Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all 2414 articles
Browse latest View live

(Vedio) Waa taageersanahay Tolka ee halkaa ha laga wado ………

$
0
0

Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha beesha Garxejis ee Isaaq ayaa  taageeray dagaalka lagu qaadayo degaanadda khaatumo isaga oo sheegay inuu ku faraxsa yahay hadalada ka soo yeedhaya hor-galada 

Halkan Ka Daawo

sigaar


Daawo: Maamulkii Soomaliland “Ethopia Xuduudkii way xidhatay, Dagaalo wax ku dhismi mayno, Dr: Galaydh aan lahadalno

$
0
0

 Gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta mamaulka Somaliland Xasan Guure oo shir ku qabtay magaalada Hargeisa ayaa shaaca ka dhigay Dawlada Ethopia ay Xuduudkii ka xidhatay maamulka somaliland.

HALKAN KA  DAAWO VIDEO

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Cadaaadiska xoogan ee Beesha caalamka uga yimid maamulkaasi, Wuxuuna sheegay In Siilaanyo ay ka muuqato Saboolnimo Siyaasadeed.

Geeskta kale wuxuuu ka hadlay duulaanka Maleeshiyada maamulka somaliland ku qaadeen deeganada Khaatumo, Wuxuuna sheegay inay arintaasi khalad ahayd iyo dagaalka halkaasi uu ka bilaabay siilaanyo.

Xasan Guure ayaa sheegay in Loo baahnaa in lala hadlo Dr: Cali Khaliif iyo Madaxada khaatumo, Wuxuuna Siilanayo u sheegay in maamulka Somaliland ka dhashay Xabad, laakiin aan ku dhismayn Xabad iyo duulaan.

Sikastaba Eedaymaha ay hawada Iskumariyeen Siyaasiyiinta maamulka Hargeisa ayaa maalmahani iska soo daba dhacaysay.

DAAWO HARGEISA

Daawo: Wiil uu adeer u yahay RW Saacid Oo Ku biiray Al-QAACIDA, Una Hanjabaya Madaxwayne Obama Iyo Wadamo kale !

$
0
0

wiil uu adeer u yahay Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa  ku biiray Al-Qacidada ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wiilkaan oo magaciisa la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon oo muddo ku noolaa magaalada Caglari ee dalka Canada uu hadda ka mid yahay dhalinyarada u dagaalanta kooxda ISIS la yiraahdo oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria oo la aaminsan
yahay inuu ku biiray muddo haatan bilooyin laga joogo.

Faarax Max’ed Shirdoon ayaa dhawaan kasoo muuqday muuqaal ay kooxda ISIS soo bandhigeen asagoo dhahaya “Waxaan halkaan u imid inaan idin bur burino Iddin Alle” Sidoo kalana wuxuu Hanjabaad udiray Obama.

Sidoo kale Faarax ayaa  gubaya baasaboorkii uu watay ee Canada markii uu Syria tagay sida la aaminsan yahay bilowgii sanadkaan.

Faarax hooyadiis iyo walaashii oo degen magaalada Caglary ee dalka Canada oo ah qoys diimeed ayaa sheegay inay jah wareer iyo wal wal aan yareyn ka qaadeen markii ay maqleen in Faarax uu ka dagaalamayo dalalka Syria iyo Ciraaq.

Xubno ka tirsan sirdoonka dalka Canada ayaa laga soo xigtay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkaan la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon ee uu adeerka u yahay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

SHIRDON

DAAWO:Gabar Weydisey SHEEKH SHIBILI” waxay dadka badankoodu ka xishoodaan iyo arimo diinta kusaabsan”(video)

$
0
0

Kulanka Shibili waa  Kulan aad u Muhim  Ah Oo Su’alaha lagu weydiiyo Sheekh Shibili iska Markaasina dadka Soomaliyeed ee musliminta Ku Weydiyaan waxa Diini ahaan Ay ka qabaan dad Weynaha Soomalaiyeed ee islamka Ah. hadaba Gabadhani Soomalaiyeed ayaa Weydisey inay Dhorw Jeer Ku dhacday Sino isla markaasina waxay cadeysay Sicad  Inay Dhorw Jeer Ku Dhacday isla markaasina Ninka Guur sanaya Ay Donayso Inay U Sheegto Sinadaasi Ku dhacday. waxa Sidoo kale jawan waafi ka Bixiyey Sheekh  Shibili waxana Uu Su’asha Uga jawabey”Inuu rasuulka (SCW) Yiri ilahay qofkasta danbigiisa waa cafiya qofkii isaga Meelaha bananka Soo dhiga sanadiisa mahane

. halkani Riix Video daawo
Daawoyaba

Jaaliyadda Khaatumo State ee Filand oo hadal ka soo saaray Duulanada Somaliland.

