, Qore Faarax Jaamac Xaqdoon

$
0
0

Tan iyo maalintii wadaadkiil lagu magacaabi jiray Sayid Maxamed Cabdala Xasssan  magaalada Sheekh soo waydaartay oo imbiryaaliyada Ingiriisku doonista ku xukuntay’ isaguna cararkii uu soo galay dooxadii aabihii ku dhashay ee reer abtigii deganaa dadka dadka halkaa degan iyo dowlada Ingiriiska waxaa ka dhexeeyeyma hadhooyin iyo gardarooyin aan geed loogu soo gaban .

Taas oo dowlada Ingiriiska ku cadaadinaysay u hiilayey oo raacay wadaaadka wadanka Soomaaliyeed udhiidhiyey waagay reer Yurub boobka Afrika u soo qalab qaateen ,duulaankii ugu horeeyey ee Afbakayle amarku waxa uu ahaa in wadaadka la qabto ama la dilo ,Qolyaha Garaad Faarax u badan ee gacan siinaya wixii isdhiiba hala badbaadiyo Reer Cali Geri maahee qolyahaas waxaan u xog haynaa in ay wadaadka daacad u yihiin iyaga waa in la dabar jaraa,sidaas buu caqliga ingiriiisku ahaa guud ahaan iyo gaar ahaanba Dhulbahante,cadaawadu waxay sii waynaaatay markiii la dilay kornaylkii caanka ahaa ee Richard Corfield sanadkii 1912 .

Laga bilaabo maalintaas dowlada ingiriisku waxay ku waday dadka gobalada SSC

Cadaawad iyo dabar jar aaan kala hadh lahayn;

Taasi waa xeer gaaladu kula dhaqanto nin kasta oo ka hor yimaada .

Iyad oo aan qoraallagu soo dhamayn karin wixii dhib iyo dhalan rog ka dhashay xarbiga daraawiisheed ka dhashay ,Bal aan soo gaabino suuradaha cadaawadeed ee uu Ingiriiisku isticmaalay, maalintii wadaaku waydaartay dooxada Nugaaleed ee uu ku dhashay Ingiriisku waxa uu amar degdegah ku soo rogay gobolada SSC  iyo Laasqoray.

Waxa uu laba mandaqadood u kala dhiibay laba nin oo dadkii cadaawadaha beelahaas qabay, Carabdheer waxa loo dhiibay Nugaal ,Laasqorayna waxaaa loodhiibay Timowayne.

wax uu amray in ay wax kasta oo dhib , abaal marin ah iyo mid niyad  ah isticmaalan.

Dhulka waxa uu yidhi idinkaa ka wakiil ah’ ku wareejiya reerihiina hadaad doontaan.

waxa uu keenay hawd bari libaaxyo dadka cuna oo hilib dad lagu ababiyey.

Waxa uu magaalada ka abuurtay seerayaal ugaar ah nin garaad lahaa berigaa waxa uu ii sheegay in badhasaabka ingiriisku marka uu buurta hiliblaha ka yimaado habraha hiliblaha ee masaakiinta ah faraska qoobkiisuu la dhici jiray oo uu jiidhsiin jiray . Anagooo ciyaal ah baa intaan buurta fuulo odhan jirnay gaalooy jab gaaloy jab .waaa eray carruurta Dhulbahante iyo midhaa ta Ogaadeen odhan jireen markaay dayuurad arkaan iyaga oo cirka eegaya. Dabcan anba waa odhan jiray sanadihii aanbaadiyaha ku garaadsaay .Dareenka waxa uu ka socday dayuuradii dariiqada weerartay.

Wax uu diidi jiray in magaalada dhexdeeda uu nin Dhulbahante ah ku dhex xaragooda

.waxaa dhaacday in laba nin oo is  dherer leeg oo aad u dhaadheeer goyaal qurux badan qaateen oo galab magaalada galbeed uga baxeen. Wakiilki ingiriiska carab dheere arkay markaasuu yidhi iigu yeedha nimankaas ‘markay u yimaadeen  buu ku yidhi’ magaalda ama waaad ka baxaysaan ama waxaad qaadanaysaan dhar aan qurux badnay oo fool xun,nimankaas xuskoodu muhiim maaha ,nimanka midkood waxa uu go’aansaday in uu kawaanle noqdo ,dhulka Laascaaanood  ku xeeran beelaha Carabdheere buu ubeernaa gaar ahaan jeexa Tifafle ee meesha canjiid hada la dhaho ka hooseeeya,dulmiga carabdheere wax uu ku dhamaystirmay qisadii macruufka ahayd ee Ismaaciil Mire ku ishaaray in ilaahay carab dheere qaban karo ,Haddaanu xataa Dhulbahante awood iskaga qaban karin.

Laakiin qisadii ugu dambaysay ee nolasha dulmigii carabdheere ee aan dad badan aqoon waxay ahayd, Carabdheer wax uu cadaadis gaar ah ku hayey culamada Saalixiyada ka soo hadhay sida Ismaaciil Mire, Faarax Baqardhe, Sh Jaamac Seed iwm;

Waxaa kale oo cadaadaadis la saaaray ardaydii ay wax barayeen Masjid Jaamaca Laascaanood oo uu  aasaasay nin dhalinyaro ah oo daraawiishta ku dhashay oo isaga oo yar xaga Nayroobi isaga baxay ‘ markii uu adkaysan kari waayey duruufaha qalafsan ee meesha ka jiray oo la odhan jiray Macalin Sandheere.

Waxaa dhacday in wadaad ka soo jeeda deegaanka maanta ku faana in Somalilandta Ingiriis taageerayaasha u yihiin ee Yagoori oo la odhan jiray Aw Yaasiin  uu Carabdheere xinniyaha katiinad kaga qabtay,  Wadaadka goob fagaare ah lagu ciqaabay waaa qayliyey, Waxa uu yidhi waryaa islaamay ‘waa loo bixi waayey, Waxa uu yidhi waryaa shishooraa waa loo bixi waayey ,Waxa uu yidhi waryaa shirshooraay ‘ waa loo bixi waayey. Waxa uu yidhi waryaa Saalixiyaay waxaa hal marwada qaaatay nabarka wadaadadii masaajidka jaamaca Laascaanood ku nolaaa ulo waramo murjis waxay haysteen bay kula yaaceen, Carab dheere waxa uu amray in laga furo xanuunkii Aw Yamiin waa laga gooyey , Laakin waxaa ilaahay xanuunkiii xaqa geerida ku dhuftay Carab dheere., kaas oo Ismaaciil Mire ku ishaaray in ilaahay Carab dheere qaban karo hadaan Dhulbahante awood iskaga qaban karin..

Ilaahayna cid walba ka adagyahay   Lama  soo kooobi karo waxyaalaha ciqaabka ah ee Dhulbahante Ingiriis ugaystay , Illaa go’aankii dayuurada ilaa go’aanka hada socda.

Sidee bay dawlada Ingiriisku u arki ladahay dulmiga gobolo maxmiyad u ahan jiray iyaga oo badh kale booqanaya  wakiil uga ah beesh caalamka 18kii gobol ee Soomaaliya .sidee u arki ladahay dulmiga kadhanka ah 23 sanno SSC iyo Khaatumo
Akhristoow arinkaan maalin iyo habeen sanad iyo sanawaaad lagu madhamayn karee bal intaa ha iinoo joogto.

Qore Faarax Jaamac Xaqdoon

faarax454@hotmail.com

London-city-page

(Sawiro) Deegaanka Jidbaale Oo Ceel Biyood Laga Qoday Iyo Deegaanka Gumays Oo Mac-had iyo …

$
0
0
Ibraahim Mohamed Suudi oo kumagac dheer jantile  oo kamida qrubo joogata sool sanaag iyo cayn  Ee deegaanada khaatumo Oo dagan wadanka swedan ayaa deeq dhaqaale ah gaar siiayay machadka diinaga ah ee guumays kaas oo qabyo oo ay hore u dhiseeen hablo soomaaliyeed,iyo deegaanka,
Ibaraahim ayaa ugu baaqay dadka deegaanku iyo musliimtuba inay soo dhisaan masaajidka, malcaamada Qur aanka kariimka ah iyo machadka oo qabyo waxana uu dhaqaale  uu ku wareejiyay Axmed cawad baaruud oo wakiilka ah machadka,
Geesta kale axmed cawadbaaruud ayaa kahadlay ceelbiyood laga qaday deegaanka jidbaale kaas  siwayn oga mahadceliyeen guud ahaan dadka deegaankasi  ceelkii hore  caanka deegaankaasi ayaa dhibaato ay kala kulmeen dadka dagan jidbaale kagadaal markii uu isbadalay dhadhankii biyaha kaas dadku ay kala kulmeen dhibaato biyo la” aan
 Inkasta oo xooluhu ka cabaan hadana waxa ay ka codsadeen guud ahaan dadka ka soojeeda deegaanka jidbaale in ladhiso Ceelka,
Guud ahaan deeganadan ayaa waxa ay ka qatanyihiin gargaarka bini aadannimo ee ay bixiyaan haayaduhu taas oo keentay in lawaayo horumarka deegaanka dhabkasta hadii lakeenana ay noqdaan ku siyasadaysan oo u laguladho maamul iyo rabitaan shaqsiyadeed   Dadka qurbo joogta ah ee reer khaatumo ayaa ah dad doonaya sidii horumar balaadhan loogaarsiinlahaa deegaanada ay ka soojeedaan taas oo daliil u ah horumarada garoomada ceelasha waxbarashada wadooyinka taageerada siyaasadeed iyo dhaqaale.
Sawirda Iyo Warbixinta Cabdikariim Olol
Deegaanka Jiddbaale
DSC_0536DSC_0537DSC_0538DSC_0540DSC_0541DSC_0542DSC_0543DSC_0544DSC_0545DSC_0546DSC_0547DSC_0548DSC_0553DSC_0554DSC_0556DSC_0560DSC_0561DSC_0562DSC_0563DSC_0569

(Vedio) Cali Gurey Oo Daboolka Ka Qaaday Arimo Badan Silaanyana Ku Eedeeyay….

$
0
0

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga ucid Cali Gurey ayaa wuxuu daboolka ka qaaday arimo badan oo qaroon, Sidoo kalana wuxuu ka u quusgooyey in siilaanyo mar kale la doorto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu ka sheekeeyay Haweenka iyo Caruurta kasoo Jeeda Beesha siilaanyo ee Kursiga ku dul maamulaysa, wuxuuna sheegay inaan marnaba la aqbali doonin 5 Sano oo qasaaro ah.

Wuxuu sidoo kale Hanjabaad hawada umariyey Beesha Siilaanyo, Wuxuuna sheegay in arimaha ay haatan wadaan ay tahay qabyaalad iyo Qoysnimo.

CALI

Sawiro Naxdin leh: Daawo Arxan darada Al-Qaacidada Ciraaq, Fadlan Hadaawan hadii aad Calool…..

$
0
0

Kooxda Al-Qaacida ee ka dagaalanta Dalka Ciraaq oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan ISIS ayaa leesay maxaabiis ay ku qabteen dagaalo ka dhacay Magaalooyin iyo deegaano ay dhawaan kala wareegeen Ciidamada Dowlada Ciraaq.

Sawiro ay kusoo bandhigeen baraha kooxdan ku leedahay Internetka ayaa muujineysa dad ay gacanta ku dhigeen oo la xir xiray kadibna la tooganayo kuwaa oo la sheegay in qaarkood ay katirsaaayeen Ciidamada Dowlada Ciraaq iyo Maleeshiyaad Shiico ah.

Dhinacyada ku dagaalamaya Dalka Ciraaq ayaa wada in ay is gumaadaan , waxaana dagaalka hada socda oo u dhaxeeyaa Kooxo Suniyiin mayal adag iyo Ciidamada Dowlada Ciraaq oo u badan Shiiciyo iyo maleeshiyaad iyana Shiico ah oo gacan siinaya Ciidamada Ciraaq.

