Waxaa Xalay Xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan ka dhacay dhacdo xanuun badan dad badana ka xumaadeen kadib markii mid kamid ah dadka deegaanka uu xalay si xun u dilay Xaaskiisa.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in Ninka Dilka geestay uu xaaskiisa ku dhuftay labo mid uu kala dhacay qoorta halka mida kalana uu kaga dhuftay caloosha taa oo keentay in xaaskiisa u geeriyooto.
Wararka laga helayo goobjoogayaal kusugan Xaafada Arjantiin uu falkan ka dhacay ayaa sheegaya in dilka uu ka dhashay muran dhax maray ninka dilka geestay iyo xaaskiisa kuwaa oo ku murmay biilka Reerka.
” Walaal dilka waxa uu ka dhashay Muran dhax maray Ninka wax dilay iyo Haweeneyda la dilay , ninka markii uu guriga yimid ayey weediisay Xaaskiisa lacag biil ah hasa ahatee waxa uu soo taagay lacag dhan 20-kun Shiling Soomaali ah , waxa ayna u sheegtay in lacagtaasi aysan dhameyn masruuf , muran iyo buuq dhax maray kadib ayuu ninkii dilay xaaskiisa ” ayuu yiri goob jooge ka hadlay dhacdadan.
Ninka Falkan dilka ah geestay ayaa la tilmaamay in uu ka baxsaday halka uu dilku ka geestay , Ciidamada Booliiska Degmada Karaaan oo gaaray halka uu falkan ka dhacay ayaa wada baaritaano ay ku baadi goobayaan ninka gacan ku dhiiglaha ah.
Dilkan xalay ka dhacay ayaa imaanaya xili maalmo yar kahor Magaalada Muqdisho Sargaal katirsanaa Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya Xaaskiisa ku dishay Magaalada Muqdisho , Falalkan ayaana noqonaya dhacdooyin mudooyinkan dambe dalka kusoo kordhay.