$
0
0

Anagoo ah Jaaliyada Khaatumo State of Somalia ee wadanka Finland waxaanu si buuxda u cambaaraynaynaa weerarkii dagaal ee garadarada iyo qabyaalada ku dhisnaa ee maamulka Somalidiidku ku qaadeen magaalada Taleex ee sida nabadgalyada ah uu shir uga socday maamulka Khaatumo.

Waxaanu shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah ee midnimada Soomaaliyeed jecel, caalamka iyo inta khusaysaba u sheegaynaa in dhulka Sool Sanaag iyo Cayn (SSC) ee maamulka Khaatumo in Somalidiidka ee la baxay Somaliland aysan lahayn shaqana ku lahayn.

Waxaanu horgalada u dhashay SSC ee horkacaya Somalidiidka u sheegaynaa in aysan meel xun ku dhiman ee ay iskaga soo baxaan Somalidiidka una soo wareegaan Midnimo Soomaali doonka Khaatumo State of Somalia. Waxaa ayaan daro ah in aad cibro qaadan waydaan horgaladii ku dhintay iyagoo u dagaalamaya Somalidiidka oo ehelkoodii ku farxeen meeshii ay ka nixi lahaayeen.

Qodobkayaga u dambeeya waxaanu shacabka SSC ee Khaatumo State of Somalia la socodsiinaynaa in HALGANKU bilaw yahay GUUSHUNa dambayso. Ha la samro oo ha loo adkaysto dhibka halganku leeyahay ha loo dulqaato.

VOA Daawo: DF oo La wareegtay Hawada Somaliya iyo somaliland oo caalamkii iska soo xiray

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo muddo ku dhow 25-sanno.

Wasiirka gaadidka iyo hawada sare ee xukuumadda Soomaaliya Saciid Qorsheel oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya lagu maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ay awood u lee yihiin in maamuli karaan maamulka hawada.

WARAYSI XIISO BADAN  WASIIRKA ARIMO BADAN DAAHA KA ROGAY

Mar la weydiiyay wasiirka in ay hayaan shaqaalo diyaar u ah in ay qabtaan howsha maamulka hawada Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in ay hayaan shaqaale badan isla markaana ay joogaan shaqaalihii hore ee ka shaqeen jiray hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale idaacada VOA ayaa waydiisay Su’aalo la xidhiidha maamulada ka jira soomaliya ee diyaaraduhu tagaan inay maamuli doonaan, Wuxuuna sheegay in guud ahaanba soomaliya ay dawlada maamulayso.

Wasiir Qoorsheel ayaa sidooo kale sheegay inaysan jirin wax layidhaahdo somaliland oo ka madaxbanaan soomaliya wuxuuna sheegay in dalka soomaliya uu yahay mid keli ah.

DAWLADA SOMALI

Sidee U Qornay Warqadii Maamulka Somaland Kaga Cabaadisay:-UK, US and EU envoys call for withdrawal of forces from disputed areas

$
0
0

United Kingdom Ambassador to Somalia Neil Wigan, United States Representative for Somalia James P. McAnulty, and European Union Special Envoy to Somalia Ambassador Michele Cervoned’Urso express profound concern about the deployment of armed forces within disputed areas between Somaliland and Puntland.

Iyadoo Dhamaystiran halkan Ka Akhri

inguriis

Malayshiyada Somaliland Oo Gaadhay Kalabaydh , Weerarna Ku Ah saaxdheer.

$
0
0

wararka naga soo gaadhaya ilo kalsoonyaha oo ku sugan deegaanka Kalabaydh ayaa waxa y sheegayaan in ay halkaasi gaadheen Malashiyo ku hubaysan tikniko gaadhaysa 40 oo gaadhay deegaanka Kalabaydh ee koonfurta magaalada laascaanood una jirta 30 km.

Wararku waxy intaasi ku daryaan in malayshiyadan Somaliland ay ku sii jeedaan deegaanka Saaxdheer halkaas oo lagu wado in ay shir isugu yimaadaan Maamul Goboleedka Khaatumo iyo ergooyin tira badan.

muddo haantan laga joogo 10 maalmood ayaa waxa uu deegaankaasi saaxdheer dagaal ku dhex maray malayshiyada Somaliland iyo Ciidamada maamulka Khaatumo iyada oo dib loosoo riixay malayshiyada Somaliland, waxaana haatan laga cabsi qabaa in uu dagaal barri ka qarxo deegankaasi.


DAAWO SAWIRO Shirkadda Dahabshiil oo Arin farxad leh ka samaysay Deegaanada Khaatumo markii ugu horaysay

$
0
0

Shirkada Dahabshiil Group ayaa maanta lacag ugu deeqday Dhismaha Wadada dhexmarta magaalada Buuhoodle oo mudooyinkii danbeyey dhismeheedu ka socday magaalada Buuhoodle, lacag dhan $20 kun oo dollar ayaa maanta lagu wareejiyey Gudiga dhisaya Wadada, & golaha deegaanka ee Buuhoodle, sidoo kale shirkada Dahabshiil waxay lacag ku wareejisey Jaamacada Bariga Afirka faraceeda Buuhoodle oo ay maanta u bilowday 2 kun oo dollar oo sanad walba la siin doono Jaamacada.

Munaasibad lagu wareejinayey lacagta ayaa kasoo qaybgaleen, Isimo, Cuqaal, waxgarad, maamulka shirkada Dahabshiil Buuhoodle, gudiga wadada, golaha deegaanka, maamulka jaamacadda & qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maamulaha Shirkada Dahabshiil ee Buuhoodle Cabdicasiis Ismaaciil Garaad Soofe ayaa ugu horayn halkaas ka hadlay kana warbixiyey lacagtan ay wareejinayaan.

Gudoomiye Kuxigeenka Golaha deegaanka Maxamuud Cali Faarax & maamulaha Jaamacada Bariga Afrika ee Buuhoodle Dr Cabdishaafi Axmed Cali ayaa halkaas ka hadlay iyagoo uga mahadceliyey shirkada lacagta ay ku wareejisey.

Waxaa iyaguna goobta kahadlay, cuqaal, aqoon yahano, culimo & qaybaha bulshada kuwaasoo dhamaantood soo dhoweeyey lacagta shirkada Dahabshiil ee ku wareejisey lacagtan dhismaha wadada & Jaamacada Buuhoodle.

Ugu danbayna waxaa munaasibada ka hadlay ISimadii goob jooga ka ahaa , waa kuwan Suldaan Siciid Cismaan Cali & Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo munaasibada soo afmeeray.
Waa markii ugu horeysey oo shirkada Dahabshiil lacag ku wareejiso dhismaha wadada Buuhoodle.

DAAWO SAWIRRO

DSC02379 DSC02380 DSC02381 DSC02382 DSC02383 DSC02384 DSC02386 DSC02387 DSC02388 DSC02389 DSC02390 DSC02391 DSC02392 DSC02393 DSC02394 DSC02395 DSC02396 DSC02397 DSC02398 DSC02399 DSC02400 DSC02402 DSC02403 DSC02404 DSC02405 DSC02406 DSC02407 DSC02408 DSC02409 DSC02410 DSC02411 DSC02412 DSC02413 DSC02414 DSC02415 DSC02416 DSC02417 DSC02418

Shirka qurba-joogta Soomaalida uga socda Istanbul oo maanta lasoo gabagabeynayo

$
0
0

10450344_731930936868189_5428319144543812699_nShirka qurba-joogta Soomaalida uga socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay ugu hadlayaan midnimada iyo xoojinta doorkooda dib u dhiska iyo nabadeynta dalka ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan 100 xubnood oo Soomaali ah oo ka kala socda 16 dal ayaa gabagabada lagu wadaa in lagu soo doorto  guddi hoggaan u noqda qurba joogta Soomaalida, si ay u muujiyaan kaalinta uga aadan dalka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Receipt Dayib Urdugan ayaa la sheegayaa inuu casuumay xubno ka tirsan ka qeybgalayaasha shirka, isagoo kala hadli doona sida leysaga kaashan karo ka shaqeynta horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmed Davut Oglu ayaa si ramsi ah shalay u furay shirka qurbo-joogta Soomaalida ee ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxa Suxid mudan in shirkan uga qaybgalay Deegaanada khaatumo State Cali Xaji Cige oo ka mid ah golaha Fulinta G10 ee Khaatumo state of Somalia

waxa ino diyaariyay Ahmed Mohame Arale (Bisleeye) Xafiiska Wararka Nairobi Kenya

mudaharaa ka dhacay taleex oo looga soo horjeedo snm

$
0
0

mudaharaadkan oo ay soo baabuleen dadweynaha ku dhaqan degmada taleex ay kaga soo horjeedan maamulka snm

dadka oo cadeeyey inaysan soo dhaween maamulka snm

dadkan oo beesha caalimka ka codaday in lagu dulqaado ciidankan snm oo gumeysi nagu haya

 

maxamed c/qani axmed

email;duulane20@gmail.com

 

 

 

Wiilkii Adduunka Ku Badelay Laba Xabaddood, Qarxiyeyna Dagaalkii 1aad Ee Adduunka

madaxweynaha somalia oo ka hadlay dagaalada al shabaab iyo xaalada degaanada khaatumo

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaallada ka socda qeybo ka mid ah gobalada dalka in lagu taageeraayo kooxda Al-Shabaab sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda maleeshiyaadka dagaallamaya u sheegay in la joojiyo dagaallada haddii aaney ka warqabin in n in dagaalladaas lagu taageero kooxda Shabaab.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisada ka aloosan maamulada Khaatumo, Somaliland iyo Puntland oo ku aadan gobalada Sool iyo Sanaag ” Wuxuu ugu baaqay  in laga shaqeeyo nabad iyo midnimo.

HALKAN DHEGAYSO XASAN SHEEKH OO KA HADLAY ARIMO XASASI 

“Walaalaha waqooyiag waxaan ugu baaqeynaa midnimo wadajir iyo nabad, waana in wadahadal lagu dhammeeyo arrinta Sool iyo Sanaag” ayuu yiri

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku aadayaa iyadoo dagaallo u abaabulan qaab qabiil ay ka soo cusboonaadeen qeybi dalka Soomaliya, Sidoo kalana Maleeshiyada maamulka somaliland ay xiisado ka abuureen deeganada Khaatumo.

XASAN SHEKH

 

Warsangeli iyo Dhulbahante ma Cali Baystaynba? Dhulkoodu Ma Iib Baa? Miyay Ku Milmayaan Degaano Kale? Mise way Dhaxal Dareegayaan?

$
0
0

Dadku taariikhda soo jireenka ah ayay wax ka bartaan oo ku camal falaan. Wax ka barashadaasi waxay u howl yarayn karta inuu qofku iska  badbaadiyo  dhibaato soo wajahda isaga ama bulshadiisaa. Dhibaatadaas oo lamid noqon karta mid dunida horay uga dhacday oo ku dhacday bulsho kale.


Umada Cali Baystayn Somalidu u taqaan ama loo yaqaan natives ama Red Indians ee ku nool North America waxaa dhulkoodii laga qaaday oo la dhaxal wareejiyay 500 oo sano ka hor. Maanta ayada oo North America dhul qani ah oo hore u maray tay hadana cali baystaynku waa dadka ugu liita halkaasi.
Waxayna u dhacday sidatan:

Ingiriis iyo Faransiis ayaa tegay America 500 oo sano ka hor. Qabaailka Cali baystaynkuna xiliga way iska soo horjeedeen oo isu muuqdeen oo isdilayeen. Cadaankii halkaa yimid ayaa bilaabay intay isgaashaan buursadaan inay  marba reer Cali Baystayn ah ku duulaan si ay dhulka uga qaadaan. Halkii ay Cali Baystaynku isu hiilin lahaa waxay odhan jireen baga hala dilo reer hebel. Sidii kolba reer dhulka looga qaadayay ayaa dagaalkii ugu horeeyay ee dunidu dhacay. Waxa kaloo jirtay in kuulo iyo saacado cadaanku siin jiray Cali Baystayn ileen weligood may arg kuulo iyo saacadao wax wayn ayay la ahayd. Sidaas baa dhulkooda loo dhaafsanjiray xooga saacada kuulo iyo hadyado. Waxay odhan jireen kolayba dhulka anaga iskale oo haysanee see nalooga qaadikara dhulka, waa sida iminka dhulbahantaha qarkood yidhaahdo. Oo inta xoogaa mushahaaro ah la siiyo ayaa dhulka inoo hay ada ka masuul eh lagu yiraahda o kasaar garadada.

cali baysreen
Wax dhacday in Faransiiskii iyo Ingiriiski islaayeen oo iska soo horjeesteen. Waxa dhacday kala qaybsanaantii dhextaalay Calibaystaynka darteed inay kala raacaan labadii qolo ee cadaanka ahayd ee is diriraysay. Waa sida iminka haysata Dhulbahantaha kala racay laba maamul.


Gamta ayaa la isu joogsaday.Aakhirkiina Ingiriisbaa badiyay. Waxaa dhacday inay daagaalkii ay ku kala qaybsameen kudhamaadeen. Intii soo hadhayna waxaa cadaankii ku soo ooday meelo la yidhaahdo reserve area. Maanta calibaystayn  wa dad aan dhul lahayn, maal lahayn, tacliinlahayn, cod lahayn oo tiibii u dhinta. America oo qani ahna ka qatan yihiin. 300 oo sano kadib markay soo baraarugeen ee ay fahmeen isdirirkii dhexdooda ahyd, kala qaybsanaantii ay kala raaceen laba reer inay dhulkii ku waayeen. waxay noqotay ina ay hambabaraan goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen meel laga soo qabtana lahayn.

Taariikhdaasi kama duwana sida maanta dhulbahante ku socdo Qaar raacay Puntland iyo qaar raacay Somaliland ayay noqdeen iyo shacabkii iyo maatada oo ku dhex lumay. Sadex iyo laabatan sano ayeey kala qayb sanaayeen oo dhulkood hormar kajirin ayna katalinkarin. Waxaa dhacda inay labadaa maamul  amar ka qaataan kuwo loo bixiyaya horgalo oo ku camal falaan amar kaas oo ku wajahan  hagar daamo dadkooda.