Kooxaha Islaamiyiinta oo awood badan lasoo baxay ayaa dib u qabsaday Magaalooyin iyo deegaano ay horey gacanta ugu hayeen Ciidamada Dowlada , waxaana wali socda dagaalo culus oo u dhaxeeya Islaamiyiinta iyo Ciidamada Dowlada.












(Xog) Akhriso Magacyada Dadkii Ay Maleeshiyaadka Somaliland Ku Xasuuqeen Xingalool

$
0
0

25 sano ka hor magaalada Xingalool, waxay  ahayd magaalo dad shacab ahi ay  ku noolaayeen, oo haba ya raatee wax shaqo ah aan  ku lahayn ciidan iyo dagaal.  Waxa maalin maalmaha ka mid ah, sanadkii 1989  gaadmo ku soo galay magaalada   Jabahaddii  SNM oo tijaabinaysay hub ay ka soo jabsadeen xeraddii qaybta  26aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku taalay  magaalada Hargaysa.

Maalintaas Jabhadda SNM, waxay ku dileen magaalada Xingalool   Allah ha u naxariistee  dad aan hubaysnayn oo isugu jira  rag iyo Dumar, sababta qura oo loo doortay Xingalool loona dilay dadakan aan waxaba galabsan ayaa    waxay ahayd beeshii ay ka soo jeeden.

Bulshadii la xasuuqay oo aan hubaysnayn, waxa ka mid ahaa Allah ha u naxariistee   Marxuum Ismaaciil  Diiriye Xasan Bile, oo ahaa nin Curyaana oo horay  gaari u jiiray , kabayna saarnaa  waxa la toogtay isaga oo fadhiy.

Allah u naxariistee Axmed Jamac Calishire, wuxuu ahaa marxuumka qura oo magaalada aan  lagu dilin. Marxuumku wuxuu u sii  socday  qoyskiisii  oo reer baadiye ahaa  oo uga  soo dhaamiyey magaalada  .

Jabhadda SNM oo bulshadda Isaaq ku midaysnaayeen ayaa marxuumka kula kulmay waqtigaas  meel lagu magcaabo Xin-Dhicirre, waa dileen marxuumka markii ay ogaaden beesha uu ka soo jeedo , Awrkii dhaanka ahaa oo marxuumku watay   waa qasheen SNM,  biyihii caruurta loo wadayna horay ayeey u sii qaateen.

Hoos ka akhriso magacyada qaar ka mid ah dadkii Isir nacaybka loogu xasuuqay magaalada

1- Marxuum Xaaji Maxamuud Faarax Weyne
2- Marxuum Xaaji Cali Xaaji Warsame Cirroowe
3- Marxuum Xaaji Caalin Warsame Cirroowe
4- Marxuum Cabdullhi Xaji Cabdi (Gadhweeso).
5- Marxuum Maxamed Warsame Qaloombi
6- Marxuum Ismaaciil  Diiriye Xasan Bile
7- Marxuum Faysal Siciid Cali Waraabe
8  MarxuumSuufi Axmed Cali Dalab
9- Marxuum Marxuum Yusuf Jamac Koor.
10- Marxuum  Maxamed Xasan Xaballaq.
11-Marxuum  Axmed Jamac Calishire
12  Marxuum  Axmed Maxamud Xasan Cabdi
Dumarka Jbhadda SNM TOOGTEEN OO QAARKOOD UUR LAHAAYEEN WAXA KA MID AHAA
1-  Marxuumad Basra Maxamed Askar
2- Marxuumad Xaliimo Muuse Cali
3- Marxuumad Sahra Xasan Ducaale Weynrax
4- Marxuumad Shariifa
 5-  Marxuumad  Raaxo daahir dariiqo.

(Vedio) Muwaadinad Reer khaatumo oo Madaxwayne XASAN waydiisay Su’aalo Ku Saabsan Dagaalka Khaatumo & Somaliland

$
0
0

Madaxwaynaha soomaliya ayaa xalay marti ku ahaa Barnaamijka dood wadaag waxaana kasoo qayb galay Bulshada qaybaheeda kala duwan, Siyaasiyiin &  Madaxda kale ee dawlada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muwaadinad kasoo Jeeda Gobolada SSC ee maamulka khaatumo ayaa madaxwayne Xasan sheekh waxay hor dhigtay Su’aalo muhiim ah, kuwaasi oo quseeya dagaalada ka socda deeganada Khaatumo, Qaybo kamid Koonfurta Soomaliya iyo waxyaabaha haatan dawlaada uga qorshaysan, Sidoo kalana waxay waydiisisay Su’aal ku aadanayn in Madaxda dawlada ay Fashilmeen ?

muwaadinad1

Ergeeyinkii Taleex Ka Yimi Oo Qaarkood Shir Isugu Imaanaya Galabta Buuhoodle

$
0
0

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegayaan in qaybo ka mid ah ergooyinkii ku sugnaa Taleex oo haatan soo gaadhay magaalada Buuhoodle , kuwaas oo isugu jira Madax dhaqameed , Cuqaal iyo Siyaasiyiin uu galabta magalada Buuhoodle Shir uga furmayo.

Shirkan ayaa lagu soo waramayaa in lagaga arrinsanayo sidii looga wadaha tashan lahaa arrimaha ka soo kordhay taleex, Saaxdheer iyo Dharkangeenyo, iyada oo lagu gorfeyn doono guud ahaan mandaqada Deegaanka Sool, sanaag Iyo Cay, kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan madax dhaqameedka gobolka Cayn.

Faah-faahin kala soco www.daldoon.com

Dhagayso indho sheel dagaalku degaanada khaatumo wuu bilaabay ilaa laascaanood aan ka gaarayno

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) oo maanta shir Saxaafadeed ku qabtay qaybaha warbaahinta isagoo kusugan Deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa ka hadlay dagaal shalay ka dhacday deegaanka dharkayn ee gobolka Sool katirsan.

Md Indhasheel wuxuu sheegay in Ciidamo taabacsan maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadeen ciidamo u dacaad ah maamulka Khaatumo taasoo dhalisay dagaal uu ku dhintay taliyihii ciidamada Somaliland ee deegaanka Dharkayn.

Isagoo ka hadlayey arimahaasi ayuu sheegay in cid walba oo Somaliland soo horkacda ay la dagaalamayaan cidna loo raacan doonin,  Wuxuu sidoo kale sheegay Cida Somaliland u shaqaynaysa Cida ay disho in loo qabsan doono Maamulka Isaaq,  Wuxuu sidoo kale Xusay Maleeshiyaadkii soo horkacay Somaliland ee lagu diley deegaanka Saaxdheer taasi oo aan cidna loo raacan.

HALKAN KA DHEGAYSO AMA KA DAAWO HADALKA INDHOSHEEL

Wuxuu sheegay in magac xumada haysta deegaanka Khaatumo iyo Sababta Cadowgu uu ujoogana ay tahay horgalayaasha oo sheegay in haatan dagaal lala geli doono, Wuxuuna ugu danbayn Fariin udiray Bulshada reer khaatumo, isagoona ka digey qorshe kasta oo cadowgu uu ka faa’iidaysan karo lagula kala dhantaalayo Midnimada iyo Karaamada Reer Khaatumo.

INDHOSHEL

(Vedio) Siyaasiyiinta Isaaq Oo Ku Midoobay Dagaal ka Dhan Ah Khaatumo

$
0
0

Iyadoo ay dhmaan hogaamiyaasha SNM-ta ee ku sugan Hargeysa ay iclaamiyeen dagaal guud oo ay u wada dhan yihiin in ay ku qaadaan beesha Khaatumo iyadoo ay dhamaan isku raaceen in ay ka wada qeyb qaataan dagaalkaas shacan dowlada rag iyo dumarba.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadaba nala daawo  ogeyga ugu magacaaban in u gudoomiye u yahay aqalka odayaasha ama waxa ay snmta ugu yeedho Guurtida Saleebaan Gaal,  hadaladii uu ka yidhi duulaanka ay doonayaan in ku soo qaadaan beesha dhulbahante “Isagoona sheegay inay dad iyo duunyaba u hurayaan sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanada Khaatumo”

saleeban gaal

Soonka oo ka hortaga Xanuunada Macaanka iyo Subagawga.

