Xukuumada Soomaliya Ayaa waxay si Adag uga hadashay Markii Horaysay Dhibaatada Shacabka Soomaliyeed ku Haystaan Magaalada Nariobi ee Wadanka Kenya.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay qab-qabashada ay ciidamada amniga Kenya ku wadaan Soomaalida degan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Cabdiweli sheegay in arrintan si gaar ah ugala hadlay madaxda dalka Kenya, gaar ahaan Madaxweyne-kuxigeenka, wuxuuna sheegay in madaxdu ay u balanqaadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan arrintan loo soo afjari doono.
HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSI XIISO BADAN RW C/WALI & VOADhinaca kale Raysal Wasaaraha Ayaa waraysigaan Xiisaha badan wuxuu uga hadlay Safarkii sii ugu Horeeyay oo maanta ku gaadhay Magaalada Buulo Burde oo Xarun muhiima u ahayd kooxd Al-shabaab.