Garaadadoodo ma imankaraan Caasimadooda Lascaanood. Sidaynu og nahayna qabiil walbaa sharaftooda waxaa astaan u ah isimadooda sida dhaqanka Somalidu tahay. Hase yeeshe dhulbahante isimadoodu kuma dhacaan inay magaala madaxdood tagaan ilayn qaar horgala ah aya kuulihi iyo saacadihii lasiinjiray calibaystaynka oo kale la siiyaa ayagoo darajo rakhiisa, xooga mushahaara ah la siiya oo maamul kale u ah waardiye.

Telefishinkana  waa laga muujiya sidii kuwo awood leh hase yeeshe awood iyo mansab u talo kumeel mariyo mahayo. Tie ba loo xidhaa oo warbaahinta kahadal ayaa layiraahda. Hase yeeshi Kursiga Siilaanyo iyo kan Abdiwelina ma hawaysan karo ileen ma geyo eh. Tolka soo dil ama soo jaajuus ama hormar ka cunaqabatee ayaa u ah shaqo.

Mabda federaalku wuxuu kashaqaynkara meeshii maamul ka jiroo oo keliya. Qarbiyiintu waxay doonaysa inay baatroolka Soomalida dhakhso u qodoto waxaana la ogaaday meelaha lagu hubo batrool ee ugu dhow waa carra dhulbahante. Waxay u baahanyihiin maamul lala xaajoodo oo meel loogu soo hagaago.Mar hadii Dhulbahante maamul lala xaajoodo la waayay, Puntland iyo Somalilandna isku haysato waxay u egtahya in lagula heeshiiyay in loo kala qaybiyo labada maamul. Dhulbahante 300 oo sano kadib isagoo cidla taagan ayuu sidii calibaystaynka soo baraarugi doona.


Waxaa la yaable meel saa u dihin dadka ku nool ee hadana baryootamaya oo kuraasi macno lahayn meel kala ka raadinaya ayadoo dhulkoodii lagu loolamaayo. Miyaad aragtay meel laleeyayhay Puntland baa leh maya Somaliland bal eh dadkii meesha lahaana soo fadhfadhiyo.


Qaar ba iska dhaadhiciyay dalkayaga anaga haysana cidina nagama qaadi karto waxay moogan yihiin in cidii maamul leh iyo hogaan lala xiriiro dunidu la macaamisho waxna lasaxeexato waxna lawaydiiyo, waxna la iskaga tiriyo. adiguna waxaad tahay bulshoo uun, talana anaad kulahayn wixii go’aan ah ee la gaadhaayo. Taas waxa ku tusayaa 23 sano maxaad kahaysaan kujiritaanka mamul kale waad aragtaan dalkiinii in wixii malaayiin labixinayay  ka oomanyahay oo manta ugu hoosay xag horomar iyo dhaqaale iyo bulsho. Waxa kaloo u daliila inaydaan dhulkiina gacan kuhayn wada tashiga aduunka la idinkama qaybgeliyo. Arimihiina bulsho, ha ahaato tacliin, caafimaad ama dhaqaale maamulada kale ayaa lagala xisaabtama oon midh idin soo gaadhsiin. Hadii ay idin soo gaadhana wa mid horgal lagu laalushayo ama aduunka laga dhaadhicinayo in wax laguu qabtay.

Waxaad kaloo eegta 25 million oo doolar ayaa qolyaha batroolkuu siiyeen Somaliland si ayay dhulkaaga batroolka uga xorayso dhulbahantee oo ciidan ay ka masuul yihiin dhigto. Bal hada qiyaas arintaas.

Maxaad ka haysaa 25 million mase lagula tashaday yaase laga ilaalinaya batroolka. Soo dhulbahantee uun maaha dadka lga ilaalinaya.
Maanta waad aragtaan inaan loo ogolayn inay dadkooda shiriyaan iska daa in teshi guud loogu yeero.

Waxaa kaloo jirta lacagta Puntland iyo Somaliland kuu tuurayso eed baryeesaan ama lagugu iibsanaya waa tii aad xaqa u lahayd eed toos mid kabadan aad baryo la aan u heli lahayd hadii aad maamul lala xaalo leedahay.
Horgalyada marka laga dhamaysto sidii Xaabsadeba ku dhacday ayaa lagu tufaya maalinta batroolka lala soo baxo ee dhulkaaga gacanta lagu dhigo.


Waxaan ku gunaanaday dhulkan waxa la isgu laynaya waa meesha keliya ee la xaqiijiyay in batrool ku jiro xiligii Siad Barre. Maamul yeesha oo kuwa batroolka raba idinku u madaxbanaanada inay idinla xaajoodaan dabadeedna walaaliihiin Puntland, Somaliland iyo Somaalida kale la Qaybsada khayraadka intaad wixiini cidkale ka dawar sanaysaan.


