Magaalada Laascaanood wararka naga soo gaaray ayaa sheegaya in xalay markii ay saacadda Soomaaliya ku beegnayd 3:30 uu ka dhacay iska hor imaad la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kale duwan.
Qaar ka mid ah shacabka magaalada ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaas la isdhaafsanayo oo xitaa la isku adeegsanayey hubka culus, taasi oo sida la rumeysan yahay u dhexaysay ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamada xoraynta ssc kuwaasi oo ku dagaalamay saldhiga bartamaha ee magaalada.
Weerarka oo ka dhacay saldhiga dhexe ee laascaanood ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee sanado ka dhaca gudaha laascaanood waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo gaadhay
Farxaan maxashwaan oo kamid ah saraakiisha xoraynta ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarka
Goobta la weeraray ayaa ah qeybta booliska gobolka sool halkaas oo si weyn loo ilaaliyo islamarkaana ay ku taalo xarun ay 4 dhinac xarumo dawladeed ku taalo