$
0
0

imagesCilmabaadhayaashan waxay ogaadeen in Soonka yareeyo xaddiga Subaga ee Jidhka Bini aadamka, kana hortago in Qofku qaado Macaan.

soonka aya daawo ka ah, kana hortaga xanuunada macaanka iyo subgowga sida lagu iftiimiyay cilmi Baadhista cusub oo ay soo saareen Khuburu u dhalatay dalka Maraykanka,

Cilmabaadhayaashan waxay ogaadeen in Soonka yareeyo xaddiga Subaga ee Jidhka Bini aadamka, kana hortago in Qofku qaado Macaan.

Daraasadan oo Khuburadan ku tijaabiyeen dad badan waxay ku sheegeen in Soonka Burburiyo unugyada duxda ee sababi lahaa macaanka iyo Subagawga ama in qofku khatar u galo xanuunada baruurtu sababto,

Mac-hatka la yidhaahdo intermountain Heart institute oo ku yaala magaalada Salt Lake ee Gobalka Utah ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegay in hadii qofku Soomo uu Jidhkiisu bilaabo inuu qaato tamarta cunada uu ka helay, Una badalo faaiido, kana saaro meesha duxdii fadhiisan lahayd,

Dr, Benjamin Honre oo hogaaminayay Cilmi-baadhistan kana madax ah qaybta wadna-xanuunka ee Xarunta Caafimaad ee la yidhaahdo intermountain Medical Centre Heart institute ayaa sheegay soonka muhiimada badan u leeyahay in qofku ka hortago inuu qaado Cudurka macaanka,

inkasta aanu Daraasad ahaan baadhnay faaiidada caafimaad ee Soonka Sanado badan, maanan ogayn in Soonku Cudurada macaanku ka midka yahay ka hortago ayuu yidhi Dr. Benjamin,

Cilmi Baadhis hore oo Dr. Honre iyo Kooxdiisu ku eegeen dad maalin Soomanaa ayaa ay ku ogaadeen in soonku Hoos u Dhigo Xaddiga Sonkorta (Glucose) ah ee jidhka iyo in miisaanka qofku kor u kaco oo uu ku sababo inuu Wadno xanuun qaado.

 

(Sawiro) Punland oo Sheegtay Inay Dagaal La Gali Doonto Somaliland

$
0
0

Wararka ay faafinayaan warbaahinta iyo baraha laga taageero maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamada maamulka Puntland ee ka taliya gobolada(Mudug, Nugaal, Iyo Bari) waxayna wararku intaasi ku darayaan in ciidamo ku wata gaadiid tikniko ahi isugu yimaadeen magaalada Tukaraq, iyaga oo halkaasi laysugu keenay.

Dhinaca kale maamulka Lamagac baxay Somaliland ee ka taliya Gobolada (Togdheer, Waqooyi Galbeed) ee beesha Isaaq u badan ayaa waxa ay ciidamo ku soo xoojiyeen kuwii hore u joogay magaalada Taleex, iyaga oo shalayna odayaadha horjoogaha u ah beesha Isaaq isku raaceen weerar lagu ekeeyo deegaanka beesha Dhulbahante.

Maamul goboleedka Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa in aani ilaa  iyo hadda wax hadalka ahi ka soo saarin dhaqdhaqaaqyada labada maamul ee belaha Isaaq iyo Majeerteen hoos yimaada.