Horta lacagta Xaglatoosiye uu leeyahay wax baan idiinku dhisaya, barayo maaha, Waa tiini. Sida aad toos, barya la’aan lacagta la bixiyo ugu helikartaan waa idinka oo maamul, kala danbayn iyo hoogaan yeesha. In Camayna wuxuu yidhaahda dhulka dhulbahante iyo warsangeli Puntland ayaa leh. Ilaah baan iduku dhaarshee side dhulkaagu mugdi iyo dood u geli kara miyaad geeriyooteen.


Somaliland iyo Puntland labaduba danbi ayay idinka galeen. Sabatoo ah 24 sano dhaqaalihi agoonta, ardayda dumarka iyo bulshada loogu talagalay ee dowladuhu ku soo qubayeen ayay idinka xajareen oo ku dadaaleen inaydaan hore u marin. Horta nin agoon wixiisii cunay isaga aya Ebe la xisaabtami laakin idinku nimankan idin kala qaybiyay ee jeebkooda u shaqaysanaya iska qabta oo ha is odhan alaylehe waa qabiilkaaga horgel hebel ee taageer. Waxaad ka eegta qadiyada guud iyo maxaa dadkiina iyo dalkiina u dana.


Puntland sheekadeedo waa ku qabso ku qadimayside. Waxy isku daydaa inay dowladaha dibada ka dhaadhiciso in SSC uu yahay dhul la isku haysto. Marka Somaliland wax samayso markiiba qoraalbay u dirta qaramada midoobay oo tidhaahda dagaal baan geleya. Waxba kama jiraan ee waa dhulka dhulbahante khalkhal geli badh ha lagu sii yee. Somaliland qadiyadeeduna waa dhulbahantee dhulkooda iyo maalkood ku xukun. Aduun waynuhuna waa dakan baas een meel loo raaco lahayn u kala qaybii Somaliland iyo Puntland aad batroolka qodataane. Horgal kuna intaas waa u fududayyay markuu midba qola raacay ee mugdi geliyay cidii meesha lahayd ba.

Waxaa kaloo jirta bal maamulada Somaliland iyo Puntland eego ma iska dhex argagtaan. Xabad xabad maamulka ka muuqda oo la dhex dhigay oon awood lahayn mooyee. Bal dacalada eeg wax saami qaybsi u eg miyaad aragta aad ku leedahay. Xabad xabada joogtana tvga ayaa laga muujiyaa ayagoo hadlaya ama dhagax dhigay markaasay moodaan inay wax yihiin. Waa uun sawir madaxa loogu salaaxayo dadkana laga dhaadhicinayo inay jiraan. Bal miyaad gaydaa kursiga Siilaanyo ama kan Gaas. Dhulbahante isku xishood.


Waxaan u sheegayaa dadaka dhulkaa degan in qurba joogto noloshoodii habaysteen caruurtooduna iskuulo u aadaan. Ninkii dhulkii ku hadhay ayay jirta inuu dhulkiisa habaysto. Yaan horgul beriba latufidoon durbaan idiin tumin. Dhalyinyarooy yaan la idin iibsan mustaqalkiina kafekera.


Hadaydaan manta Dulbahante iyo Warsengeliyo isu tegin oo is raacin Cali Baystaynimo ayaa idin danbayn.
Sheekada Harti iyo Darood waa beer laxoos iyo riwaayada Puntland. Bal dalkoodi sida aya u hagaajisteen eeg adigan kuu cadaadiyeen. Si uu kuu marin habaabiyo ayuu kaadhka Harti iyo Darood lasoo booda. Takale Somalia manta uma  baahna qabyaalad waxay u baahantahay horumar.


Somalilandna inay qabaail koodu shiraan markay doonaan Dhulbahantena ku duulaan garaadadooda waa xishmada xumo iyo wax dhaqanka Soomalida ka baxsan hase yeeshe  waxay ka arkeen raga dhulbahante ee baruurta afka loo mariyo. Garaad kastoo dhulbahante xishmad ayuu kugu leeyahay dhulbahantoo. Sida aad ula dhaqanto iyo haybadaad huwiso ayaa adigana laguu arkayaa ama lagugula dhaqmaya.
War dahab ayaad ku fadhidaan maamul samaysta dhalinyaradana ha dhaxal wareejinina.

Ahmed M.

Xubno Ay Horkacayaan Xirsi Gaab Iyo Warancadde Una Badan Horgalada Deegaanka Oo Ku Sugan Taleex.

$
0
0

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Taleex ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi gaadheen xubno ay  horkacayaan  Xirsi Toorilay iyo Waran cadde oo ay ka mud yihiin horgalada ka soo jeeda deegaanka Khatumo, waxaana lagu soo waramayaa in Xirsi Gaab uu haatan ku sugan yahay Geedkii bardo Khaatumo , isla  markaana uu ka khudbadeenayo Qalcaddii Daraawiishta, iyada oo halkaasina geel iyo Adhi loogu qalay.

Safarkan ayaa waxa la shegay ina y ku weheliya  Xirsi Tooriley Iyo Waran cadde   xubno ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Khaliif Axmed Dawdar oo maamulka Hargeysa uq aabilsan Ganacsiga , Cali Sandule oo u qaabilsan waxy ugu yeedhaan Dib u heshiisiinta ,  Xuseen Axmed Cabdule oo ah ninka u qaabilsan mamaulka Hargeysa Biyaha,  Maxamed Xuseen Xiirane,  oo u qaabilsan mamaulka Somaliland Asluunta ciidankay ugu yeedhaan Saleebaan cali koore ,Indho Indho , Fu’aad Aadan cadde , Cabdiwaaxid cabdilqaadir iyo  xubno ka tirsan golayaasha Guurtida iyo wakiilada ee maamulka la magac baxay iyada oo dhamaan xubnahan ay u badan yihiin kuwa ka soo jeeda Sool Iyo Sanaag.

Waxaana ku soo dhaweeyey magaalada taleex odayaal ka soo jeeda deegaanka iyada oo qorshuhu yahay in ay la kulmaan odaaysha ku sugan Xudun oo uu ugu horeeyo Garaad Saleebaan Garaad maxamed iyo Cuqaasha deegaanka oo uu ka mid yahay  Shiine Cali Shire iyo Caaqil Maxmuud Askar, qorshaha ayaa waxa uu yahay in malayshiyo tiro badan lagu wareerjiyo maamulka Hargeysa iyada oo la doonayo in uu maamulku ku xididaysto deegaanka.

Xubnahan oo warbaahinta maamulka Hargeysa watay ayaa waxa qorshahoodu yahay in ay isku soo sawiraan deegaanka ay gaadheen si ay bulshada caalamka ee ku amartay dhawaan in ay ka baxaan deegaanka Sool si ay u tusaan in deegaanka laga tagaeersan yahay.

munaafiqiin1


Xog:-Xaglatoosiye iyo Cadami Oo Nairobi U Duulaya Bari, Laguna Xoojinayo Biixi Si Ay Ula Hadlaan Dalalkii Ku Amray In Ay Ka Baxaan Sool

$
0
0

Wararka naga Soo gaadhaya ilo-xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Hargeysa waxa ay sheegayaan in ay barito magaalada Hargeysa ka duulayaan iyaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi xubnaha kala ah Saleebaan Ciisa AXmed(Xaglatoosiye) Iyo Cadami , safarka laban xubnood ayaa lagu macneeyey in uu yahay mid lagu xoojinayo ninka u qaabilasan maamulka Somaliland arrimaha dibada ee lagu magacaabo Biixi, oo isaguna maalmahanba halkaasi ku sugnaa shirarna la lahaa maamulka Puntland.

Safarkan Xaglatoosiye iyo Cadami ayaa maamulka Somaliland ku doonayaa in uu bulshada Caalamka ee dhawaan soo saartay amarkii lagu amrayey in ay ka baxaan degaanka Sool, Iyo Sanaag in ay u tusaan in beelaha harti waqooyi kula socdaan hargeysa joogitaanka ciidanka beelaha Isaaq gobolada Sool, iyo Sanaag, iyada oo ay doonayaan in ay dhadhaqaaq ka sameeyaan goobaha adduunku ku badan yahay, ka dib markii ay shacabkoodu ku canaanten in siyaasadii dibada mamaulka Somaliland looga adkaaday.

Safarka Taleex ay ku tageen Xirsi Gaab, Warancadde iyo Horgalada deegaanka ka soo jeeda ayaa iyadu waxa ay tahay talaabo ay ku muujinayaan in gudaha laga tagaeersan yahay, halka xubnahan kalena loo diray dibada, taas oo ku tusaysa cadaadiska xoogaweyn ee kaga imaanaya maamulka Hargeysa Bulshada caalamka oo ku amartay in ay ka baxaan deegaanka Sool, Iyo sanaag.

Video:-Afhayeenka Khaatumo Maxamuud Shiikh Cumar Oo Soo Dhaweeyey Hadalka Beesha Caalamka Somaliland U Jawaabay

Video:-Haweenka Khaatumo Ee Laascaanood Ku Sugan Oo Taageeray Baaqyadii Adduunka , Siilaanyona Farriin U Diray

$
0
0

Haweenka Khaatumo ee ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa taageeray baaqyadii adduunku ka soo saareen deegaanka Soo, iyo sanaag ee adduunka ku amrayey in ay ka baxaan deegaankaasi, waxa kale oo ay farriin u direen maamulka SNM ee Siilaanyo ka arrimiyo.

