Quantcast
Channel: War la hubo oo xaqiiq ah
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Ciidamo Daacad u ah Axmed Karaash Oo Rasaas Ooda kaga qaaday dadka degaanka Carooleey

$
0
0

Deegaanka Carooley oo ka tirsan Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa maanta ciidamo taabacsan axmed karaash waxay rasaas ku fureen dad ku sugnaa gudaha magaaladda carooleey kadib markii la sheegay in ciidamadan loo diray inay hor istaagaan wufuud ka soo kictimi lahayd degmadda boocame ee gobolka sool kuwaas oo ay kamid ahaayeen golaha sare ee dhaqanka khaatumo

 

Inkastoo aan wali la ogayn xaqiiqada dhabta ah ee deegaankaasi ka jirta hadana warar aan tafotirnayn oo qaar ka mid ah dadka deegaanku u sheegeen Shabakada wararka ee daldoon.com ayaa tibaaxaya in haatan xaalada deegaankasi ay degantahay isla markaana aanu haatan ka jirin islamarkaana ay ciidmadii axmed karaash ay dib ugu noqdeen magaaladda taleex oo markii hore ka yimaadeen

Waxaa beryahanba Dhaqdhaqaaq iyo sidoo kale dabayl colaadeed laga dareemayey Degmada Taleex kadib socdaalkii uu ku yimi Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Gen. Cabdi Samed Cali Shire.

Iskusoo wada Duuboo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Khaatumo oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa afka ku dhuftay in aysan aqbali doonin in uu gudaha Taleex kusii sugnaado Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Shire


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2414

Trending Articles