Xog-ogaalka deegaanka ee isha ku haya xaalladda ayaa waxa ay ku macneeyeen dhaqdhaqaaqyadan arrimo had iyo jeer laba maamul ka dhexeeya kaas oo ah colaada ay u hayaan maamul goboleedka Khaatumo, oo ay u arkaan haddii uu si dhamaystiran u hana qaado in labada maamulba ay ku ururayaan Isaaq iyo Majeerteen, waxaanay sheegeen xeel dheerayaashu in labada maamul ay si caadiya isagu wareejiyaan deeganada marka ay goobta ka maqan yihiin maamulka Khaatumo , sidii ka dhacday Tukaraq ee ay isugu wareejiyeen, haatana ay wadaan qorshihii ay isugu wareejin lahaayeen magaalada Taleex.

151514161317122211018301130


(Vedio) Xiisad Dagaal Hada ka Tagaan TALEEX & Carooley ”Dagaalkii Isaaq ku Baaqay & Dhaqdhaqaaq Ciidan+Xaalad Kacsan

$
0
0

Xili Dhowaan Ay Ku Duleen Caasimada Khaatumo Ee Taleex Maleyshiyaadka Maamulka Beesha Isaaq Ayaa Waxaa Deegaanada khaaatumo Guud Ahaan looga Diyaar Garoobay Dagaalkii Lagu Xoreyn lahaa Deegaanada Faraha ku Tiskaa Ee Ay Maleyshiyadaas ka Soo duushay Hargeysa Iyo Burco Kaga Sugan Tahay Deegaanada khaatumo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shaafici Aw-jaamac oo ka Mida Juhaahidiinta ku Sugan Jiidaha Taleex Iyo Carooley oo Shabakada Godaalonews.com Khadka Taleefoonka Ugu Waramay Ayaa Sheegay Inay xiligan Diyaar u Yihiin Sidii Ay Dagaal Ula Gali lahaayen Maleyshiyaadka Somaliland.

Dhanka Kale Shaafici Ayaa Ka Hadlay Kooxo Koofiyad Baclayaal Ah oo Dhowaan Duleedka TALEEX Ugu Hilba Qalay Maleyshiyadan Cagaha Ee ka Timid Hargeysa Iyo Burco Wuxuuna Sheegay Inaysan Aheyn Dad Deegaankaa oo la Hubo Balse Ay Yihiin kooxo Ay iyagu Markii horeba Hargeysa Kala yimaadeen.

10414919_1515167972039534_6178051434137092688_n

barnaamij laga diyaariyay shirwaynihii khaatumo xaaladaha taleex saaxhdeer iyo caroolay

$
0
0

waa barnaamij gaar ah oo diirada lagu saarayo xaalda degaanada khaatumo gaar ahaan shirweynihii khaatumo 3 iyo xaaaldaha kasoo susboonaaday degaanda taleex caroolay iyo saaxdheer

imaanshihii maleeshiyaadka snm ee degmada taleex iyo  waliba xaaldihii udanbeeyey ee degaanada khaatumo

halkan ka daawo vedeo

 

Dr: Cali Ciise Cabdi oo kulamo Ku qaatay madaxda dawlada xaalda taleex iyo saaxdheer

$
0
0

Shir ay isku yimaadeen qaybaha kala duwan ee Bulshadda Khaatumo ee ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Hotel Mubarik ee Muqdisho waxanaa kulankan uu ahaa mid xog waraysi ah oo ay kaga xog waramayeen xaaladda uu marayo Khaatumo masuuliyiin dhawaan ka yimi deegaanadii waxaana ka mid ahaa Gudoomiyaha Golaha fulinta ee G11 Dr Cali Ciise Abdi, Wasiirka Amniga Khaatumo Maxamed Ducaale Abdi iyo hawl wadeen Xuseen Xaashi.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qaban qaabadda shirka Khaatumo3 uuna dhacayo maalmahan soo socda isla markaasna loo wareejiyey  dhinac Magaaladda Saaxdheer Ergadda ugu danbaysana ay caawo ku hoyanayso magaaladda Saaxdheer.