HALKAN KA DAAWO HAWEENKA OO TAAGEERAYA BAAQA ADDUUNKA

hooyeeyin

(Dhagayso) Sifaynta Deegaanka Oo Loo Midoobay & Qodabada Shirkii Ka Dhacay Deegaanka Carooley ee G- Sool

$
0
0

Waxaaa Maanta Shir Baaaladhan isugu Yimid Degmada Carooley Ee Gobolka Sool Oyaasha Iyo Wax Garadka Deegaanada Carooley, Hol-Hol Iyo Dicsiweyne Waxaana looga Hadlay Sidii Looga Midoobi Lahaa Qowleysatada Jamhada Snm EE Maalmahan Ku Sugana Deegaanada Taleex Iyo Xudun.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirkan Ka Dhacay Carooley Waxaa Laga Soo Saaray Qodobo Muhuum Ah Guud Ahaan Ay Shacabka Khaatumo Siweyn Ugu Farxeen.

Qodobada Shirkan kasoo baxay ayaa waxaa qayb ka ahaa  Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare iyo Garaad Cabdisaan xasan.

1- Inaan Wax Shir Ah La La Galin Maleyshiyada S/land Inta Ay Duulaanka ku Joogaan Dhulka maamulka Khaatumo.

2- In Ciidamada Beesha Isaaq Iyo Horgalada Midna Uusan Soo Gali Karin Gudaha magaalada Carooley Hadi Ay Isku Dayaana Xabad looga Hor tago.

3- in Shacabka Reer Khaatumo Ay U Istaagaan Sidii Ay Isaga Kicin Lahaayeen Cadowga kusoo Duuley.

4- In La Mideeyo Shacabka Reer Khaatumo Guud Ahaan Gaar AHaan Degaanadan Hada Cadowgu Dul degay.

Ugu Dambeyntii Wuxuu SHaafici, Aw-jaamac oo akhriyey Qodobada ayaa  Taageeray Go,aankii Geesinimada Lahaa Ee Uu Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Ka Qaatay Kooxdii uu Hogaaminayey Xirsi Toorile.

Maamulka Somaliland Oo Malayshiyadiisii Kala Baxay Deegaanka Taleex Ka Dib Kacdoon Laga Horyimi Iyo Cadaadiska Caalamka

$
0
0

Warar naga soo kala gaadhay Hargeysa iyo taleex isla markaana ay noo xaqiijiyeen il-xog ogaal ahi waxay cadeyeen in Maamulka Somaliland malayshiyadiisii kala baxay deegaaka Taleex ka dib markii kacdoono badani lagala hor yimi isla markaanabulshada Caalamku culays ku saareen in ciidankaasi dib uga baxo deegaanka Taleex iyo guud ahaan Sool iyo Sanaag, waxayna ilahana noo xaqiijiyeen in ninka u qaabilsan arrimaha dibada oo xilligan ku sugan Niarobi isla markaana bulshada caalamka halkaasi kula kulansanaa uu farriin deg deg ah soo gaadhsiiyey Hargeysa taas oo nuxur keedu ahaa in ciidanka deg deg looga saaro deegaanada Taleex hoos yimaada.

Dhinaca kale waxaa laga cadeeyey in raashinkii ay sheegeen in ay maamulka Somaliland geeyeen magaalada Taleex dib loo lacagaystay isla markaana ganacsato laga iibiyey iyada oo kaashna lacagtii dib loo qaatay , ka dib markii laysku sawiray.

Malayshiyada Somaliland ka saartay magaalada Taleex waxay ku timi dadaalada ay dhinacyo kala duwani ka galeen sidii loo canbaaaryn lahaa dhibaatad ay ka wadaan maamulka Somaliland deegaanada Sool iyo Sanaag, waxaana wadamada Ingiriiska, Maraykan, Iyo midowga yurub ka soo sareen go’aan cad oo ah in malayshiyada Somaliland ka baxdo deegaanka Taleex, waxayna arrintaasi ku timi doodii ay gudbiyeen madaxda maamulka Khaatumo oo ay ku tilmaameen dhibaatooyinka ay ka wadaan maamulka Somaliland deegaanka, waxa kale oo iyaguna ka hadlay arrinta odayaasha deegaanka oo sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in malayshiyada Somaliland sii joogto deegaankooda, sida uu sheegay Caaqilka Guud ee deegaanka Taleex caaqil Ismaaciil Cali Koore, ka dib markii uu diiday in uu la kulmo xubno ku soo hungoobay safar ay ku atageen deegaanka Taleex oo uu hogaaminayey Xirsi Tooriley iyo Warancade.

Viewing all 2414 articles
Browse latest View live