Iyadoo maalintii shalay si weyn loogu soo dhaweeyay degmada boocame ee gobolka sool laba isim oo kamid ah isimadda dhaqanka khaatumo ayaa maanta waxay qabteen shir jaraaid ay oga hadlayeen sababta ka dambaysa shirka dhawaan ay isimadda dhaqanka iskugu iman doonaan.
Ugaas Cabdilaahi ciise nuur ayaa ugu horayn sheegay in shirka boocame yahay shir mudo gaaban socon doono oo ay ku kulmi doonaan isimadda oo kaliya islamarkaana ay kaga arin-sanayaan sidii ay ku midoobi lahaayeen.
Suldaan Siciid Iyo Garaad Saleban Buraale ayaa dhankooda sheegay in shirka boocame uu mudo kooban soconayo islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan shirweynaha khaatumo3 ee ka dhici doona magaalada taleex
Cabdinaasir Soomane Warbaahinta Daldoon Boocame
Halkan Ka Daawo