Waxana kale oo ay sheegeen in abaabul xooga uu ka soconayo hawd iyo Nugaalba deegaanadda Khaatumo isla markasna maanta la wada gudoonsaday in lala dagaalamo Jabhadda SNM waxana ay sheegeen Madaxdani in ay Muqdisho u yimaadeen hawlo shaqo oon intooda badani ay gabo gabo yihiin isla markaasna labadii cisho ee la soo dhaafay ay la kulmeen madax kala duwan oo Muqdisho ku sugan kuwaas oo ay ugu horeeyaan Beesha Caalamka, Amison iyo Dawladda dhexe ayna isla afmeen hawlihii ay ugu yimaadeen halkan si dhakhso ahna ay u laaban doonaan.

Bulshadda Khaatumo ee ku dhaqan Muqdisho ayaa ugu mahadceliyey Mas’uuliyiinta hawsha adag ee ay labadan cisho ku qabteen waxana ay Bulshadda Khaatumo ee muqdisho taageertay go’aanka ah in la laayo daba dhilifyadda la socda Maamulada Cadowga ee u dhashay beesha Dhulbahnate sidoo kalena waxa ay sheegeen in ay gacan libaax ka gaysan doonaan hawlaha khaatumo maaadaama ay ganacsi fara badan ku lee yihiin Muqdisho.

Ugu danbayntiina shirkan maanta ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan iyo guul waxana loo balamay in laga wada qayb qaato xaaladda dagaal ee dalku galay ee ah safaynta iyo xoraynta khaatumo.

dr cali

 

DAAWO VIDEO:Hooyada Dhashay Willkii Yara 11 Dabaq kasoo Dhacay Oo Waysi Siisay TV Soomalida Ilahayna Ugu xamdi Naqaysa

$
0
0

Wiilkii yaraa ee mucjisada ahaa ee uu ilaahay ka badbaadiyey ka dib markii uu ka soo dhacay sar 11 dabaq ama biyaano ah oo ku taala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxaa loo soo bandhigay warbaahinta dalka Mareykanka iyadoona ay sidoo kae hooyadii dhashay wiilkaas yar ay markii ugu horeyssay ay ka hadashay sia ay wax u dhaceen. Wiilkaan yar ee Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Musa Dayib oo hal sano jir ah oo ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu dhawaantaan gaar ahaana bartamihii bishii hore ee sanadkaan uu ka soo dhacay gurigiisa oo ku yaala dabaqa 11 aad. Wiilkaan oo uu ilaahay ka badbaadiyey dhibaatadaas baaxada weyn leh ayaa markii ugu horeysay waxaa loo soo bandhigay warbaahinta dalka Mareykanka iyadoona hooyada dhashay wiilkaas oo lagu magacaabo Hooyo Faadumo ay markii ugu horeysay ay ka sheekeysay sida uu ilaahay u badbaadiyey wiilkeeda iyo dareenkeeda ku aadanaa marka ay maqashay inuu wiilkeeda uu ka soo dhacay dabaqa 11 aad, Hooyadaan ayaa sheegtay inay si aad iyo aad ah ay uga naxday marka ay maqashay waxa ku dhacay wiilkeeda laakiinse ay hada tahay qof faraxsan maadaama uu ilaahay badbaadiyey wiilkeeda. Halkani

Riix Video Daawo
Muqaal

(Vedio) Madaxwayne Indhosheel oo ka Hadlay xiisadaha dagaal ee Khatumo & Soomaaliland, Una Jawaabay Puntland

$
0
0

Waxaa magaalada Saaxdheer ee Gobolka sool Shirku qabtay madaxwaynaha maamulka khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) wuxuuna ugad halay arimo dhowr ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horayn wuxuu ka hadlay Dagaaladii dhowaan ka dhacay deegaanka, Xiisadaha haatan taagan haatan, Qorshaha maamulka khaatumo  Iyo Sida laysaga Caabinayo Maleeshiyada Maamulka Hargeisa loogana saarayo dhamaan deeganada Khaatumo.

Madaxwayne Indhosheel ayaa sidoo kale waxaa wax laga waydiiyey Hadal dhowaan kasoo yeedhay Maamulka Garoowe, Iyo In wax xidhiidh ah uu kala dhexeeyo maamulkaasi ?

madaxwayne indhosheel

Viewing all 2414 articles
Browse latest View live