Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

DAAWO SAWIRADA:Machadka Diiniga Ee Alfurqaan Buhodle oo ay maanta ku biireen Arday gaadhaysa 115 Arday Oo kudhaqan degmada Buhodle.

$
0
0

Xafladdan oo lagu soo lagu soo dhawaynayey ku dhowaad 115 Arday oo ku soo biiray waxbarashada maxadka sare ee Alfurqaan ee magaalada buuhoodle.
Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay Culimo awdiin, Waalidiin, Waxgarad, Aqoon yahano, Macalimiin, Arday iyo dhamaanba qaybaha bulshada ee kala duwan ee ku dhaqan Gobolka cayn Iyagoo dhamaan dadkii kasoo qayb galay munaasabadaasi ayaa soo dhwaaeyeen Ardaydan cusub ee kusoo biirtay machadkan Alfurqaan ee kadhisan Buhodle una heelan warbarasho diiniya oo heer sare ah.

 
Ugu horayna waxaa halkaa kahadlay sh.cumar sh.cismaan oo ka hadlay faa’iidoonyinka cilmigu uu leeyahay isagoo kudheeraaday khudbadiisa oo dheerayd dhinacyo badana taabanaysay.

 

 

Waxaa isaguna goobta ka hadlay sh.cabdishaafi axmed cali oo ah Hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika Faraceedda Buuhoodle ahna maamulaha maxadka al furqaan waxuun ka xog waramay maxadka al furqaan iyo mar xaladihii uu soomaray mudadii uu jiray tirada ardayda ka Aflaxday culuumta diiniga ah ee uu bixiyo machadkan Alfurqaan.

 
Intaas kadib waxaa micriphonka qaatay oo goobta ka hadlay marti sharaftii xafladda kasoo qayb gashay oo isigu jirtay Culimo awdiin, Waalidiin, Waxgarad, Aqoon yahano, Macalimiin, iyo Arday .kuwaasoo dhamaantoo d ay Ardaydan cusub ee bilaabaya waxbarashada dugsiga sare ee Alfurqaan, Iyagoo taabtay qiimaha uu cilmigu leeyahay iyo Culays ay leedahay jaahilnimadu.
xafladan lagu soo dhawaynayey ardayda gaadhaysa 115 arday Oo bilaabaysa warbarashada sare ee uu bixiyo machadka diiniga ee Alfurqaan ayaa dhamaantood waxay ahaayeen Ardaydii kasoo baxday gudsiyada Hoose/Dhexe ee kuyaala magaalada buhdodle ,

 

Ardaydan kusoo biirtay machadka Alfurqaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dhamaan aydaygu iska xadirinayaan goobaha waxbarashada kadib fasax dheer oo laga soo laabtay.

 Saawo sawirada

DSC09827DSC09826DSC09825DSC09825DSC09824DSC09822DSC09831DSC09830DSC09829DSC09836DSC09835DSC09833DSC09832DSC09841DSC09840DSC09838DSC09837DSC09877DSC09876DSC09875DSC09874DSC09882DSC09880DSC09878


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles